zaytuun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zaytuun
name-f olive, guava
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saytuun
(Saytuun-ka)
Seytuun.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saytuun
Olive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saytuun
m. n. guava
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saytuun
-ka: (n) olive (o-liiva). Ex: miraaha sayntuunka; thefruit of the olive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saytuun
-ka: (magac, lab, keli) geed bixiya midho saliid laga tuujiyo 'saliid saytuun' oo ka baxa waddamada Badda Cad. Waxa laga sameeyaa midhihiisa saliidseydda, oo sida subagga wax lagu iidaanto; saabuunsamayskana waxtar u leh. Dh: seytuun.
saytuun-ka: (magac, lab, keli) midhaha uu bixiyo geedka saytuunku.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saytuun
a: seytuun
de: guava
initial: s
lx: saytuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: saytuun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
olivier
olivier, n.m. - geedka midhaha dhanaan ee zaytuunka (olifka) ka baxaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oléiculture
oléiculture, n.f. - qofka abuura geedka zaytuunka (olifka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuun
-ta: (magac, dhedig, keli) jaadadka geela jaad ka mid ah oo midab qurxoon. Dh: cayuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayuun
(Cayuun-ta)
Jaadadka geela jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid. m.f.dh, cayuumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayuun
f. n. camel species
cayuun [feminine] n. evil eye, casting the evil eye on someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayuun
-ta: (n) a stare believed to cause someone misfortune; an evil eye ~ il, dhajis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuun
-ka: (magac, lab, keli) jaadadka geela midkood. Dh: ayuun.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fatuun
name-f fascination
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaatuun
m.l (-uummo, m.dh) Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. la-mid: kaatun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaatuun
m.l (-uummo, m.dh) Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. la-mid: kaatun.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaltuun
name-f beautiful face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kartuun
-ka: (magac, lab, keli) eeg kartoon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Laymuun
name-f sweet - said of females
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maymuun
pr. n., [feminine] Maymun, Maymoon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maymuun
name-f blessed, happy, lucky, fortunate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maymuun
bw: Arabic
de: Maymun, Maymoon
lx: Maymuun
ps: name-f
key: Maymuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maynuun
-ka: (magac, lab, keli) wax karti iyo awood leh. Dibi maynuun ah ayaan leehay. Dh: xoog, ahmin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Nabtuun
-ka: (n) Neptune (neptuun). Ex: meeraha 8aad ee qorraxda ku wareega; the eighth planet from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nabtuun
-ka: (magac, lab, keli) xiddig meerayaasha ka mid ah oo aad dhulka uga weyn kana fog: waxa kale oo loo yaqaan Woodle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaynuun
(Qaynuun-ka)
Qaanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaynuun
m.l la-mid: qaanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaynuun
m. n. law, regulation, rule, order, procedure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaynuun
-ka: (n) law (loo); regulation (rege-leey-shen); rule (rutd); bylaw (baay-loo); legislation (legas-leey-shen) ~ qaanuun, sharci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaynuun
-ka: (magac, lab, keli) xeer dadku dhigtaan ama Ilaahay u dejiyo oo lagu kala dambeeyo. Dh: qaanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaynuun
bw: Arabic
de: law, regulation, rule, order, procedure
lx: qaynuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qaanuun
key: qaynuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seytuun
(Seytuun-ka)
1. Geed geedaha kuwa u waxtar badan ka mid ah oo geed-abaareed ah; waxaa mirihiisa laga lisaa saliid-seydda la wada yaqaan.
2. Miraha seytuunka ka baxa, oo ama sidooda loo cuno (iyagoo cusbaysan ama khal lagu daray) ama saliid laga sameeyo, saliidseydda, sida subagga oo kale baa wax loogu iidaantaa oo loogu shiilaa; waxay kale oo wax ka tartaa saabbuun-samayska.
3. Geed kale oo labaad oo Soomaalidu seytuun u taqaan iyo mirihiisa, iyagana la cuno; guwaafa ama jawaafa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seytuun
m.l 1. Geed la beerto oo miro kulkulucsan oo khudrad ahaan loo cuno dhala. 2. Miraha geedka seytuunku dhalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seytuun
m.l 1. Geed la beerto oo miro kulkulucsan oo khudrad ahaan loo cuno dhala. 2. Miraha geedka seytuunku dhalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seytuun
m. n. guava
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seytuun
-ka: (n) olive (oliv); guava (gwava) ~ saytuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seytuun
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha kuwa u waxtarka badan ka mid ah oo geed-abaareed ah waxaa mirahiisa laga lisaa 'saliid-seydda'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seytuun
a: saytuun
bw: Arabic
de: guava
initial: s
lx: seytuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: seytuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayfuun
m.l (c.cimi.) Duufaanka kulaalayda ee badaha shiinaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tayfuun
m.l (c.cimi.) Duufaanka kulaalayda ee badaha shiinaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tayfuun
Typhoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maymuuna
pr. n., [feminine] Maymoona
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maymuuna
name-f blessed, happy, lucky, fortunate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maymuuna
bw: Arabic
de: Maymoona
lx: Maymuuna
ps: name-f
key: Maymuuna
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayuu
vl. pron. he,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayuu
(pronoun) he (hii) ~ buu. Ex: sidaas ayuuyiri; he said that
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuu
qurub qofka saddexaad ee laga hadlaha ah oo lagu ladhay qurubka buu. Qalin ayuu Aadan ii keenay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayuu
a: buu
de: he + [FOCUS] = ayaa + uu
lx: ayuu
ps: focus + vpro
key: ayuu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuun
f. n. garlic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuun
de: garlic Alt sp: toon
initial: t
lx: tuun
pd: (-ta)
ps: n-f-enum
key: tuun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zayn
name-f beautiful, graceful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aluun
-ka: (magac, lab, keli) god dheer oo qarandi qodday. Aluun buu ku dhacay odaygii. Dh: hog, dalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anuun
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'uun 3'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anuun
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'ani' iyo 'uun' oo la isku ladhay. Ani uun buu i dhalay aabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ayuub
name: Job
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ayuub
name-m persecuted, penitent (Job); Prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ayuub
de: Job
lx: Ayuub
ps: name-m
key: Ayuub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
acyuun
m.dh 1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. la-mid: cayuun¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
acyuun
m.dh 1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. la-mid: cayuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduun
(Adduun-ka)
1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu nool yahay; duni.
2. Maal; xoolo; hanti; adduunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adduun
m.l 1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. la-mid: adduunyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adduun
m.l 1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. la-mid: adduunyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adduun
m. n. world, universe
adduun m. n., [collective] wealth, worldly goods
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adduun
-ka:(n) 1. world (wooldh); earth (eerth); universe (yuniveersi). Ex: adduunka aan ku noolnahay...; the world in which we live... . 2. wealth (weelth); riches (riijaz); affluence (aafulu-wans) ~ adduuyo, xoolo, maal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adduun
-ka: (magac, lab, keli) dhulka iyo waxa dul yaalla oo dhan. Adduunka Alle ayaa abuuray.
adduun -ka: (magac, lab, keli) ifkan aynu ku nool nahay. Dh: dunida. Li: aakhiro.
adduun -ka: (magac, lab, keli) xoolaha ama hantida qof leeyahay. Dh: hanti, maal, xoolo, adduunyo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
adduun
مَلَكُوتِ، كَوْنِ، عَالَم دُنْيا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftuur
aftuur¹: m.l la-mid: afxir¹.
aftuur²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: afxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyuun
m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyuun
m. n., (mass n.): opium
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuun
-ka: (magac, lab, keli) maandooriye ka samaysan dheecaan sida caanaha u cad oo la engejiyey oo laga lisay geed waxtar iyo dhibaato weyn labadaba leh; sida xashiishadda ayuu kartida garashada iyo maanka ba u dooriyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyuun
de: opium
lx: afyuun
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: afyuun
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALBUUN
(Album) S Jatropha trifida Chiov. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ammuun
name-f trustworthy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashuun
m.l (-uumo, m.dh) la-mid: aashuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ashuun
m.l (-uumo, m.dh) la-mid: aashuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashuun
-ka: (magac, lab, keli) weel biyaha lagu shubto oo ka samaysan dhoobo. Dh: jalxad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ASTUUR
(Astur) S, N Cathamus tinctorius L. ?
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Autumn
Deyr
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
autumn
/ootam/autumns. (n) xilliga ama fasalka dayrta. e.g. I will be going to London this autumn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATUUL
(Batul) N Beta vulgaris L. Chenopodiaceae?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batuux
m.dh la-mid: bataax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baytin
(Baytin-ta)
1. Baadi iyo wax lumay war ku saabsan soo ogaansho, dabadeedna sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytin
m.f.dh eeg bayti. la-mid: baytis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baytin
vl. n. information about a lost thing ~ animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baytin
-ta: (magac, dhedig, keli) baadi ama wax lumay soo ogaanshaha halka uu jiro, dabadeed na sheegid. Dh: yaboohin.
baytin -ta: (magac, dhedig, keli) gabay qof ama dhowr afmaal ay ka qaybqaataan oo meel fagaare ah laga soo jeediyo. Dh: bayting.
baytin-ta: (magac, dhedig, keli) gabay lo'da weli ku jirta xeradeeda lagu ammaano, looguna duceeyo. Dadka hiddahaa aqoonta u leh waxay aamminsan yihiin in lo'du dhegaysato oo ay jeclaysato ka dibna caano badan laga helo. Dh: bayting.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baytin
de: information about a lost thing or animal
lx: baytin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: baytin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayuur
(Bayuur-ta)
Ceebaal weyn; ceeb; jiciir; jac; maqdiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuur
m.dh Ceeb aad u weyn; jiciir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayuur
f. n. disgrace, big scandal, something shameful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuur
-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb weyn; wax ceebaal ah oo aad loola yaabo. Dh: foolxumo, jac, jiciir, sharafdarro, fadeexad, maqdiir. Wa: bayuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayuur
cf: ceeb ~ ceebaal, jac, jiciir
de: disgrace, big scandal, s.t. shameful
lx: bayuur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: bayuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuun
-ka: (magac, lab, keli) dibiga yar ee aan geesku weli u soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytan
caytan¹: m.l Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. la-mid: caytamid.
caytan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caytan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho. m.f.dh, caytamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caytan
v. insult one another