zanzariera
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zanzarièra
s.f. - sansiyeeri, mara kaneeco.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zanzara
s.f. - kaneeco, dhilmaanyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danzare
v.tr. - qoob ka cayaarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maniéra
s.f. - si, hab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zaarifa
name-felegant, witty
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfariir
anfariir¹: m.l 1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. la-mid: anfariirid.
anfariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo cabsi dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anfariir
f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo cabsi dareemid. m.f.dh, anfariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariir
(fal) (ka ~) dhacdo, war iyo wax la mid ah naxdin, cabsi iyo argagax ka dareen.
anfariir-ka: (magac, lab, keli) yaab, cabsi iyo naxdin soo kordhiyey. Anfariirka Shiinaha dhigee Yurub ka uugaantay. Dh: argagax, amakaag, shaamareer, irkig, fajac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareer
m.l la-mid: ansaleel.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandiéra
s.f. - calan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barriéra
s.f. - xijaab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carriéra
s.f. - hawl, xirfo, jago.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salarier
salarier, v. - mushaar siin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zakariya
name-m Allah remembered; Zachariah; prophet in the Holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfariiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid anfariir ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariiri
(fal) (ka ~) cid kale, cabsi iyo argagax ku rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareeri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ansaleeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfariir
(Hanfariir-ka)
Argaggax; didmo; sas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariir
hanfariir¹: m.l Argaggax; didmo; sas. la-mid: anfariir¹.
hanfariir²: f.mg1 (-iiray, -iirtay) Bixid, argagixid. la-mid: anfariir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanfariir
f.mg1 (-iiray, -iirtay) Bixid, argagixid. m.f.dh, hanfariirid. la-mid: anfariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanfariir
m. n., [abstract] fright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariir
(fal) argagax oo yaab iyo tacajab ha kugu dhacaan. Dh: anfariir, did, sas.
hanfariir-ka: (magac, lab, keli) wax laga yaabo oo didmo iyo sas kugu rida; argagax iyo amakaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanfariir
a: hinfiriir
cf: argaggax, didmo, sas
de: fright
lx: hanfariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: hanfariir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rapparier
rapparier, v. - tiro isle'eg laga dhigo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canottiéra
s.f. - funaanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariiri
f.g2 (-iyay, -isay) Cabsiin, nixin. la-mid: anfariiri.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La saliera
Dhalada cusbada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samhariira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood. la-mid: saciira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samhariira
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood. la-mid: saciira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samhariira
-da: (magac, dhedig, keli) cadaabaha aakhiro mid ka mid ah: cadaabteedu iyo ciqaabteedu dhaxan badan tahay, ta ugu qabaw badan cadaabaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandareero
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha yar ee afka ama sanka loogu dhiijiyo saca marka la rabo in la maalo, si uu u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjareeri
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta iyo xajinta sirta. Nin aan xanjareeri lahayn sir laguma aamino.
xanjareeri -da: (magac, dhedig, keli) hal'adayg iyo kalsooni uu qof leeyahayi inta ay le'eg tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof la hanfariiray ahaansho. la-mid: anfariirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirsan
(tilmaame) qof argagaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfariirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax anfariir hayo ahaansho. la-mid: hanfariirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfariirsan
(tilmaame) mid naxsan oo argagaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfariisad
m.l la-mid: danfariisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariisad
m.l la-mid: danfariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirid
m.f.dh eeg hanfariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) didid; sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirin
m.f.dh eeg hanfariiri. la-mid: anfa-riirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaraarac
(Hangaraarac-a)
Cayayaan yar oo lugo badan leh; oogadiisu waxay leedahay girgirro (xubno); midabkiisu waa madow yahay, kolkuu wax dareemona waa is galoolaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaraarac
m.l Cayayaan yaryar oo lugo badan leh, oogadiisuna leedahay girgiro, midabkiisuna yahay madow. la-mid: hanqaraarac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangaraarac
m.l Cayayaan yaryar oo lugo badan leh, oogadiisuna leedahay girgiro, midabkiisuna yahay madow. la-mid: hanqaraarac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangaraarac
m. n. millipede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hangaraarac
-a: (v) centipede (sentapiid); millepede (milapiidh) ~ hanqaraac, farabadane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangaraarac
-a: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo bogga ku socda, dhererkiisuna gaadho toban santimitir, oo aad u luga badan oo meelaha barwaaqada ah laga helo. Midabkiisu waa madaw, haddii uu halis dareemana, giraan ayuu iska dhigaa. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangaraarac
de: millipede
lx: hangaraarac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: hangaraarac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaraarac
m.l (-cyo, m.dh) la-mid: hanga-raarac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanqaraarac
-a: (n) centipede (sentapiid); millepede (milapiidh) ~ hangaraacrac, farabadane
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La zuppiera
Dheriga maraqa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareeri
(fal) matag balqan isjiidanaya ah hunqaac. Waligaaba mandhareeri haddaad wax cunin waxba kaa soo dhici maayaan. Dh: matag, madhareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqartirad
m.l la-mid: shanqartirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshareeri
-da: (magac, dhedig, keli) halka ama awooda wax lagu qarsado. Dh: sirqarsi.
xanshareeri -da: (magac, dhedig, keli) badhida la shiilo cad ka soo baxa oo dumarka iyo carrurtu cunaan.