yuusuf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yuusuf
name: Joseph
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yuusuf
name-m Allah will increase; Joseph, prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yuusuf
de: Joseph
initial: y
lx: Yuusuf
ps: name-m
key: Yuusuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcobarqadle
m.dh Xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sh. Yuusuf Al-Kowneyn. la-mid: jimca-barqadle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraad
-da: (magac, dhedig, keli) tiro taxan, tan jagada afarta ku abbaaran; tiro taxan tan saddex ka danbaysa shanna ka horraysa. Ilmihii afraad baa Reer Yuusuf u dhashay. Dh: afaraad, 4aad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaci
(fal) wax toosan liici sida ul. Dh: liici.
daaci -ga: ( magacwadareed) xoolaha caatada ah doonka jiilaal. Soo durduriyoo, lo'da dihatito, daaciga ha layn.
daaci -ga: (magac, lab, keli) qof Ilaahay dartii dadka diinta ugu yeedha oon maal iyo mushaqaayad midna aan dadka ka doonayn. Sheekh Yuusuf Al-Kownayn, wuxu ahaa daaci la yaqaanno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalallo
-da: (magac, dhedig, keli) afar god oo ka mid ah siddeed iyo labaatanka god ee dayaxu fadhiisto. Habeen daalallo ayuu dhashay Yuusuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golxo
-da: (magac, dhedig, keli) qof garbarog leh oo xagga hore u godan. Yuusuf waa nin golxo leh. Dh: goobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcobarqadle
-ha: (magac, lab, keli) xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn. Dh: jimcabarkhadle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maw
(ereycodeed) erey lagu cabbiro jabaqda. meel hoos u dheer oo gunteedu fog tahay. Ceelka guntiisa ayuu maw ku yidhi. Dh: dubuq, dalam.
maw -da: (magac, dhedig, keli) meel uub ah oo aad u dheer. Nebi Yuusuf maw dheer bay walaalihii ku tuureen. Dh: uub, aakhiro.
maw -ga: (magac, lab, keli) weelka guud ahaan siiba kan biyaha lagu dhaansado. Dh: agab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naa'ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) masuul ku xigeen ahaan. Yuusuf naa'ibnimo ayaa loogu ballan qaaday Dh: kuxigeennimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugul
(tilmaame) wax aan adkaysi lahayn. Yuusuf waa nin nugul.
nugul: (tilmaame) dhaqdhaqaaq leh oo aan aad u qotomin.
nugul: (tilmaame) dhegafudud oo dadka aqbala.
nugul -ka: (magac, lab, keli) dad iyo duunyaba intooda aan harraadka u adkaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurux
-da: (magac, dhedig, keli) arag habboon oo indhaha soo jiita oo leh midabbo is buuxiya, tilmaan lagu cabbiro samayska habboon. Nebi Yuusuf dabadii; tii dumarka quruxda leh; haldoor kooda noqotaay. Dh: bilic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegweyn
de: inattentiveness; [idiom] easygoing, carefree, light hearted person
lx: dhegweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
xe: Joseph is an easy-going person. Lit: big ear
xv: Yuusuf waa qof dhegweyn ah.
key: dhegweyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ee_8
de: hey!, oh!
hm: 8
lx: ee
ps: intj
xe: Oh Joseph! {N}
xv: Ee Yuusuf
key: ee_8
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuus
-ka: (magac, lab, keli) jabaqda dhibcaha roobka. Roob yuus badan baa soo socda. Dh: xiin.
yuus-ka: (magac,lab, keli) gunuunuc ay oohini ku dhexjirto. Ilmuhu yuus buu dabeecad ka dhigay. Dh: gunuunac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuluf
-ta: (magac, dhedig, keli) hunguri xumo aan la dhergin. Qof yuluf qaba wax kastaa la yaraada. Dh: walaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yusur
m.l 1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yusur
m.l 1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yusur
pr. n., [feminine] Yusur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yusur
m. n., [abstract] shiny black skin color
yusur: m. n. plant from which black beads are made (e.g., for a rosary)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YUSUR
(Yusur) May Cassia abbreviata Oliv. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yusur
name-f she makes it easy, ease, relief; well-to-do, wealthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yusur
-ka: (magac, lab, keli) midab madaw oo dhalaal qurux badan leh. Yusurku waa midabbada loogu jecel yahay. Dh: sugul, magaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yusur
de: Yusur
hm: 3
initial: y
lx: Yusur
ps: name-f
key: Yusur_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suusuc
(Suusuc-a)
Caano dhayna ka tegey, garoorna aan weli noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusuc
suusuc¹: m.l.kh Caano dhay ka tegey fadhina aan weli gaarin. la-mid: suusac¹.
suusuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Caano suusuc noqosho. la-mid: suusac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suusuc
suusuc¹: m.l.kh Caano dhay ka tegey fadhina aan weli gaarin. la-mid: suusac.
suusuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Caano suusuc noqosho. m.f.dh, suusucid. la-mid: suusac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suusuc
m. n., (mass n.): milk that has just turned sour, but not fully curdled
suusuc [inchoative] v. turn ~ become sour, start to coagulate (of milk)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suusuc
-a: (n) milk that has just lost its freshness and turned sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusuc
-a: (magac, lab, keli) caano aan dhay ahayn weli na gadhoodhin. Caano suusuc ah baan ku darsaday bariis cad. Dh: dhanaan. Li: dhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuurur
(Yuurur-ka)
Fadhi; yoxoob; kuudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuurur
yuurur¹: m.l 1. Fadhi; yoxoob; kuudud.
yuurur¹: m.l 2. la-mid: yuururid.
yuurur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuurur
f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid. m.f.dh, yuururid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuurur
v. crouch, sit in a crouched position
yuurur: vl. n. sitting crouched
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurur
(fal) fadhi yuurar ah fadhiiso. Halkaa yuurur sidii wax waalan. Dh: kuudad.
yuurur -ka: (magac, lab, keli) eeg yuurar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuusan
pron., neg., opt. form: may he / it [masc.] not!, don't let him / it...!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuusan
de: may he / it [masc] not!, don't let him / it...! With negative optative
initial: y
lx: yuusan
ps: pro-neg-opt
xe: yaanu
xv: yuu
key: yuusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho badan oo gunuunuc ah samayn. Naag xumi way yuusid badan tahay Dh: gunuunucid, niiclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hululuf
(Hululuf-ta)
Maro weyn oo dumarku qaato; marsiino; saddexqeyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hululuf
m.dh 1. Maro weyn oo dumarku qaataan; saddexqayd. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shanqar maro ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hululuf
f. n. long skirt (wide and full)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hululuf
-ta: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo dumarku qaato. Hululuf qurux badan ayaa khadra loo soo iibshay. Dh: saddexqayd, marsiino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hululuf
cf: marsiino, saddexqeyd
de: long skirt (wide and full)
lx: hululuf
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: hululuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusuci
f.g2 (-iyay, -isay) Caano suusac ka dhigid. la-mid: suusaci.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suusuci
f.g2 (-iyay, -isay) Caano suusac ka dhigid. m.f.dh, suusucin. la-mid: suusaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunuf
unuunuf¹: m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. la-mid: anaanuf¹
unuunuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. la-mid: anaanuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunuf
(fal) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka ururso.
unuunuf -ka: (magac, lab, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururi
(fal) cid kale si yuurar ah u fadhiisi. Cidlada wada yuururi inta xal loo helayo. Dh: bacadjooji.