yuuryuursi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuryuursi
-ga: (magac, lab, keli) socod jiitan ah oo aan dardar iyo degdeg lahayn. Gabadh xalaalaysan yuuryuursigaa lagu gartaa. Dh: kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi kuududsi ah fadhiisasho. Yuurursi caydheed lama yaraysto. Dh: kuududsi, kuudadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursi
(Kuurkuursi-ga)
Kuurkuursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursi
m.l la-mid: kuurkuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg kuurkuursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursi
(Muurmuursi-ga)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursi
-ga: (magac, lab, keli) wax la doonayo u muutamuutayn; doonid oo ku ag warwareegid. Dh: gaadid, doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuqyuuqsi
-ga: (magac, lab, keli) ku socodka faraha hore ee cagta si aan shanqadha loo maqlin. Yuuqyuuqsi aadmuhu miyuu yay dad cuna mooday. Dh: dhuuqdhuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuxyuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) lugta oo kolba eeyar la qaado oo socodka la gaabiyo. Dh: yuuryuursi, dhuugdhuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobso
(fal) yuuryuursi u fadhiiso; si yaxoobsi ah u fadhiiso. Yoxoobso sidii ido roob ku da'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururi
(fal) cid kale si yuurar ah u fadhiisi. Cidlada wada yuururi inta xal loo helayo. Dh: bacadjooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uur'uuri
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo qool surta ku leh. Dh: qoolley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururso
(fal) gandood iyo kadaloob u fadhilso. Halkaa yuururso inta faraj kuu imanayo.
yuururso: (fal) fadhi murug iyo walaac ka muuqdo fadhiiso. Agoonkii hooyadii dhimatay gidaarkuu yuurursaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuurso
f.mg3 (-saday, -satay) Iyadoo la fadhiyo dhaqdhaqaaqid ama nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuurkuurso
v. fidget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuurkuurso
-kuurkuursaday I tay: (v) crawl (karool); creep (kiriip) ~ gurguuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuurso
(fal) adoo fadhiya socsoco oo dhaqdhaqaaq; nuuxnuuxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuurkuurso
de: fidget
lx: kuurkuurso
nt: kuurkuursad (ka) [vn-m], kuurkuursasho (/da) [vn-f], kuurkuursi (ga) [vn-m]
pd: (kuurkuursaday)
ps: v3a=
key: kuurkuurso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurri
(fal) aayar u calali adoo dhagax ama khatar ilkaha ku timaad ka baqaya. Gorowgu dhagax buu leeyahaye aad ha u calaline aayar muurmuurri.
muurmuurri: (fal) ilkaha hore iyo cirrid aan gawso lahayn wax ku calali. Dh: calcalali.
muurmuurri -ga: (magac, lab, keli) calalin aayar ah oo qof aan gawso lahayn ama ilkaha dhawrayaa uu cuntada u calaliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurmuurso
v. suck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muurmuurso
-day / tay: (v) chew food slowly with the gums; mumble (mam 'bal) ~ muudmuudso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurso
(fal) ilkaha hore wax ku calali. muurmuurso: (fal) niyadda ka doon oo yar gaad. Aabbo wuu ku siine lacagta u yar muurmuurso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurmuurso
de: suck
lx: muurmuurso
nt: muurmuursad (ka) [vn-m], muur-muursasho (/da) [vn-f], muurmuursi (ga) [vn-m]
pd: (muurmuursaday)
ps: v3a=
key: muurmuurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursad
(Kuurkuursad-ka)
Kuurkuursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursad
m.l la-mid: kuurkuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi la nuuxnuuxsado oo la dhaqdhaqaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) si muurmuurri ah oo aayar ah wax u calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuurris
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha hore iyo cirrid aan gawso lahayn wax ku calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursad
(Muurmuursad-ka)
Muurmuursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursad
-ka: (magac, lab, keli) sidii wax ilka la muurmuurri wax u cunid. Muurmuursadka iska daa miyaad ilka la'day! Dh: muurmuursasho.
muurmuursad -ka: (magac, lab, keli) wax la yar doonayo ku ag warwareegid oo u muutamuutayn. Dh: gaadid, doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburuurso
(fal) kuudadso oo si yumbudh ah u fadhiiso. Halkaa yunburuurso inta aan kuu imanayo. Dh: kuudadso, kadalloobso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg burursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruurso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: aruurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursi
m.l la-mid: burbursasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BURBURSI
[BURBURSI] Carphalea glaucescens 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurbuur
m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buurbuur
m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurbuur
m. n. swelling, lump; heaps ~ piles (of), lots
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurbuur
-ka: (magac, lab, keli) streitotrichosis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurbuur
de: swelling, lump; [col] heaps ~ piles (of), lots
lx: buurbuur
pd: (-ka)
ps: n-m
key: buurbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurcuur
m.l Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurduur
(fal) macno la'aan iska socsoco oo meelahaa kolba dhan u wareeg. Dh: warwareeg, meermeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurguur
(fal) kolba guuri; hayaanka badi; marba geeddi gal. Li: degganaw; nagaw.
guurguur -ka: (magac, lab, keli) kolba guuris; hayaan badni; meel ku ekaansho la'aan; ra'yi beddelid. Guurguurka iska daa oo meel uun degganaw. Li: degganaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsi
-ga: (magac, lab, keli) huruud marsasho. Dh: huruudaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murkuuri
m. n., (mass n.): mercury {chemistry}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murkuuri
de: mercury {chemistry}
lx: murkuuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
syn: lacag nool {Eng}
key: murkuuri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suursuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon; saymo; cidhiidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursi
-ga: (magac, lab, keli) yunbursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuruuruc
(Yuruuruc-a)
Dhallaan yaryar; gurbood; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuruuruc
m.l Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuruuruc
m.l Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuruuruc
m. n., [collective] children
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuruuruc
-a: (magac, lab, keli) finan yaryar oo jidhka ka soo daata. Jadeecada yuruuruc baa lagu gartaa. Dh: huruuruc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuruuruc
de: children
initial: y
lx: yuruuruc
pd: (-a)
ps: n0-m-col
syn: carruur
key: yuruuruc
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuurur_1
de: crouch, sit in a crouched position
hm: 1
initial: y
lx: yuurur
pd: (yuururay)
ps: v1=
key: yuurur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuurur_2
de: sitting crouched
hm: 2
initial: y
lx: yuurur
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: yuurur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuururid
(Yuururid-da)
Fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuururid
m.f.dh eeg yuurur². la-mid: yuurur¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi yuurar ah fadhiyid oo ku raagid. Yuururiddu xal kuu noqon maysee Alle u samir. Dh: gandoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si yuurar ah u fadhiisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururis
-ka: (magac, lab, keli) yuururin.
yuururis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursad
-ka: (magac, lab, keli) gandoodsasho. Dh: yuurursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursan
(tilmaame) wax yuurara ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurbuuran
adj., pl. fat, heavy (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buurbuuran
(adj) [plural of buuran] fat (faat) ~ see [eeg] buuran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurbuuran
de: fat, heavy (ones)
lx: buurbuuran
pd: (buurbuurnaa Sg: buuran)
ps: adj-pl
key: buurbuuran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsi
-ga: (magac, dhedig, keli) wax muud leh carrabka iyo faruuryaha ku nuugnuugid Dh: muudmuudsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsi
(Nuuxnuuxsi-ga)
Nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsi
vl. n. jiggling, wobbling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxnuuxsi
-ga: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqid yar. Dh: nuuxnuuxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsi
a: nuuxnuuxsasho
de: jiggling, wobbling
lx: nuuxnuuxsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: nuuxnuuxsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) dadaalida, aan waxba lala hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsurguuri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunsurguuri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid. m.f.dh, cunsurguurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursasho
(Muurmuursasha-da)
Bushimaha iyo carrabka dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muurmuursad.