yuurursasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursasho
-da: (magac, dhedig, keli) gandood iyo kambadhuudh u fadhiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursasho
m.f.dh eeg ururso. la-mid: aruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel isugu wada keenasho; meel waxaaga ka wada qaadasho. Dh: isukeensad, isugeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursasho
m.dh la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqsasho oo burur ku cunid. Xabxabka burursashada ka daa oo jarjaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yunbudhsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoxoobsasho
(Yoxoobsasha-da)
Yuurursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobsad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudud ah fadhiisasho. Waar waa sidee yoxoobsashadu. Dh: yuurursasho, yoxoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursasho
(Muurmuursasha-da)
Bushimaha iyo carrabka dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muurmuursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qururumsasho
m.dh la-mid: qurdudumsasho, qurjujubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururso
(fal) gandood iyo kadaloob u fadhilso. Halkaa yuururso inta faraj kuu imanayo.
yuururso: (fal) fadhi murug iyo walaac ka muuqdo fadhiiso. Agoonkii hooyadii dhimatay gidaarkuu yuurursaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursasho
(Guursasha-da)
Qof kale guur isugu xirid; qof wax qaba ama la qabo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursasho
m.f.dh guurso. la-mid: guursad, guursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursasho
-da: (magac, dhedig, keli) guri iyo xaas yeelasho; reer yeelasho. Gaabsi guursashaa ka macaan. Dh: guursi, xaasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursasho
m.f.dh eeg huurso. la-mid: huursad, huursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax huursan ka dhigasho. Dh: huursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursasho
m.f.dh eeg muurso. la-mid: muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quursasho
(Quursasha-da)
Waxaan qiime weyn lahayn ka dhigid; iskala weynaansho; fududaysasho; yaraysasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quursasho
m.f.dh eeg quurso. la-mid: quursad, quursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quursasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale. yaraysasho. Dh: quurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursad
-ka: (magac, lab, keli) gandoodsasho. Dh: yuurursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursan
(tilmaame) wax yuurara ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruursasho
m.f.dh eeg aruurso. la-mid: urursasho, uruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala durugsanaa, isku keenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duhursasho
(Duhursasha-da)
(qof) meel duhur ku gaarid ama ugu soo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhursasho
m.f.dh la-mid: duhurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duhursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u dhicid illaa ay cadceeddu kululaanayso ama duhur noqonayso. Dh: dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsasho
(Durugsasha-da)
Sii fogeysasho; wax ku sii darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsasho
m.f.dh eeg durugso. la-mid: durjisad, durjisasho, durugsad, durugsi, duruqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsasho
vl. n. act of moving something away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsasho
de: act of moving s.t. away
lx: durugsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: durugsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsasho
m.dh la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurubsasho
(Gurubsasha-da)
Gurbin wax ku uruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurubsasho
m.f.dh eeg gurubso. la-mid: gurubsad, gurubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryar qaadqaadasho. Dh: urursasho. Li: daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursasho
m.f.dh la-mid: murudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudsasho
m.f.dh eeg murudso. la-mid: mudursad, mudursasho, mudursi, murudsad, murugsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel cunto ka dhammatay farta ku xagasho oo wixii ku hadhay ka leefleefid. Dh: murdisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsasho
(Murugsasha-da)
Farta murugsatada ah wax ku leefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsasho
m.f.dh la-mid: murudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl ful teed ku welwelid oo xilgaar ah iska saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wixii dul yaal ka diirasho oo ka hoolasho. Dh: diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurunsasho
(Qurunsasha-da)
Qurun ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsasho
m.f.dh eeg qurunso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurun ka dhigasho, qudhunsasho. Dh: qudhunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsasho
m.f.dh eeg quruxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursasho
m.dh la-mid: aruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuraysasho
m.f.dh eeg uurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uur yeelad. Dh: uuraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yutucsasho
m.f.dh eeg yutucso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yutucsasho
-da: (magac, dhedig, keli) codsi ku adkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursasho
m.f.dh eeg burburso. la-mid: burbursad, burbursi, burursad, burursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax adke ah oo afka kuugu jira jajabsashadii. Burbursashada nacnaca waa lagu ilka beelaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqsasho
m.f.dh eeg durruqso. la-mid: durruqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucsasho
m.f.dh eeg suusucso. la-mid: suusacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa miisaan weyn oo culus dusha ku qaadasho oo la butuluqsasho. La butuluqsasho ayaan bakhaarkan ku keenay mandadda hadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursasho
m.f.dh eeg hundhurso. la-mid: hundhursad, hundhursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luusluusasho
m.f.dh eeg luusluuso. la-mid: luusluusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad iyo kadalloobka u dhexaysa u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bursasho
(Bursasha-da)
Buro ama dheeri qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursasho
m.f.dh eeg burso. la-mid: bursad, bursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheeri qaadasho. Bursasho iyo booli toona weligay ma cunin. bursasho-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan ama dad oo cabsi awgeed cararaya ka daba ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurasho
(Buurasha-da)
1. (°) Cayilid, naaxid.
2. (°) Weynaansho.
3. (legdan, dagaal, kd.) korka ka fuulid; legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurasho
buurasho: m.f.dh eeg buuro.
bųurasho: m.f.dh eeg bųuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurasho
-da: (magac, dhedig, keli) isbuurashada dadka meel ciriiriyoon isku jiiray.
buurasho-da: (magac, dhedig, keli) wax cuskasho oo ku tiirsasho. Buurashadu wax ku xajinayay ku fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurasho
m.f.dh eeg cuuro. la-mid: cuurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cuurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fursasho
(Fursasha-da)
(ka fursasho) Iska deyn; ka maarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fursasho
m.f.dh eeg furso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fursasho
vl. n. doing without; unwanted object(s)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iska deyn; ka maarmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fursasho
de: doing without; [ext.] unwanted object(s) With preposition ka
lx: fursasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gursasho
m.f.dh eeg gurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gursasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo irmaanaa ama ceel biyo ku jireen oo is dhima ama yaraada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mursasho
m.f.dh eeg murso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusasho
(Quusasha-da)
Wax la sugayey ama la filanayey, ka rajo go'id, ka caloolduubasho; samrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusasho
m.f.dh eeg quuso. la-mid: quusad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quusasho
-quusashada: (n) the act of giving up; desperation (des-pe-reey-shin); despair (dis-peer) ~ see also [eeg] quus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quusad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
quusasho
يَأْس ، قُنُوط، إحباط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqsasho
(Ruqsasha-da)
(qof) iski u rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsasho
m.f.dh eeg ruqso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) fasax qaadasho. Dh: ruqsaysi.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) qof wax iskiis u rujin.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) ruqo noqod.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) wada fujisad oo wada qaadasho. Ruqsasho ayuu ku wada gurtay beertii. Dh: ruqsi.
ruqsasho-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurasho
m.f.dh eeg suuro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuurasho
(Tuurasha-da)
Wax tuuran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurasho
m.f.dh eeg tuuro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tuurasho
service
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuurasho
vl. n. piling up, getting piled up ~ gathered together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) mar ridasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuurasho
de: piling up, getting piled up ~ gathered together
initial: t
lx: tuurasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: tuuro
key: tuurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunsasho
(Uunsasha-da)
Uunsi shidasho; dhir udgoon shidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsasho
m.f.dh eeg uunso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) uunsi shidasho. Dh: uunsi, uunsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uunsasho
de: burning of incense
initial: u
lx: uunsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: uunsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururis
-ka: (magac, lab, keli) yuururin.
yuururis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi kuududsi ah fadhiisasho. Yuurursi caydheed lama yaraysto. Dh: kuududsi, kuudadsi.