yuuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuc
yuuc¹: m.l (yuucac, m.l) Yaaw laba loo dhigay middood.
yuuc²: f.g1 (yuucay, yuucday) la-mid: yuub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuuc
v. bulge, swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuc
(fal) (soo ~) afka u soo taag oo yuub. Afka ku yuuc oo kaga tooxso. Dh: buur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuuc
de: bulge, swell
initial: y
lx: yuuc
pd: (yuucay)
ps: v1=
key: yuuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuyuc
(tilmaame) qaab isku hilan leh. Haan yuyuc ah ayaan sitaa. Dh: yucyuc, hilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurid
(Buurid-da)
Taallo qaab buureed leh samayn: weyneyn; kuusid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusan
(wax) Buuran; yuucan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuuban
Soo baxsan; yuucan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuubid
(Yuubid-da)
Soo taagid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucnaan
(Yuucnaan-ta)
Baxsanaan; buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuubid
m.f.dh yuuc². la-mid: yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuubnaan
m.f.dh eeg yuuban. la-mid: yuubnaansho, yuucnaan, yuucnaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spórgere
v.tr. - soo yuucmid, soo kuusmid; dacwo ka gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxan
(tilmaame) wax amardiiddo la soo taagan ah oon cabsoonayn. Qof soo mataxan uun sideed odhan! Dh: mutuxan, taagan, yuucan.
mataxan: (tilmaame) mudh iyo gacan ah oo qaawan oon dhar dushiisa saarnayn. Dh: qaawan, mutuxan.
mataxan: (tilmaame) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordaya. Isagoo orod mataxan ayuu halkaa nagu dhaafay Dh:maqiiqan, mutuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuxan
(tilmaame) wax amardiiddo la soo taagan ah oon cabsoonayn. Qof soo mutuxan uun sideed odhan! Dh: mataxan, taagan, yuucan.
mutuxan: (tilmaame) mudh iyo gacan ah oo qaawan oon dhar dushiisa saarnayn. Dh: qaawan, mataxan.
mutuxan: (tilmaame) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordaya. Dh: maqiiqan, mataxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af dhuuban oo fiiqan leh ka dhigid; af dhuuban u samayn. Leebku yuubida wuu ku jabaa. Dh: yuubis.
yuubid -da: (magac, dhedig, keli) si soo baxsan u taagid. Marashadu yuubid bay wax ku qoddaa. Dh: fiiqid, yuucid, yuubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiqnaan oo wax yuuban ahaan; wax yuucan ahaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YUC
Erythrina melanacantna 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuc
-da: (magac, dhedig, keli) taag salkiisa iyo figtiisu aad u kala joog sarreeyaan. Yucda raacineed kama baxneen yabacda jiilaale. Dh: jiir, dalcad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuu
question word, vl. pron. whom ... he?
yuu: pron., neg., opt. form: may he not!, don't let him ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yuu
(interrogative word) who (huu)? whom (hum)? which person?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuc
(Juuc-a)
Juucjuuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuc
m.l 1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. la-mid: juucjuuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juuc
m.l 1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. la-mid: juucjuuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuc
m. n., [abstract] unwell feeling; laziness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juuc
-a: (n) lack of energy feeling; tiredness (taayarnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuc
-a: (magac, lab, keli) baahida qofku markaanu waxba cunin. Dh: gaajo. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuc
a: juucjuuc (a)
de: unwell feeling; laziness
lx: juuc
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
key: juuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuub
yuub¹: m.l (-bab, m.l) Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.
yuub²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. la-mid: yuuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuub
m.l (-bab, m.l) Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuub
v. project, stick out
yuub: m. n. foreskin, prepuce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuub
(fal) si yuucan ka dhig; soo taag: si soo baxsan u taag. Leebka afka u yuub. Dh: dhuub, fiiq, yuuc. Li: ballaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuug
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u lexjeclo xun. Yuug laguma yaanya'o. Dh: bakhayl. Li: deeqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuq
f.g1 (-qay, -qday) Cid wax ku taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuq
(fal) ka yeel wax dhuuban gaar ahaan adkaha. Aad u yuuq murjiska mid yuuqsan baan rabnaaye. Dh: yuub.
yuuq: (fal) dhiil caano ka buuxi, gaawe budh ka dhig. Martida gaawaha u yuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuur
m.dh Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuur
m.dh Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuur
eeg yur
yuur -ta: (magac, dhedig, keli) eeg yaloon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuus
-ka: (magac, lab, keli) jabaqda dhibcaha roobka. Roob yuus badan baa soo socda. Dh: xiin.
yuus-ka: (magac,lab, keli) gunuunuc ay oohini ku dhexjirto. Ilmuhu yuus buu dabeecad ka dhigay. Dh: gunuunac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyuc
-a: (magac, lab, keli) qaab isku hilan oo jiilan. Kolkaad safar ku jirto yucyuc iska dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucan
Baxsan; buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuucan
f.mg4 (yuucnaa, yuucnayd) la-mid: yuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuucan
der. [adjective] bulging, swelling, protruding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucan
(tilmaame) soo buuran. Hud yuucan buu leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuucan
cf: yuuban
de: bulging, swelling, protuding
initial: y
lx: yuucan
pd: (yuucnaa)
ps: adj-der
key: yuucan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucid
(Yuucid-da)
Soo buurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuucid
m.dh la-mid: yuubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucid
-da: (magac, dhedig, keli) afka fiigid oo wax soo yuucan ka dhigid.
yuucid-da: (magac, dhedig, keli) buurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yuucnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ayuub
name: Job
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ayuub
name-m persecuted, penitent (Job); Prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ayuub
de: Job
lx: Ayuub
ps: name-m
key: Ayuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuun
-ta: (magac, dhedig, keli) jaadadka geela jaad ka mid ah oo midab qurxoon. Dh: cayuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buguc
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabitaanka wala adag. Dhundhunka ayaa buguc i yidhi. Dh: balaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buruc
-da: (magac, dhedig, keli) eeg burco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butuc
m. n. fat person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
butuc
-a: (n) overweight person; fat (faat) person; chubby (jaabi) ~ bubuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuc
-a: (magac, lab, keli) qofka gaaban oo buuran. Samaale waa nin butuc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
butuc
de: fat person
lx: butuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: butuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duluc
1. (Duluc-a) Dhuub ama daliig ama xarig yar oo dharka qaarki iyo kolayada, kd.t afkooda tolan la dhexgeliyo oo lagu roorsho kolka la xirayo.
2. (Duluc-da) a) Danta iyo ulajeeddada dhabta ah oo hadalka lagu hadlayaa u dhaca hayo. b) Waxa buug ama sheeko ama hadal kale ku saabsan yahay; ulajeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duluc
m. n. drawstring
duluc [feminine] n. argument, content (of a speech, book), theme, issue, point, 'the bottom line'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duluc
-da: (n) 1. emphasis (em-fa-sis); first importance; significance (sig-nifi-kansi). 2. issue (i-shuu)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duluc
Versione
Version
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duluc
-a: (magac, lab, keli) daliig maro ah oo dhexda laga soo geliyo googgaradda dumarka ama daahyada oo lagu xidho ama xajisa. Dulucu hadduu go' googgaradduna way kaa dhici doontaa.
duluc-da: (magac, dhedig, keli) ujeeddo ama nuxur uu hadal leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duluc
Sarsarrada u dhexeeya faraatiyada da'da ee looxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guguc
(Guguc-a)
Onkod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguc
guguc¹: m.l Onkod. la-mid: gugac¹.
guguc²: f.mg1 (-gcay, -gucday; -gci) Onkod sameyn. la-mid: gugac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guguc
m.l la-mid: gugac¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guguc
m. n. thunder
guguc v. thunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guguc
-a: (n) thunder (than dher) ~ gugac, unkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guguc
-a: (magac, lab, keli) onkod roobeed oo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluc
(Guluc-da)
1. Rogrogmadka isha guruxeeda.
2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluc
m.dh 1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluc
vl. n. rolling of the eyes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluc
-a: (magac, lab, keli) meel laablaabato ah ama weecsan. Guluc ayay leedahay daaradda gurigu. Dh: gulac, hud, weecad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Guluc
Godnaan aan xagali ka uskumin, deri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluc
cf: guho, rogrog
de: rolling of the eyes
lx: guluc
pd: (-da)
ps: vn-f
key: guluc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumuc
(Gumuc-a)
Xabbaddu cadku yar oo afka kaga jira oo kolkay qarxato xoog u ganma oo wax dhaawaca ama wax dila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuc
m.l (-cyo, m.dh) 1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. la-mid: gumac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumuc
m.l (-cyo, m.dh) 1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. la-mid: gumac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumuc
m. n. pellet, bullet, projectile; ammunition; bottom of the powder box where the firing pin hits ~ strikes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumuc
-da: (n) ammunition for firearms; shotgun shell; bullet (bul let) ~ gumac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumuc
a: gumac
de: pellet, bullet, projectile; ammunition; bottom of the powder box where the firing pin hits ~ strikes
lx: gumuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gumuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huyuc
m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyuc
-a: (magac, lab, keli) qofka aan firfircoonayn ee jilicsan.
huyuc-a: (magac, lab, keli) isbeddelidda wax huuray oo urkoodu isbeddelo. Dh: hunyuc.
huyuc: (fal) wax la huurshay urkooda isbeddelid. Dh: hunyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuco
m.dh Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kuluc
nickname-m a fatty person; plump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kuluc
magac loo baxsho wiil aad u cayilan ama naaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muguc
-a: (magac, lab, keli) biyo xareed macaan ah oo dhawaan da'ay.
muguc-a: (magac, lab, keli) ceel aad u nadifah oo biye aad u macaan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muyuc
-a: (magac, lab, keli) qoyaan siniin yeesha oo wakhti yaallay. Rookil badnaa ayuu dharka wada muyuc noqday. Dh: suyuc.