yuubitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusitaan
-ka: (magac, lab, keli) gunuunucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cuyubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socodka, la tiirsado usha, ee gabowga, xanuunka iyo itaaldarridu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubitaan
-ka: (magac, lab, keli) gufayn; awditaan; cubniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax runtiisa dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aanu shaki ku jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qubidda lafteeda. Dh: qubniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel isugu keenid, ku ururin. Dh: xoomin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulitaan. yulkhad: bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo. Dh: muyulkhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuubnaan
(Yuubnaan-ta)
Wax soo yuuban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuubnaan
m.f.dh eeg yuuban. la-mid: yuubnaansho, yuucnaan, yuucnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuubnaan
f. n., [abstract] state of projecting, sticking out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiqnaan oo wax yuuban ahaan; wax yuucan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuubnaan
de: state of projecting, sticking out
initial: y
lx: yuubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: yuubnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuqis iyo bulaamitaan. Buuqitaanka jooji waxba kaama maqnee. buuqniin -ka: (magac, lab, keli) buuqitaanka badan. Qayladiyo buugitaanka nala dhaafa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulitaan
vl. n. flight; act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulitaan
-ka: (n) flying (falaaying)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ka kicid oo hawada dhex jibaaxid.
duulitaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo colaadi idinka dhaxayso, weerar ku qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulitaan
de: flight; act of flying
lx: duulitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: duulitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) korista meel sare; dusha uga bixitaan. Dh: koritaan. Li: daadegitaan, dhaadhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudbitaan
Conductivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudbitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel aan meesha aad joogto ahayn u tallaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugitaan
Absorptivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugitaan
-ka: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) jiiditaan wax dareere ah lagu soo nuugo dhuun ama cabbitaan. Nuugitaanka foostada qanjidhaxanuun ayaa laga qaadaa. Dh: nuugniin.
nuugitaan-ka: (magac, lab, keli) jiqitaanka naaska. Ilmaha labo sano u daa nuugitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubitaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo siin; waraabin; shubniin.
shubitaan-ka: (magac, lab, keli) dhalaalin; dhaqaajin; shubniin.
shubitaan ka: (magac, lab, keli) sabbad ku dhisitaan; shubniin.
shubitaan-ka: (magac, lab, keli) 'shaah, biyo iyo wixii la mid ah, shubniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isdulsaaran ka dhigitaan; wax tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) dareen fajac ah oo kayimaad dhacdo aan caadi ahayn. Dh: fajicitaan, dhaygagitaan, anfariiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax yuubitaan Dh: qalluubidtaan, qayuubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel yuurar u fadhiyid. Yuururitaan kab ma yeesho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aynabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku deeqitaan. Dh: hurid, quuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dab ku dhicid oo siniinitaan; shuuqniin.
shuuqitaan-ka: (magac, lab, keli) si aan qeexnayn u ci'yid; shuuqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumitaan
-ka: (magac, lab, keli) u talitaan.
xukumitaan -ka: (magac, lab, keli) xukun ku riditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid. m.f.dh, bitaamid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuuban
Soo baxsan; yuucan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho. m.f.dh, yuubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuuban
der. [adjective] projecting, sticking out; erect, standing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuban
(tilmaame) soo taagan oo soo baxsan ah. Qori af yuuban ayaa ku muday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuuban
cf: yuucan
de: projecting, sticking out; erect, standing
initial: y
lx: yuuban
pd: (yuubnaa)
ps: adj-der
key: yuuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huutaan
m.l.kh H. ah: nafley aad caato u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kuubaan
n. Cuban (person)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kuubaan
de: Cuban (person)
lx: Kuubaan
pd: (-ka)
ps: n -m
key: Kuubaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luubaan
(Luubaan-ta)
Xabag ka baxda geedaha xijiga oo udgoon oo la shito; beeyo; mayddi; foox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luubaan
m.dh Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luubaan
m.dh Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luubaan
f. n., (mass n.): incense, frankincense, resin; chewing gum
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LUUBAAN
(Luban) N Boswellia fereana Bridwood. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luubaan
-ta: (n) frankincense (fraangkensens)-, incense (inseens) ~ foox, beeyo, cuud
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Luubaan
Incenso
Incense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luubaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg lubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luubaan
bw: Arabic
cf: beeyo, foox, mayddi
de: incense, frankincense, resin; [ext.] chewing gum
lx: luubaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-mass
key: luubaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suubaan
(Suubaan-ka)
Dhagaxa kuwiisa sulubka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubaan
suubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.
suubaan²: m.dh 1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iyo wixi lamida oo bisil marka ay wax yar dharaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubaan
m. n. polished ~ smooth stone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubaan
(tilmaame) sibiil ah oo karkar iyo kurtimo midna lahayn. Masku dub suubaan ah buu leeyahay.
suubaan -ka: (magac, lab, keli) dhagaxa kuwiisa sulubka ah.
suubaan -ta: (magac, dhedig, keli) ciid jilicsan oo casuus ah, aan dibir ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubaan
cf: sulub
de: polished ~ smooth stone
initial: s
lx: suubaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: suubaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cugista iyo hogaynta weelka caanaha lagu liso, lagu lulo ama lagu kaydiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulitaan
-ka: (magac, lab, keli) darbidda iyo isku dubbariditaanka. Dh: abaabulitaan.
ulitaan-ka: (magac, lab, keli) qüiq ku shiditaan iyo bukhuurin. Dh: ulniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uritaan
-ka: (magac, lab, keli) uridda lafteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buritaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan jabid ama qaldamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabitaan
m. n. beverage, drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabitaan
ka: (n) drink (dirink); beverage (bevareej) ~ cabbitaan, sharaab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabitaan
de: beverage, drink
lx: cabitaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cabitaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cabitaan
شَرَاب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax cufan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel, cugid oo hogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunitaan
m.l Sida gasiinka loo cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunitaan
m.l Sida gasiinka loo cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) wax cunid ama dilidda uu bahalku xoolo, dad, iyo wixii la mid u dishoodo oo hilibkooda cuno. Dh: cunniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabitaan
-ka: (magac, lab, keli) dugaag, ugaadha ama wax kale, dabin u dhigis. Dabitaanka ugaadhay ku noolyihiin danyarta reerku.
dabitaan -ka: (magac, lab, keli) i isku qabad. Dabitaan la'aantii waxba kuma shiishi karo. dabitaan-ka: (magac, lab, keli) neef la dabrayo, aayar u xidhid
dabitaan-ka: (magac, lab, keli) gaadhi aan keligii socon karin, ku kale ku xidhiidhin.
dabitaan -ka: (magac, lab, keli) tidcidda timaha iyo soohitaankooga. Dabitaanka timaha luulaa aad u taqaanna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubnaan
(Duubnaan-ta)
Duubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubnaan
m.f.dh eeg duuban². la-mid: duubnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubnaan
f. n., [abstract] state of being folded, coiled ~ wrapped; appointed leader, crowned king
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duubnaan
a: duubnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being folded, coiled ~ wrapped; appointed leader, crowned king
lx: duubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: duubnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulitaan
-ka: (magac, lab, keli) meelmaritaan iyo rumoobitaanka arrin lagu jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax, meel uu ku yaallay ka fuqid gu'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furitaan
(Furitaan-ka)
Furid.