yunbudhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhso
(fal) si kuudad iyo kadalloob u dhexaysa u fadhiiso, kadalloobso. Yunbudhso dabka dushiisa. Dh: yuxduudso, kumbudhso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsad
-ka: (magac, lab, keli) yunbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburso
(fal) yunbudhso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhso
(fal) si kumbudha ah u fadhiiso ama u boodbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) kambadhuudhsi Meel aanad joogayn yumbudhsigeedaa la nacay. Dh: yumbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad iyo kadalloobka u dhexaysa u fadhiisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbudh
-ka: (magac, lab, keli) koob daweeyaha ka sii yar oo dareeraha lagu cabbo.
kunbudh -ka: (magac, lab, keli) ciyaarcarruureed shan dhagax lagu ciyaaro. Carruurtu kunbudh ayey ciyaaraysaa. Dh: gunbudh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudhso
v. belittle, look down on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudhso
-quudhsaday I quudhsatay: (v) underestimate (an-der-esta-meeyt); disregard (dhis-rigaardh); ignore (zg-zzoor); have no respect for ~ quurso, yas, yaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhso
(fal) iska weynee oo yas. Ninkaad quudhso is leedahay billaa kaa quimo badnaa. Dh: yarayso, yas, quurso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudhso
a: quurso {N}
de: belittle, look down on
lx: quudhso
pd: (quudhsaday)
ps: v3a=tr
key: quudhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi gaar ah oo sida kanbadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudso
f.mg3 (-saday, -satay) Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yunbasho
(Yunbasha-da)
Biyo gelid oo ku wada qarsoomid; quusid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yunbasho
-yunbashada: (n) the act of diving (daay-ving) ~ tiinbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbasho
-da: (magac, dheddig, keli) eeg yumbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursi
-ga: (magac, lab, keli) yunbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yunbudhsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburuurso
(fal) kuudadso oo si yumbudh ah u fadhiiso. Halkaa yunburuurso inta aan kuu imanayo. Dh: kuudadso, kadalloobso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbaadhso
(fal) si barraahda u fadhiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudso
f.g3 (-saday, -satay) Si tartiib ah hoore u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundho
(Gundha-da)
Gun; sal; gaso; raar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundho
m.dh Asaas; gaw; sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundho
f. n. bottom, base, foundation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundho
-da: (magac, dhedig, keli) sal; gun; gaso: raar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundho
de: bottom, base, foundation
lx: gundho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gundho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundho
m.l Gobaha qoriga ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: muurso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudso
v. suck on, dissolve something in one's mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudso
(fal) nuug oo carrabka iyo faruuryaha muud kaga keen. Iskiriinka laba goor muudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudso
a: muurso
de: suck on, dissolve s.t. in one's mouth
lx: muudso
pd: (muudsaday)
ps: v3a=tr
key: muudso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundho
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo ka baxa meelaha biya fariisinka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudso
f.g3 (-saday, -satay) Nafley cunto siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudso
f.g3 (-saday, -satay) Lafo iyo wixi lamida tuud kala bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududso
(fal) arrin, dan ama wax la mid ah, maarayso adiga oo aan cid kale ku talo galin; talo abaabulo ama maamulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yunbad
(Yunbad-ka)
Biyo dhex gal oo ku wada qarsoon; dhunbad; kunbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbad
m. n. dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbad
a: yumbad
de: dive
initial: y
lx: yunbad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: yunbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
yunbad
غَوْصٍ، غَطْسَة، إِنْغِمَاسِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuqo
(Hunbuqa-da)
Ulaha iyo laablaabka tolmada xuni, maryaha u yeesho; canyayuub; qonbor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbuqo
f. n. patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbuqo
-da: (magac, dhedig, keli) laablaabka tolmaha xumi u yeelo maryaha. Dh: canyayuub, qonbor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbuqo
a: humbuqo
de: patch-work, clumsy sewing, bad tailoring
lx: hunbuqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hunbuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunburo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan badda ku nool oo libaax badeedka hareer socda inta badan. Dh: honbobboro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudh
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan dhiddigga iyo labku xilliyada gu'samaadka amase xilliyada uu haleel jiro; waxa lagu ciyaaraa shan dhagax ciyaartana waxa lagu daah furtaa ereyadan: kumbudh caaro waa koow koowduna waa labo, labaduna waa saddex, dhii-dhii, dhabana cas, afku qadham, taadhoo, tiinbaar taar jaban. Waxaana laga guulaystaa ciddii uu dhaguxu dhulka uga dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudso
f.g3 (-saday, -satay) Subag, caano, malab iyo wixi lamida oo weel ku haray far ku leefid. la-mid: mudurso, murugso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudso
(fal) weel cunta ka dhammaatay farta dhinacyadeeda aan ciddidu ku jirin ku soo masaxo oo wixii soo raaca leefleef. Xeedhada shuuradu ka dhammaatay murudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qunbulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsi
-ga: (magac, lab, keli) isla weyni darteed dadka yaraysasho oo xaqirid. Dh: yaraysi, xaqirid, yasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbudh
-ka: (magac, lab, keli) hah kulul oo sanka ka soo baxda kolka waxyaalaha qaarkood la kabbado, sida kookaha. Dh: muh, jinaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhso
(fal) cashar yeedhis ahaan ku dhigo oo macallin afkiisa ka qoro. Farta waad barataye yeedhso. Dh: yeerso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yutucso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax ama arrin qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yutucso
(fal) (ku ~) codsi ku adkayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudho
(fal) weel iyo wax la mid ah, dabool saaro oo ku adkee. Aabbudho dhiisha si aanu cayayaanku kaaga gelin. Dh: daboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburso
f.g3 (-saday, -satay) Wax is haystay ilkaha ku jajabsasho. la-mid: bururso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburso
v. break something in small pieces in order to eat it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburso
(fal) wax adke ah oo afka kuugu jira ilkaha ku ridiq. Burburso nacnaca oo kaalay seexo. Dh: jajabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburso
a: bururso
de: break s.t. in small pieces in order to eat it
lx: burburso
pd: (burbursaday)
ps: v3a=tr
key: burburso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunbuufo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canbuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubudhac
m.l.u la-mid: dibdhac1.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqso
f.g3 (-saday, -satay) Miro qolof kala bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ganbadho
naanays ama magac loo baxsho gabadh u dhalatay gaabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnucso
(fal) orod aan xawaare dheer lahayn ku orod. Dh: guclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku huursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudso
f.mg3 (-saday, -satay) Huruud marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummudso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: qommodso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsi
m.l la-mid: rundudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunburyo
(Tunburya-da)
Tantoonyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tunburyo
f. n. punch given with the bottom of the fist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunburyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tantoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tunburyo
cf: tantoonyo
de: punch given with the bottom of the fist
initial: t
lx: tunburyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: tunburyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhso
(fal) ugaadh soo dabo; ku noolaw ugaadh oo ka dhigo meherad. Ugaadhso laakiin ka ilaali dabargo'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cayr ah cid baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaboohso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cayr ah cid baryid. m.f.dh, yaboohsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaboohso
v. beg, ask for alms
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaboohso
-yaboohsay / yaboohsatay: (v) panhandle (paan-han-dhel); beg (beeg); cadge (kaaj); solicit (soli-sit) ~ tuugso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohso
(fal) cid kale wax weydiiso. Ilaahay wa Haag ka yaboohso. Dh: bari, tuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaboohso
de: beg, ask for alms
initial: y
lx: yaboohso
pd: (yaboohsaday)
ps: v3a=
key: yaboohso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoboohso
(fal) wax kaa lumay raadso oo dadka weydii. Tuulooyinka ka yoboohso hashii kaa fool hallawday: Dh: yaahso, yaboohso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbasho
m.f.dh eeg yumbo. la-mid: dhumbad, dhumbasho, yumbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo dhex quusid. Yumbashaa kalluun lagu qabtaa. Dh: muquurasho, yunbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuururso
(fal) gandood iyo kadaloob u fadhilso. Halkaa yuururso inta faraj kuu imanayo.
yuururso: (fal) fadhi murug iyo walaac ka muuqdo fadhiiso. Agoonkii hooyadii dhimatay gidaarkuu yuurursaday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburiso
-burburisada: (n) one who grinds; grinder (garaayndher) ~ jajabiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar sida raha loo boodboodo oo sida loo kala dheereeyo ee meel dheerna loo gaadho lagu kala badiyo oo carruurtu ciyaaran. Bakayloow kumbudhle kambadhle is wadhleeye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tunbuuryo
-tunbuuryada: (n) -da: (n) fist (fis-ti); a blow made with the fist ~ tantoonyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunso
(fal) mintid ama ku dadaal. Kutuntuunso shaqadaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo galid oo hoos u quusid, ku wada qarsoomid. Yumbasho haddaad ka cabsooto muquur baran maysid. Dh: muquurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aabbudhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsasho
m.f.dh eeg rundudso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuub-dhacso
-xuub-dhacsaday / xuubdhacsatay: (v) slough (islaaf); slough off ~ xuubsiibo