yunbudhsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) kambadhuudhsi Meel aanad joogayn yumbudhsigeedaa la nacay. Dh: yumbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhso
(fal) si kuudad iyo kadalloob u dhexaysa u fadhiiso, kadalloobso. Yunbudhso dabka dushiisa. Dh: yuxduudso, kumbudhso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsad
-ka: (magac, lab, keli) yunbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursi
-ga: (magac, lab, keli) yunbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbudh
-ka: (magac, lab, keli) koob daweeyaha ka sii yar oo dareeraha lagu cabbo.
kunbudh -ka: (magac, lab, keli) ciyaarcarruureed shan dhagax lagu ciyaaro. Carruurtu kunbudh ayey ciyaaraysaa. Dh: gunbudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsi
-ga: (magac, lab, keli) isla weyni darteed dadka yaraysasho oo xaqirid. Dh: yaraysi, xaqirid, yasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi gaar ah oo sida kanbadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsi
m.l la-mid: rundudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburso
(fal) yunbudhso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhso
(fal) si kumbudha ah u fadhiiso ama u boodbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad iyo kadalloobka u dhexaysa u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhi
buudhi¹: m.l Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhi
(fal) qaalin geel ah u baaho abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhi
(fal) fuudh ku cabbir. Fuudhi inta marada kaa dhiman. Dh: cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsi
m.l la-mid: fuudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhi
(Gundhi-ga)
Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo gowl leh, oo kabaha iyo funaanadaha kd. lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhi
gundhi¹: m.l 1. la-mid: gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iyo wixi lamida lagu tolo. 2. la-mid: gundhin.
gundhi²: f.g2 (-iyay, -isay) Xarig, madax iyo wixi lamida si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhi
v. lift, raise, jerk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhi
(fal) degdeg u jiid: shey meel tagaan rix, in yar soo dhufo ama halkiisii ka dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhi
de: lift, raise, jerk
lx: gundhi
pd: (gundhiyey)
ps: v2a=
key: gundhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudhi
-ga: (magac, lab, keli) mid gaadiidka badda ka mid ah oo yar ka aan mooteer lahayn waxa lagu kexeeyaa laba ulood oo afka balballaadhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsi
vl. n. act of sucking on something, dissolving in the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsi
-ga: (magac, lab, keli) wax macaan muudsasho oo muuqa ku jira ka nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsi
de: act of sucking on s.t., dissolving in the mouth
lx: muudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: muudsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qundhi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad tigaadda ka mid ah oo xididkiisa carruurta dhalatay loo shido dumarkuna uunsi ka dhigtaan.
qundhi-da: (magac, dhedig, keli) xididka tigaadda goonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudsi
m.l la-mid: quudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudsi
m.l la-mid: tuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg udubsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yunbad
(Yunbad-ka)
Biyo dhex gal oo ku wada qarsoon; dhunbad; kunbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbad
m. n. dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbad
a: yumbad
de: dive
initial: y
lx: yunbad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: yunbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
yunbad
غَوْصٍ، غَطْسَة، إِنْغِمَاسِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunnusi
(fal) orodsii orod tukubo ah. Bunnusi islaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumudhi
(fal) shey dubka ka qaad. Dumudhi haragga idiin masafta lagu gaaraan ka dhiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunburi
(Gunburi-ga)
Dameer dibadeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunburi
m. n. wild ass ~ donkey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunburi
-ga: (magac, lab, keli) jaad dameerdibadeedka ka mid ah oo dameeraha dabjoogta ah u eg. Gunburigii badh baa joogsadiyo gorayo cawshilye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunburi
de: wild ass ~ donkey
lx: gunburi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gunburi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudh
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan dhiddigga iyo labku xilliyada gu'samaadka amase xilliyada uu haleel jiro; waxa lagu ciyaaraa shan dhagax ciyaartana waxa lagu daah furtaa ereyadan: kumbudh caaro waa koow koowduna waa labo, labaduna waa saddex, dhii-dhii, dhabana cas, afku qadham, taadhoo, tiinbaar taar jaban. Waxaana laga guulaystaa ciddii uu dhaguxu dhulka uga dhaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudhso
v. belittle, look down on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quudhso
-quudhsaday I quudhsatay: (v) underestimate (an-der-esta-meeyt); disregard (dhis-rigaardh); ignore (zg-zzoor); have no respect for ~ quurso, yas, yaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhso
(fal) iska weynee oo yas. Ninkaad quudhso is leedahay billaa kaa quimo badnaa. Dh: yarayso, yas, quurso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudhso
a: quurso {N}
de: belittle, look down on
lx: quudhso
pd: (quudhsaday)
ps: v3a=tr
key: quudhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbudh
-ka: (magac, lab, keli) hah kulul oo sanka ka soo baxda kolka waxyaalaha qaarkood la kabbado, sida kookaha. Dh: muh, jinaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yuhuudi
m. n. Jew; Israeli
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Yuhuudi
-ga: (n) a Jewish person; Jew (juu); Hebrew (hib-ruu) ~ yahuudi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yuhuudi
bw: Arabic
de: Jew; Israeli
initial: y
lx: Yuhuudi
pd: (-ga Pl: Yuhuud (da))
ps: n8-m, n2a-m
key: Yuhuudi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursi
m.l la-mid: burbursasho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BURBURSI
[BURBURSI] Carphalea glaucescens 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubudhac
m.l.u la-mid: dibdhac1.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANBODHI
Aerva javanica (3B), A. lanata 01
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANBUUHI
[HANBOOHI] Aerva javanica 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsi
m.l la-mid: hunyucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsi
-ga: (magac, lab, keli) huruud marsasho. Dh: huruudaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududsi
-ga: (magac, lab, keli) si kuduud ah u fadhiisasho. Dh: yaxoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummudsi
m.l la-mid: qommodsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudso
f.mg3 (-saday, -satay) Ciil iyo murugo darteed gorodda la laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbuusi
(Sanbuusi-da)
Bur saddexgees ah, oo hilib geedeysani gudaha ugu jiro, oo si gaar ah, loo shiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbuusi
m. n. spiced three-cornered flour roll
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbuusi
-ga: (n) samosa (sa-moosa); Indian turnover (teen-o-ver) ~ sambuusi, sanbuus
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbuusi
de: spiced three-cornered flour roll
initial: s
lx: sanbuusi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: sambuusi
key: sanbuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) ugaadh dabasho: ugaadh ku noolaansho. Ugaadhsiga maroodigu waa mamnuuc. Dh: ugaadhsasho, gabraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaboohsi
(Yaboohsi-ga)
Dadka baryo wax ku weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaboohsi
m.l la-mid: yaboohsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaboohsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yaboohsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaboohsi
de: begging
initial: y
lx: yaboohsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: yaboohsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yunbasho
(Yunbasha-da)
Biyo gelid oo ku wada qarsoomid; quusid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yunbasho
-yunbashada: (n) the act of diving (daay-ving) ~ tiinbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbasho
-da: (magac, dheddig, keli) eeg yumbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi kuududsi ah fadhiisasho. Yuurursi caydheed lama yaraysto. Dh: kuududsi, kuudadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar sida raha loo boodboodo oo sida loo kala dheereeyo ee meel dheerna loo gaadho lagu kala badiyo oo carruurtu ciyaaran. Bakayloow kumbudhle kambadhle is wadhleeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) wax ku mintidid; ku fara'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yunbudhsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunburuurso
(fal) kuudadso oo si yumbudh ah u fadhiiso. Halkaa yunburuurso inta aan kuu imanayo. Dh: kuudadso, kadalloobso.