yunbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yunbad
(Yunbad-ka)
Biyo dhex gal oo ku wada qarsoon; dhunbad; kunbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbad
m. n. dive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg yumbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbad
a: yumbad
de: dive
initial: y
lx: yunbad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: yunbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
yunbad
غَوْصٍ، غَطْسَة، إِنْغِمَاسِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbad
-ka: (magac, lab, keli) biyo dhex galid oo ku wada qarsoomid. Yuunbadka baddu wax ku yeeli maayo, dhunbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbad
m.l la-mid: yumbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbad
-ka: (magac, lab, keli) biyo wada dhexgalid oo ku muquurasho. Dh: muquurad, yumbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ubad
(Ubad-ka)
1. Dhallaanka yaryar oo nafleyda, siiba geela.
2. Dhal; carruur; ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubad
m.l Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ubad
m.l Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ubad
m. n., [collective] children, offspring; young; posterity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ubad
-ka: (n) children (jiil-dareen); offspring (oof-ispirin-ing) ~ ilmo, gurbood, carruur.dhal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubad
-ka: (magacwadareed) dhallaanka yaryar ee nafleyda, dad iyo duunyo ba. Dh: dhallaan, dhal, carruur, ciyaal, ilmo, magal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ubad
de: children, offspring; young; posterity
initial: u
lx: ubad
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: ubad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ubad
ذرية
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubad
-ka: (magac, lab, keli) hilib, xasiid ama wax kale, dab ku solasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubad
(Gubad-ka)
1. Wax dab gaarey oo waxyeelay; wax shidmay.
2. Meel dab gubey oo danbas iyo raad ku reebay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubad
m.l 1. la-mid: gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. la-mid: gubasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gubad
m.l 1. la-mid: gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. la-mid: gubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubad
vl. n. something burning; burnt remains; parched land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubad
-ka: (magac, lab, keli) dhul cawskii gaboobay ee sannadkii hore laga gubay si aanay daaqa cusub iyo kii duugoobay isaga dhex bixin. Sida maahir geel oo madax sare u boodday, oo gubad magooliyo tigaad muruqle soo daaqday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubad
de: something burning; burnt remains; parched land
lx: gubad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
syn: gubato; See also: gubasho
key: gubad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubad
-da: (magac, dhedig, kelil) cinjir ama harag kankoonsan oo la buufiyo oo qaabab kala duwan loogu ciyaaro. Dh: balooni. Wa: kubbaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubad
(Qubad-ka)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubad
qubad¹: m.l Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa.
qubad²: m.l la-mid: qubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubad
vl. n. state of being spilled ~ spilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubad
-ka: (magac, lab, keli) daadashada uu wax meel ka daato. Dh: daadasho, qubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubad
a: qubasho (/da) [vn-f]
de: state of being spilled ~ spilt
lx: qubad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: qubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rubad
(Rubad-da)
Dhuun; galow; dig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubad
m.dh 1. Cunaha nafleyda. 2. Naf; ruux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rubad
m.dh 1. Cunaha nafleyda. 2. Naf; ruux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubad
f. n. throat; life; soul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rubad
-da: (n) throat (tharowt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rubad
-da: (magac, dhedig, keli) naf ama ruux.
rubad -da: (magac, dhedig, keli) cadka leh murqaha xooggan ee dhiiggu soona galo kana baxo ee dhiiga sifeeya jirkana gaadhsiiya. Dh: wadne.
rubad -da: (magac, dhedig, keli) dhuunta ama godatada ay iska galaan hunguriga iyo labada karraysood ama kalxamood. Dh: dhuun, galow, dig.
rubad -ka: (magac, lab, keli) tafiir dad iyo mid duunyo. Wiilkaasi reer iyo rubad ba wuu buuxaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubad
bw: naf
de: throat; [fig.] life; soul
lx: rubad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dhuun, galow
key: rubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unkad
(Unkad-ka)
Unkasho; bilaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkad
m.l la-mid: unkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unkad
vl. n. inventing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan hore u jirin bilaabasho, Unkadka shaqada marka hore ku dadaal. Dh: unkasho, bilaabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unkad
a: unkasho
de: inventing
initial: u
lx: unkad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: unkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubad
-ka: (magac, lab, keli) meel daloosha hoos u gelid; uub ku dhicid. Uubadka dhooqada wuu ku jabaa geelu. Dh: ruubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yu'ad
(Yu'ad-ka)
Yu'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yu'ad
m.l la-mid: yu'asho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yu'ad
vl. n. coveting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yu'ad
-ka: (magac, lab, keli) wax dad leeyahay isla jeclaansho oo cawri ku darid. Dh: yu'asho.
yu'ad -ka: (magac, lab, keli) wax cawryid, yu'asho ku samayn.
yu'ad-ka: (magac, lab, keli) rajayn wax heliddiisa la rajeeyo. Yu'adku ma xumee xarako ku dar. Dh: rajo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yu'ad
a: yu'asho
de: coveting
initial: y
lx: yu'ad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: yu'ad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbi
v. plunge, immerse (something) into water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yunbi
-yey -say: (v) submerge (sab-meerji) in water; plunge (palaanji) into water. ~ tiinbi, tiimbi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbi
a: yumbi
de: plunge, immerse (s.t.) into water
initial: y
lx: yunbi
pd: (yunbiyey)
ps: v2a=tr
key: yunbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbo
v. dive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yunbo
-yunbaday/yunbatay: (v) dive (daay-v); plunge (palaanji) into water. ~ tiinbo, tiimbo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbo
a: yumbo
de: dive
initial: y
lx: yunbo
pd: (yunbaday)
ps: v3a=
key: yunbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunbay
m.l Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bundad
(Bundad-da)
Xirmo dhar ah oo daaqado badani ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bundad
m.dh (-do, m.l) Xirmo dhar ah oo ka kooban dhawr daaqadood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bundad
f. n. bundle, bale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bundad
-da: (n) [Pl. bundado-ha] bundle (bandhel); package (paakeeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bundad
-da: (magac, dhedig, keli) xidhmo dhar ah. Bundad hudhaydh ah baan Khamiista furaynaa. bunduq-a: (magac, lab, keli) nooc hubka fudud ka mid ah oo le dhuun dheer oo gudaha maraaro ay rasaastu sii marto oo xawligeeda biiriya ku leh. Dh: qori, buntukh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bundad
de: bundle, bale
lx: bundad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: bundad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbad
(Dubbad-da)
Birta weyn oo hoose oo tumaalku kor saaro wixii la doona hayo in la dubbeeyo; dubbaha booyadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbad
dubbad¹: m.l la-mid: dibbad.
dubbad²: m.dh (-do, m.l) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbad
m.dh (-do, m.l) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbad
f. n. anvil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dubbad
nickname; name-m hammerer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dubbad
ama Dubbays, magac loo baxsho wiil adag abuur ama akhlaaq iyo dhaqan.
Dubbad: ama Dubbays, magac loo baxsho wiil adag abuur ama akhlaaq iyo dhaqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbad
-ka: (magac, lab, keli) habeenka bishu tahay sagaal iyo labaatan ama wax ku dhow dayaxuna aanu ka soo bixin labada dhinac midna. Dubbad bay xalay ahayd bishu.
dubbad -da: (magac, dhedig, keli) bir weyn oo add u culus oo biraha la dubbaynayo marka dabka laga soo saaro la duldhigo oo lagu tumo; dubbaha hooyadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbad
de: anvil Contrast: dubbe
lx: dubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dubbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaad
m.l Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunaad
m.l Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaad
m. n. hardened scab from a wound that has not healed completely and can be infected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaad
-ka: (magac, lab, keli) nabar dusha ka bogsaday oo hoostana dhidh ku yeeshay.
gunaad-ka: (magac, lab, keli) lugta jabtay ee kolkii la kabay dhulka gaadhayn. Dh: gaabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaad
de: hardened scab from a wound that has not healed completely and can be infected
lx: gunaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gunaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnad
(Gunnad-da)
Kolay laga sameeyo harag ama dun ama wax kale oo lacag iyo alaabo kaleba lagu rito; kiish; qundul; qandi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnad
m.dh (-do, m.l) Weel yar oo caw, dun iyo wixi lamida ka samaysan oo leh midabyo badan iyo aabbur waxyaabaha udgoon oo la shito lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnad
f. n. bag (of woven fiber); handbag, purse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnad
-da: (magac, dhedig, keli) qindi yaroo caw, dun ama harag ka samaysan oo wax lagu gurto. Dh: qandi, qindi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunnad
de: bag (of woven fiber); handbag, purse
lx: gunnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gunnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbad
m.l la-mid: jinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jubbad
(Jubbad-da)
Dharka ragga mid kamid ah oo gacno dheerdheer iyo jeebab leh; horay bay ka furan tahay waxayna awddaa qaarka sare taniyo sinaha; koor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jubbad
m.dh (-do, m.l) Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jubbad
m.dh (-do, m.l) Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaadheer iyo jeebab leh; koor; koodh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jubbad
f. n. jacket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jubbad
-da: (n) jacket (jaaket) ~ jaakat, koor, koodh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jubbad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad dharka la xidho ka mid ah oo carbeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jubbad
de: jacket
lx: jubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: koodh ~ koor {Arb > C & S}
key: jubbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubbad
(Kubbad-da)
Geed kankoonsan oo ka samaysan cinjir ama harag ama wax kale oo in lagu cayaaro loogu talaggalay; qaar waa waaweyn oo waxay ka kooban yihiin labo waxyaalood oo isku gudajira oo midka kore adag yahay midka hoosena jilicsan yahay oo neef laga buuxin karo (waxaa kamid ah: kubbadaha cagta, kolayga, laliska, sacabka, dabaasha, kd.) qaarna waa yaryar (oo waxaa kamid ah: kubbadaha kabrada (xeegada), tenniska, iyo kuwo kale oo badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubbad
m.dh (-do, m.l) 1. Shey kankoonsan oo ka sameysan cinjir, harag iyo wixi lamida oo neefi ku jirto looguna talaggalay in lagu ciyaaro; banooni. 2. Wax qaabka banooniga leh oo wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kubbad
m.dh (-do, m.l) 1. Shey kankoonsan oo ka sameysan cinjir, harag iyo wixi lamida oo neefi ku jirto looguna talaggalay in lagu ciyaaro; banooni. 2. Wax qaabka banooniga leh oo wareegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubbad
f. n. ball, sphere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbad
-da: (n) [Sports]: ball (bool)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubbad
bw: Arabic
de: ball, sphere
lx: kubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kubbad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kubbad
كرة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunaad
-ka: (magac, lab, keli) tiro kun ka bilaabmata kana badan. Lacag dhowr kunaad ayuu axmed qaatay. Dh: kumaankum.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luncad
m.l Marka beerta roobka ka hor la abuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luncad
-ka: (magac, lab, keli) marka beerta roobka ka hor la abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsad
m.l la-mid: lunsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oubbad
Dome