yuh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuh
-da: (magac, dhedig, keli) gunta hoose ee ay meeli leedah. Meelaha soke ku dabbaalo oo yuhda hore ha gaadhin. Dh: now.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doofaar
(Doofaar-ka)
Nafley jaadad badan ah oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale xoolo ahaan u dhaqaalaysto; kan Soomaaliya joogaa wuxuu lee yahay guud yar iyo gano waaweyn, kolkuu orda hayona dabaduu kor lig u siiyaa; karkarre; khaansiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudid
(Gudid-da)
1. (dhaqan: Muslin, Yuhuud, kd.) carruurta, wiilal iyo gabdhoba, buuryada ka goyn; (gabdho) bilisayn.
2. Habeen socosho; guurayn.
3. Deyn ama qaan laysku lahaa bixin.
4. Qiimaha ama waxtarka, qof ama neef xoolo ah, ama wax la ganacsadaa, yeelan karo ama lee yahay ama uu bixi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jisyo
(Jisya-da)
Canshuur Muslinku ka qaadi jirey dadka ehlu-kitaabka ah (Kirishtaanka iyo Yuhuudda = Dimmi); (ama jisyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dimmi
m.l.u Dad masiixi ama yuhuud ah oo dalal muslin ah si nabadeed ugu noolaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisyo
m.dh Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. la-mid: jisyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khansiir
m.l (-ro, m.dh) Naasley jaadad badan leh oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale hilibkiisa cunaan.

sahyuuniyad
m.dh (-do, m.l) Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda' ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jisyo
m.dh Canshuur Muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. la-mid: jisyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khansiir
m.l (-ro, m.dh) Naasley jaadad badan leh oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale hilibkiisa cunaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahyuuniyad
m.dh (-do, m.l) Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda' ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Jewish
/juwish/ (adj) yuhuud (yuhuud ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Old Testament
/ (n) qaybtii hore ee baaybalka oo yuhuudda ku saabsan (loo soo dejiyey).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anti-Semitism
/antisematisam/ (n) yuhuud nacaybka; yuhuudda oo la karaahiyaysto.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hebrew
/hibruu/ (n) luqadda Yuhuudda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jew
/juu/ (n) yuhuudi (qofka yuhuudka ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
judaism
/juudhiyisam/ (n) diinta yuhuudda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabbi
/raabay/ (n) wadaadka yuhuudda - (caalimka diinta yuhuudda meel sare ka jooga).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sabbath
/saabath/ (n) maalin nasasho (sida sabtida masiixiyiinta ama axadda yuhuudda).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
semitic
/samitik/ (adj) durriyaddii saam ah (siiba yuhuudda).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ebrèo
s.m. - Yuhuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uh
-da: (magac, dhedig, keli) badhtamaha biyo, ciidan, dhir iyo wixii la mid ah; meesha badhtanka ah. Uhdii dooxada ayaa la degey.
uh -da: (magac, dhedig, keli) cudur geela ku dhaca. Dh: uhle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muh
-da: (magac, dhedig, keli) ur silloon oo ka soo baxda qofka aan afkiisa nadiifin. Muhda waa laga cadaydaa. Dh: gah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yah
Yah!
Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; Hah!; Caku!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yah
e.d Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yah
inter. ah!, oh!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yah
yah! (ereydhawaaq) lagu calaacalo kolka uu jiro wax aan waxba laga qaban karin ama in la dabaqabtaa adag tahay. Yah! boqontay go'day! Dh: hah!, caku!.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yah
de: ah!, oh! Exclamation of anger or irritation
initial: y
lx: yah
ps: intj
key: yah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yu'
(fal) yur dheh. Yu' ku dheh yuu ku cunine.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YUC
Erythrina melanacantna 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuc
-da: (magac, dhedig, keli) taag salkiisa iyo figtiisu aad u kala joog sarreeyaan. Yucda raacineed kama baxneen yabacda jiilaale. Dh: jiir, dalcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuf
m.l Ari, sagaaro iyo wixi lamida dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuf
eray habaar ku ladhan yahay oo ah alla ha ku qaado. Rabbaw yuf sii kii na maaga.
yuf: eray la macna ah aad u orod. Yuf dheh oo magaaladii shaah innooga soo iibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yug
(fal) meel cidhiidhi ah ku lig. Isku yug gidaarka inta rasaastu dhammaanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yul
(fal) 'xoolo' isku didi oo wada eri; xoolaha isku duub oo kol qudha didi. Sida geel yuka ah yul ma idhi jacayl. Dh: bulli, caydhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yur
Yur!
Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celina hayo, si uu u joogsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yur
e.d Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yur
e.d Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yur
inter. shoo!, go away!
yur: [feminine] n. shooing, chasing away (wild animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yur
(interjection)
1. get lost! shut up!
2. Used to frighten away wild animals; shoo (shuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yur
(ereydhawaaq) dugaagga lagu yidhaa kolka la iska celinayo oo la macna ah soco, erey dugaagga la iskaga waabiyo oo ah teg. Waraabaha yur dheh Dh: xii, kiryo, yuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuu
question word, vl. pron. whom ... he?
yuu: pron., neg., opt. form: may he not!, don't let him ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yuu
(interrogative word) who (huu)? whom (hum)? which person?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
youth
/yuuth/ (n) dhallinyaro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
youth
n., da' yar, -di, da' yarayd, dhalinyaro, -adi, barbaar, -ki.