yugyug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugyug
(fal) si yugyug ah oo taagdarro ka muuqato u soco. Hooyo waa habeene sii yugyug.
yugyug-ta: (magac, dhedig, keli) socod hutuqhutuq ah oo dadka dugoobay ama itaalka yari ay socdaan oo in horay loo dhacayo la moodo. Waar fadhiiso maxaad yugyugta la haysaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaambus
-ka: (magac, lab, keli) orod yugyug ah oo dumarka waawayni ordaan. Duqdii waataa soo busaanbus ta haysa. Dh: busbus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugyuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) yugyug u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuug
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u lexjeclo xun. Yuug laguma yaanya'o. Dh: bakhayl. Li: deeqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuyuc
(tilmaame) qaab isku hilan leh. Haan yuyuc ah ayaan sitaa. Dh: yucyuc, hilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbug
bugbug!: eeg bambam!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugdug
(fal) socod liita soco. Dh: luud.
dugdug -ga: (magac, lab, keli) socodka qof gaboobay oo horey loo sii dhacdhaco. Dh: luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fugfug
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomo iyo wax la mid ah, meel ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luguug
-ga: (magacwadareed) tirooyin aad u badan, lag iyo aalaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugnug
-ta: (magac, dhedig, keli) garaac uu sameeyo nabar uu dheecaan galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugrug
m.dh.sh.r Codka uu sameeyo dhaqdhaqaaqa wadnuhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugrug
f. n. rhythmic beating (of the heart)
rugrug: m. n. dregs, residue in a liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugrug
(ereycodeed) lagu tilmaansado wax miisaanle oo si isdabajoog ah meel ugu dhacdhacaya. Dh: jugjug.
rugrug: (ereycodeed) codka uu sameeyo dhaqdhaqaaga wadnuhu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagyag
(ereycodeed) tusmeeya jabaqda isla dhicidda ilkaha kolka la dhaxmoonayo. Dhaxanbuu yagyagta la hayaa.
yagyag-ga: (magac, lab, keli) qof samir yar oo in wax laga qaado aan lagu karin. Daas yagyag deyn lagama qaato. Dh: dhegdheg, bartiiyaqaan,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyuc
-a: (magac, lab, keli) qaab isku hilan oo jiilan. Kolkaad safar ku jirto yucyuc iska dhig.