yugni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugni
-da: (magac, dheddig, keli) wax yugan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugni
m.l la-mid: rukni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rugni
m. n. pillar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rugni
-ga: (n) cornerstone; fundamental (fon-dha-mental)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugni
-ga: (magac, lab, keli) tiir asaas u ah diin ama cibaado oo la'aantii aan waxba ansaxayn. Dh: tiir, rukni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rugni
de: pillar
lx: rugni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: rukni
key: rugni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugni
-da: (magac, dhedig, keli) hubanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoob
(fal) 'xoolo roob helay' idinkoo iswada qooxaya, dhaqaaga.
yoxoob-ka: (magac, lab, keli) fadhi ama taagni dhinac la isku yugo. Yoxoob xumida iska daaya. Dh: yuuxyuuxsi, yugni.
yoxoob-ka: (magac, lab, keli) lo' iyo wixii la mid ah, kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimi maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooкaysa
yoxoob-ka: (magac, lab, keli) qaab loo fadhiisto, oo inta uu qofku badhida iyo cagaha dhulka saaro, jilbaha na kor loo taago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubni
-da: (magac, dhedig, keli) fiiqnaan oo wax soo yuucan ahaan. Waranku yuubni buu wax ku turqaa. Dh: yuuqni, fiiqni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yuucnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbi
(fal) biyo ku dhex libdhi; biyo aad u dhexgeli oo ku libdhi. Dawliska biyaha yuunbi. Dh: dhunbi; kumbi, limmi, tiimbi, muquursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuqni
-da: (magac, dhedig, keli) kor u taagnaan; kor u fiiqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuugnimo
-da: (magac, dhedig, keli) lexjecla xumi ay bakhaylnimo ku jirto. Yuugnimadu waa ceeb. Dh: bakhaylnimo. Li: deeqsinimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uni
- pref. - horkabe tilmaama mid, hal.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
uni
uni, adj. - siman; mid ah; isku midab ah; aan badbadalnayn; caadi ah; dhulka siman ee ballaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yug
(fal) meel cidhiidhi ah ku lig. Isku yug gidaarka inta rasaastu dhammaanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugi
(tilmaame) qof calool buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duni
(Duni-da)
Adduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duni
m.dh Koon; adduun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duni
m.dh Koon; adduun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duni
f. n., [collective] world
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duni
-da: (n) world (wooldhy earth (eerth); universe (yune-veersi); globe (galowb) ~ adduun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duni
-da: (magac, dhedig, keli) adduunweynaha Ilaahay uumiyaha saaray. Waa duni la kala iibsadoon nala ogaysiine. Dh: adduun. Li: aakhiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duni
bw: Arabic
de: world
lx: duni
pd: (-da)
ps: n1-f-col
syn: adduun
key: duni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugi
f.g2 (-iyya, -isay) Dhar, derin iyo wixi lamida wax dusha ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugi
-ga: (magac, lab, keli) qori ka mid ah kuwa dibida lagu meeraro ee beerta lagu qodo xagga dambe waxa lagaga xidhaa marasho iyo labo digir xagga horana kootar harqoodka ku xidhan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ógni
agg. invar. - mid kasta, mid walba.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
puni
puni, adj. - ciqaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuga
-da: (magac, dhedig, keli) sannad abaareed ku beegan 1951. Abaartii yuga ayuu aabbihii dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuri
(fal) eeg yuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuni
(Buuni-ga)
Qof aqoon-dhaaf ah, siiba tan diinta ku saabsan; mufti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuni
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuni
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuni
m. n. scholar, sage (especially in religion)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buuni
nickname; name-m scholar, sage (especially in religion)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Buuni
magac loo baxsho wiil looga jeedo inuu noqdo aqoonyahan ama indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuni
-ga: (magac, lab, keli) nin aqoon badan oo cod kar ah, cilmi Ilaahay ku mannaystay. Ba'dana aan ka dhigo waanigii buuniga ahaaye. Dh: afgudhiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuni
cf: mufti
de: scholar, sage (especially in religion)
lx: buuni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: buuni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax la dagay ahaan. Li: foojigni, digtooni, soojeedid. dagniin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xeelad ah iyada oon digtoonayn wax u yeelid. Dh: dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufni
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dufan marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufni
v. lubricate, oil, grease (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufni
(fal) wax la dufeeyey oo bul duf leh laga dhigay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufni
de: lubricate, oil, grease (up)
lx: dufni
pd: (dufniyey)
ps: v2a=tr
key: dufni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsi
(Dugsi-ga)
1. Meel laga galo dhibaha sida dhaxanta iyo wixii halis ah; aan dhaxan lahayn; gabbaad.
2. Aqallada ardada iyo bareyaashu joogaan oo wax lagu barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsi
m. n. school, training establishment, koranic school; shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dugsi
-ga: (n) 1. Islamic school, koranic school. 2. school (skuul) ~ iskuul
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dugsi
Scuola
School
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsi
-ga: (magac, lab, keli) meel aan dhaxan, dabayl iyo qorrax toona lahayn. Dugsi ma leh gabyaaladi, waxay dumiso mooyaane. Dh: hoy, baro, bayd, aqal, guri.
dugsi-ga: (magac, lab, keli) meel wax lagu barto, barayaal iyo arday timaaddo oo wax la isku baro oo maammul leh; goob waxbarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsi
cf: iskool
de: school, training establishment, koranic school; shelter
lx: dugsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dugsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagni
-da: (magac, dhedig, keli) meel la faqay ahaan. Dh: fagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg furnaan. furo: (fal) qof ama dad la qafaashay ama xidhan, ka bixi waxa loo haysto oo soo daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigni
-da: (magac, dhedig, keli) afarta addin oo fidsan meel sare ku tigtignaan. Dh: gignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hufnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuni
m.l la-mid: jawaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuni
m. n. sack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juuni
-ga: (n) 1. sack (saak) ~ kiish, 2. quintal; a sack holding 100kg of objects in bulk ~kiintaal,joon-yad, jawaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuni
-ga: (magac, lab, keli) kiish ka sameysan dunta xigga oo lagu shubto midhaha. Dh: kiish.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuni
de: sack
lx: juuni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: jawaan {C & S}
key: juuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuuni
(Kuuni-ga)
(Senen) wax aan la lahayn oo wanaaggooda si buunbuunis ah loo faalleeyo oo loo cawryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuni
kuuni¹: m.l Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido.
kuuni²: f.g1 (-nyay, -niday; -nyi) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuuni
f.g1 (-nyay, -niday; -nyi) Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid. m.f.dh, kuunyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuuni
m. n., [abstract] envy
kuuni [inchoative] v. envy, be ~ become envious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuuni
(fal) wax aanad lahayn wanaaggooda si aad u badan u buunbuunin oo ku talaxtagid. Kuuni dadka wanaagsan. Dh: buunbuuni, yabxeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mugdi
(Mugdi-ga)
Aan iftiin lahayn; gudcur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mugdi
m.l Iftiin la'aan; gudcur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mugdi
m.l Iftiin la'aan; gudcur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mugdi
m. n. darkness, dark; period of the waning moon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mugdi
-ah: (adj) dark (dhaark). Ex: qol mugdi ah; a dark room.
mugdi -ga: (n) darkness (dhaark nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdi
-ga: (magac, lab, keli) madaw aan iftiin jirin. Gurcud waa mugdi. Dh: madaw, gurcud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mugdi
de: darkness, dark; period of the waning moon Opp: iftiin (light); caddi (waxing moon)
lx: mugdi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-time
syn: gudcur
key: mugdi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mugdi
ظلام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugli
-da: (magac, dhedig, kali) eeg nugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Fikrad, cilmi, suugaan iyo wixi lamida curin. m.f.dh, nuunin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pugno
s.m. - feer, xantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukni
(Rukni-ga)
Tiir; (ama rugni).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. la-mid: rugni, rukun¹ (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rukni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. la-mid: rugni, rukun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rukni
m. n. pillar; basis, foundation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rukni
-ga: (n) cornerstone; fundamental (fon-dha-mental); pillar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukni
-ga: (magac, lab, keli) eeg rugni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rukni
a: rugni
de: pillar; basis, foundation
lx: rukni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: rukni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunni
(Sunni-ga)
1. Qof sunnihii Nebi Maxamed haysta.
2. Muslinweynaha ka mid ah; aan ahlu-shiica ahayn; ahlu-Sunne ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sunni
m. n. Sunni Muslim; one following the majority (orthodox) sect of Islam, as opposed to Shia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunni
f. n. eyebrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sunni
-ga: (n) Sunni (sum); or Sunnis [ as distinct from Shiites] there are four major Sunni sects: the Hanafites, the Malikites, the Shafites, and the Hanbalites
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunni
-ga: (magac, lab, keli) qof sunnihiii nebiga haysta, sunnaha nebiga 'nnk' ku xidhiidhsan; aalu'sunne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuni
m.l Sabuul yaryar oo ka baxa beer duqowday ama roob yari ku da'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubni
-da: (magac, dhedig, keli) meel iska taagni aan dhanna loo dhaqaaqayn. Dh: taagni, qotomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xugmi
(Xugmi-ga)
Guddoon sharci ah (ama xukmi, xukun, xugun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xugmi
m.l la-mid: xukun¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xugmi
v. pass sentence, make judgement
xugmi: m. n. sentence, judgement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xugmi
-yey / say: (v) judge a case; judge (jaaj); sentence (sen-tanis); pass judgment; deliver judgment; pass sentence ~ xukun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugmi
(fal) xukun oo talo laguu dhiibay go'aan ka gaadh. Labada nin kala xugmi. Dh: xukun.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xusni
name-m most handsome, goodness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacni
fk. Waxaa loola jeedaa.