yucyuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyuc
-a: (magac, lab, keli) qaab isku hilan oo jiilan. Kolkaad safar ku jirto yucyuc iska dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuyuc
(tilmaame) qaab isku hilan leh. Haan yuyuc ah ayaan sitaa. Dh: yucyuc, hilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyucan
(tilmaame) jiilan oo isku hilan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuc
yuuc¹: m.l (yuucac, m.l) Yaaw laba loo dhigay middood.
yuuc²: f.g1 (yuucay, yuucday) la-mid: yuub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuuc
v. bulge, swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuc
(fal) (soo ~) afka u soo taag oo yuub. Afka ku yuuc oo kaga tooxso. Dh: buur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuuc
de: bulge, swell
initial: y
lx: yuuc
pd: (yuucay)
ps: v1=
key: yuuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huyuc
m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyuc
-a: (magac, lab, keli) qofka aan firfircoonayn ee jilicsan.
huyuc-a: (magac, lab, keli) isbeddelidda wax huuray oo urkoodu isbeddelo. Dh: hunyuc.
huyuc: (fal) wax la huurshay urkooda isbeddelid. Dh: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muyuc
-a: (magac, lab, keli) qoyaan siniin yeesha oo wakhti yaallay. Rookil badnaa ayuu dharka wada muyuc noqday. Dh: suyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suyuc
(Suyuc-a)
Qoyaan raagey oo ur xumaaday yeeshay; (ama suyac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho. m.f.dh, suyucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suyuc
m. n. musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyuc
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyac, qurun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyuc
(fal) wax qoyan oo ur xumaatay leh, noqo. Maro suyucday baa soo uraysa.
suyuc-a: (magac, lab, keli) qoyaan raagey oo urtiisii xumaatay. Dharku siifad yuu yeelan, suyuc iyo bar gaashaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suyuc
a: suyac
de: musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
initial: s
lx: suyuc
pd: (-a)
ps: n-m
key: suyuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yucub
(Yucub-ka)
Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yucub
m.l (botani) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yucub
m.l (botani) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yucub
m. n. tree species used for its wood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YUCUB
(Yo.ob) C, S, N, NFD Gyrocarpus hababensis Chiov. Hernandiaceae.
C Gyrocarpus angustifolius (Verdc.) Gillett. Hernandiaceae.
May Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
C Commiphora stello-pubescens Gillett. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucub
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo laf adag leh oo alaabo wanaagsan laga qorto. Sida koorta yucub oo la sudhay koromo buubaal ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yucub
de: tree sp. used for its wood
initial: y
lx: yucub
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: yucub
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bucbuc
m. n. chubby child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bucbuc
-a: (adj) chubby (jaabi); fat ~ butuc
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bucbuc
de: chubby child
lx: bucbuc
pd: (-a)
ps: n2-m
key: bucbuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyuc
hunyuc¹: m.l la-mid: huyuc¹.
hunyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: huyuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuclul
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan iyo dabay! qabaw oo lala qadhqadho. Yuclul baa dhacaya. Dh: yaxni, Li: kulayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugyug
(fal) si yugyug ah oo taagdarro ka muuqato u soco. Hooyo waa habeene sii yugyug.
yugyug-ta: (magac, dhedig, keli) socod hutuqhutuq ah oo dadka dugoobay ama itaalka yari ay socdaan oo in horay loo dhacayo la moodo. Waar fadhiiso maxaad yugyugta la haysaa.