yuclul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuclul
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan iyo dabay! qabaw oo lala qadhqadho. Yuclul baa dhacaya. Dh: yaxni, Li: kulayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yulul
m.l la-mid: yoon¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucul
m.dh.u Qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bucul
magac loo baxsho wiil ku dhashay miisaan iyo jimidjyari.
bucul: (timaame) qof yari iyo fudayd isku darsaday. Ilmo yar oo bucul ah ayaa soo galay.
bucul-sha: (magac, dheddig, keli) qodaxda geedka sarmaanta marka ay qallasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulul
m.l (-llo, m.dh) la-mid: bulu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulul
(Fulul-ka)
1. (xididdada geedaha, kd.) aan dhab dhulka ugu aasnayn oo aan soo bixintoodu qodid u baahnayn: waxaa ku filan in inta madax keliya lagu dhego hadba kor loo soo dhifto taniyo intuu ka soo wada baxo.
2. Wixii sida xididdada dhirta oo aan qarsoonayn ama dibadyaalka ah oo kale loo soo baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulul
fulul¹: m.l 1. Saxro (xayawaan ama dad) oo markaas la saxrooday. 2. la-mid: fululid.
fulul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Wax aasnaa sida xidid dibad u soo bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulul
m. n. shallow-rooted plant
fulul v. have shallow roots, come up ~ be uprooted easily
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulul
-ka: (magac, lab, keli) xaarka xoolaha oo jileec iyo adayg isugu jira.
fulul: (fal) xidid iyo wixii la mid ah, madaxa kore qabo oo soo dhufo, si fudud u soo siib oo u soo wada bixi.
fulul -ka: (magac, lab, keli) xididdada geedaha iyo wixii la mid ah oo aan dhab dhulka ugu aasnayne, marka baarka lagu dhego oo marba in yar la liiliijiyo markiiba iska soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Julul
(Julul-ka)
Gardarro: gaboodfal; dulmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
julul
julul¹: m.l Gardarro; Gaboodfal.
julul²: f.mg2 (-ulay, -ushay) Gardarro cid ku samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
julul
m. n. wrong doing, offense
julul v. wrong, offend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
julul
-ka: (magac, lab, keli) dulmi iyo gaboodfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulul
Aan qaboobeyn; kulayl saameeyey; kul badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho. m.f.dh, kululaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulul
[adjective] hot
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kulul
chaud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulul
-aa/ayd: (adj) hot (hat); heated (hiitidh); warm (woom). Ex: meel kulul; a hot place. Hawo kulul; a warm climate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulul
(tilmaame) wax aan qaboobeyn; kulayl sameeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulul
de: hot Opp: qabow
lx: kulul
pd: (kululaa)
ps: adj
xe: It is very hot today.
xv: Maanta aad bey u kulushahay.
key: kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulul
(Mulul-ka)
1. Qof dumar ah oo uur danbe yeeshay, isagoo weli ilmihii hore nuujina haya.
2. Naag sano walba dhasha.
3. Neef rimman oo haddana weli la maalayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulul
mulul¹: m.l 1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. la-mid: mululid.
mulul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mulul
mulul¹: m.l 1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah.
mulul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid. m.f.dh, mululid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mulul
m. n., [collective] woman ~ female animal that became pregnant while still suckling her previous child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulul
(fal) adoo lagu nuugayo rin; adoo irma uur yeelo. Kolkaad afartan baxdaba mulul.
mulul: (fal) dhicis nool oo xilligii uu uurka ku jiri lahaa ay u dhammaan noqo. Wax uurka ku jiroow mulul.
mulul -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo dhicis ah naftuna ku jirto. Ridii mulul bay dhashaye kaalay anqari. Dh: dhicis.
mulul-ka: (magac, lab, keli) haweeney uur dambe yeelatay iyadoo weli ilmihii hore nuujinayso.
mulul -ka: (magac, lab, keli) neef rimman oo haddana weli la maalayo. Sacu waa mulule lisidda ka joojiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mulul
de: woman ~ female animal that became pregnant while still suckling her previous child
lx: mulul
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: mulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulul
(Qulu-sha)
Meel aan sinnayn; meel kala dheer; dululub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulul
m.dh Meel kala dheer oo laga siiban karo. la-mid: quluul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulul
f. n. uneven ~ sloping ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulul
(fal) hoos u daadeg. Dh: dhaadhac. Li: fano.
qulul -ka: (magac, lab, keli) safar aan cundad sidin oo magaalo ku socda.
qulul-sha: (magac, dhedig, keli) meel foorar ah oo laga qululan karo. Meeshaan hurdaa waa qulul. Dh: quluul. Li: tiiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulul
cf: dululub
de: uneven ~ sloping ground
lx: qulul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: qulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yucub
(Yucub-ka)
Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yucub
m.l (botani) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yucub
m.l (botani) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yucub
m. n. tree species used for its wood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YUCUB
(Yo.ob) C, S, N, NFD Gyrocarpus hababensis Chiov. Hernandiaceae.
C Gyrocarpus angustifolius (Verdc.) Gillett. Hernandiaceae.
May Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
C Commiphora stello-pubescens Gillett. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucub
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo laf adag leh oo alaabo wanaagsan laga qorto. Sida koorta yucub oo la sudhay koromo buubaal ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yucub
de: tree sp. used for its wood
initial: y
lx: yucub
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: yucub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuluf
-ta: (magac, dhedig, keli) hunguri xumo aan la dhergin. Qof yuluf qaba wax kastaa la yaraada. Dh: walaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuluq
-a: (magac, lab, keli) socod qoorta la raariciyo oo horay hubuqhubuq loo yidhaa sida geela. Yuluq socod dad maaha. Dh: yuluqyuluq.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KULLUL
(Kulul) S Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyuc
-a: (magac, lab, keli) qaab isku hilan oo jiilan. Kolkaad safar ku jirto yucyuc iska dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yululi
-ga: (magac, lab, keli) cunid ay bisadi cunto mid labaad oo dhasha ay dhashay ah. Bisadda dhasheeda mid wax ka badan cunta waxa haya yululi
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nucleus
Bu'
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nucleus
/nyuuwkliyas/ (n) bartamaha (bu'da).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YULUULO
(Yululu) S Corchorus olitorius L. Tiliaceae.