ereyga

yoxoob

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yoxoob

DHAN
1

(Yoxoob-ka)

2

1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo.

3

2. Lo'da, kd. kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa.

4

3. Fadhi yuurur ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yoxoob

DHAN
1

yoxoob¹: m.l 1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iyo wixi lamida kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. la-mid: yoxoobid.

2

yoxoob²: f.mg1 (-bay, -btay) Si kadaloob ah u fariisasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yoxoob

DHAN
1

v. crouch; huddle together

2

yoxoob: vl. n. act of huddling together (by livestock, during rain)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoxoob

DHAN
1

(fal) 'xoolo roob helay' idinkoo iswada qooxaya, dhaqaaga.

2

yoxoob-ka: (magac, lab, keli) fadhi ama taagni dhinac la isku yugo. Yoxoob xumida iska daaya. Dh: yuuxyuuxsi, yugni.

3

yoxoob-ka: (magac, lab, keli) lo' iyo wixii la mid ah, kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimi maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooкaysa

4

yoxoob-ka: (magac, lab, keli) qaab loo fadhiisto, oo inta uu qofku badhida iyo cagaha dhulka saaro, jilbaha na kor loo taago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yaxoob

DHAFAN

f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: yoxoob².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yaxoob

DHAFAN
1

-ka: (magac, lab, keli) firxashada lo'du firxato kolka uu roob helo. Lo' yaxoob ah ayaa na weydaaratay. Dh: hufaraac.

2

yaxoob -ka: (magac, lab, keli) fadhi badhida iyo cagaha dhulka la saaro, jilbaha na kor loo taago oo suun amma maro la isku xajiyo. Haddaad fadhiga ku raagayso yaboob u fadhiiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuskug

DHAABAN
1

(Cuskug-ga)

2

Meel yuurur; fadhi; yoxoob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuskugid

DHAABAN
1

(Cuskugid-da)

2

Meel yuururid; fadhiyid; yoxoobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kamandhuur

DHAABAN
1

(Kamandhuur-ka)

2

Kuudud; yoxoob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kuudud

DHAABAN
1

(Kuudud-ka)

2

Fadhi foolxun; yoxoob; kamandhuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kuududid

DHAABAN
1

(Kuududid-da)

2

Kuudud u fadhiyid; yoxoobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kuududin

DHAABAN
1

(Kuududin-ta)

2

Kuudud u fariisin; yoxoobin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yoxoobsasho

DHAABAN
1

(Yoxoobsasha-da)

2

Yuurursasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yuurur

DHAABAN
1

(Yuurur-ka)

2

Fadhi; yoxoob; kuudud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yuururid

DHAABAN
1

(Yuururid-da)

2

Fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kuudud

DHAABAN
1

kuudud¹: m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. la-mid: kuududid.

2

kuudud²: f.mg1 (-day, -dday) Si foolxun u fadhiyid. la-mid: kawdiid².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yoxoobsasho

DHAABAN

m.dh la-mid: yoxoobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yuurur

DHAABAN
1

yuurur¹: m.l 1. Fadhi; yoxoob; kuudud.

2

yuurur¹: m.l 2. la-mid: yuururid.

3

yuurur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kuudud

DHAABAN

m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yuurur

DHAABAN

f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid. m.f.dh, yuururid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cuskug

DHAABAN

-ga: (magac, lab, keli) meel yuurur; meel fadhi; meel yoxoob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yoxoob_1

DHAFANDHAAF
1

de: crouch; huddle together

2

hm: 1

3

initial: y

4

lx: yoxoob

5

pd: (yoxoobay)

6

ps: v1=

7

syn: kamandhuur, kuudud

8

key: yoxoob_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yoxoob_2

DHAFANDHAAF
1

de: act of huddling together (by livestock, during rain)

2

hm: 2

3

initial: y

4

lx: yoxoob

5

pd: (-ka)

6

ps: vn2-m

7

key: yoxoob_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yoxoobid

DHAFANDHAAF
1

(Yoxoobid-da)

2

1. (xoolaha) roob ka tegid, iyagoo is wada qooxa haya.

3

2. Yuururid; fadhiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yoxoobid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg yoxoob². la-mid: yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoxoobid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw dareed is yugid oo hufada ka cararid.

2

yoxoobid -da: (magac, dhedig, keli) fadhi kuudud ah yuururid. Nin caafimaad qaba yoxoobiddiisu waa ceeb. Dh: yuururid, kuududid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoxoobsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg yoxoobsad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yoxoobso

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: yoxoob².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoxoobso

DHAFANDHAAF

(fal) yuuryuursi u fadhiiso; si yaxoobsi ah u fadhiiso. Yoxoobso sidii ido roob ku da'ay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oroob

DHAFANDHAAF
1

oroob¹: m.l Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.

2

oroob²: m.dh Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oroob

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.

2

oroob -ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, taasoo ku qaadata muddo dheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Toxob

DHAFANDHAAF
1

(Toxob-ta)

2

1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo halaqa qaarki dhawraarin ahaan, korka kaga rogan.

3

2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

toxob

DHAFANDHAAF

m.dh (-bo/-byo, m.l) 1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

toxob

DHAFANDHAAF

m.dh (-bo/-byo, m.l) 1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

toxob

DHAFANDHAAF

f. n. scale (of fish ~ reptile); scurf, dry skin; shell; peel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

toxob

DHAFANDHAAF

-ta: (n) scaly flakes formed on or shed from the skin; scurf (iskeerf) ~ hollob

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

toxob

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qolof ku samaysanta jidhka dadka gaar ahaan madaxa oo fuqfuqda. Dh: holob.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

toxob

DHAFANDHAAF
1

de: scale (of fish ~ reptile); scurf, dry skin; shell; peel

2

initial: t

3

lx: toxob

4

pd: (-ta Pl: toxbo (/ha))

5

ps: n1-f, n3-f

6

key: toxob

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xoxob

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: xexeb, xolxol.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoxob

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) aqalka gudihiisa halka wax la gashado. Alaabta xoxobta ii dhig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GOXOOD

DHAFANDHAAF

(Gohod) C Cyperus chordorrhizus Chiov. Cyperaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

joxoof

DHAFANDHAAF

m.l Oday da' weyn oo xooggan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

loxoox

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg laxoox.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ooroob

DHAFANDHAAF

inch. v. have an ear secretion, catch otitis

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ooroob

DHAFANDHAAF
1

de: have an ear secretion, catch otitis

2

lx: ooroob

3

pd: (ooroobay)

4

ps: v1=inch

5

key: ooroob

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

toloob

DHAFANDHAAF

inch. v. join ~ align with a clan; become one tribe ~ nation

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

toloob

DHAFANDHAAF
1

de: join ~ align with a clan; become one tribe ~ nation Alt sp: tolow

2

initial: t

3

lx: toloob

4

pd: (toloobay)

5

ps: v1=inch

6

key: toloob

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yohoon

DHAFANDHAAF
1

(Yohoon-ka)

2

Gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yohoon

DHAFANDHAAF
1

yohoon¹: m.l.kh Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

2

yohoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yohoon

DHAFANDHAAF
1

v. sail with the wind

2

yohoon: vl. n. sailing with the wind

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yohoon

DHAFANDHAAF
1

(fal) 'badmarid' dhanka dabayshu u socoto u dhoof. Faal baa kuu bexee kac yohoon.

2

yohoon-ka: (magac, lab, keli) gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheeraynayaan.

3

yohoon -ka: (magac, lab, keli) baahi daran oo cunto ama biyo loo hamuumo. Yohoon buu adhigu qabaa. Dh: hamuun, yahoon, yuhuun. Li: dhereg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

YOROOR

DHAFANDHAAF

(Yoror) N Acacia etbiaca Schweinf. Mimosaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoxoobsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudud ah fadhiisasho. Waar waa sidee yoxoobsashadu. Dh: yuurursasho, yoxoobsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yaxoobid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: yoxoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yaxoobid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) hufaraacid oo roob ka cararid. Dh: hufaraacid.

2

yaxoobid -da: (magac, dhedig, keli) yaxoob u fadhiyid. Yaxoobidda waa la bartaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yaxoobso

DHAFANDHAAF

(fal) si yaxoobsi ah u fadhiiso. Yaxobso oo carruurta cashirka u sax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yohoobbi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) dhac iyo boob. Yohoobbiga u duul buu noqdoo yuurur lagu waaye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yohoobsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) hanti tuugsi iyo sadaqaysi ku helid. Dh: yaboohsi, tuugsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

toodoob

DHAFANDHAAF

inch. v. sense, feel; be cautious ~ on the alert; become unruly (of domestic animal ~ livestock)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

toodoob

DHAFANDHAAF
1

bw: toodow

2

de: sense, feel; be cautious ~ on the alert; become unruly (of domestic animal ~ livestock)

3

initial: t

4

lx: toodoob

5

nt: toodoobid (da) [vn-f]

6

pd: (toodoobay)

7

ps: v1=inch

8

xv: garo, dareen

9

key: toodoob

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xoogoob

DHAFANDHAAF

inch. v. become strong

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xoogoob

DHAFANDHAAF
1

a: xoogow

2

de: become strong

3

initial: x

4

lx: xoogoob

5

pd: (xoogoobay)

6

ps: v1=inch

7

key: xoogoob

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yahoobi

DHAFANDHAAF

(fal) xoolo ad lahayn soo dhac. Soo yahoobi geella cadawga.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yolombi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah haadka waaweyn oo dhuunta kiish weyn ku leh oo xoolaha qaata.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yooyoon

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hugun iyo sawaxan.

waa la naqliyay ✓