yoose
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoose
(Yoosa-ha)
Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoose
m.l Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yoose
m. n. dance to exorcise an evil spirit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoose
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar rag iyo dumarba ciyaaro oo la suuxo lana aaminsan yahay in jiman ay dadka galaan. Cali wuxuu tuntaa yoose. Dh: saar, mingis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yoose
de: dance to exorcise an evil spirit
initial: y
lx: yoose
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: mingis
key: yoose
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoos
(Yoos-ka)
Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoos
m.l Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yoos
m. n. bush of unkempt hair, mop of hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoos
-ka: (magac, lab, keli) timo aad u baxay oo aan la feedhin korna u yuugan. Nin waalan oo yoos leh ayey caruurtu ka soo yaacday. Dh: doofil, yoofil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yoos
de: bush of unkempt hair, mop of hair
initial: y
lx: yoos
pd: (-ka Pl: yoosas (ka))
ps: n4-m
key: yoos
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goose
/guus/ geese; (n) shimbir bahda bolon-boolada ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
goose
n., badag, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoose
Meel hoos ah jira ama ku sugan; meel aan korrayn jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoose
s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoose
attributive [adjective] below, lower, low-lying; inferior; subordinate; junior
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hoose
bas, inférieur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoose
(adv) in or to a lower place; beneath (be niith); below (bilow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoose
(tilmaame) mid meel hoos ah jira ama ku sugan; meel aan korrayn jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoose
de: below, lower, low-lying; inferior; subordinate; junior
lx: hoose
ps: adj-atr
xe: in the lower section
xv: dhinaca hoose
key: hoose
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koose
(Koosa-ha)
Orod; kadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koose
m.l Orodka ugu gaaban ee farduhu ku ordaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koose
m. n. trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koose
-ha: (magac, lab, keli) orodka kadlaha ah. Dh: kadle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koose
bw: orod
de: trot
lx: koose
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kadle
key: koose
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
loose
/luus/ (adj) 1. dabacsan (aan xoog u xirnayn); aan giigsanayn 2. faasiqnimo; anshax darro 3. mugdi ku jiro (aan si fiican u qeexnayn).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
loose
loosen, v.tr., debci; a., debecsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noose
/nuus/ (n) siriq (gunud xarig ah oo markii lasoo dhifto xoog u xiranta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
noose
n., (running knot) suryo, -adi.
noose, v.tr., suryay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoome
m.l (muus.) Jaad ka mid ah Durbannada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mingis
(Mingis-ka)
Cayaar ragga iyo dumarkuba ka qayb galaan; dhinac tumiddeedu aad bay u qurux badan tahay, dhinacna senen aad u foolxun bay ku dhisan tahay; waa loo dhacaa oo loo bukoodaa oo waxaa la qabaa in jinniyo magacyo badan leh (sida: Maamme; Yoose) ay dadka caafimaadkiisa gacanta ku hayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mingis
cf: boorane, saar, yoose
de: demon ~ evil spirit that possesses people; dance to relieve this possession In folklore
lx: mingis
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: mingis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosey
-ga: (magac, lab, keli) midab midabbada fardaha ka mid ah oo boos ah. Dh: boos.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
choose
/juus/ (v) doorasho; dooro, xulasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
choose
v.tr., doori, dooro, ka dooro, ka naqay, ka naqayso, ka xulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosey
(Goosey-ga)
Geed weyn oo caleemo balballaaran oo miro la cuno ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosey
goosey¹: m.l la-mid: goosaato¹.
goosey²: m.dh la-mid: goosato².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosey
m. n., [collective] large tree species, with large leaves and edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosey
-ga: (magac, lab, keli) geed weyn oo midho la cuno iyo caleemo balballaadhan leh.
goosey-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosey
de: large tree sp., with large leaves and edible fruit
lx: goosey
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: goosey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Wax meel hoose jirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosee
v. be low; be under ~ below
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosee
(fal) eeg hoosay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosee
de: be low; be under ~ below
lx: hoosee
pd: (hooseeyey)
ps: v2b=intr
xe: It is a land which is coastal and very low.
xv: Waa dhul xeeb ah oo aad u hooseeya.
key: hoosee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Si aayar ah u ordid (faras).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koosee
v. trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosee
(fal) orod kadle ah ku soco. Dh: kadlaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koosee
de: trot
lx: koosee
pd: (kooseeyey)
ps: v2b=
key: koosee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morose
/marows/ (adj) xanaaq badan (xanaaqlow).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morose
morose, adj. - murugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soosee
(fal) soos ku rid: lab; qas; wareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoobso
f.mg3 (-saday, -satay) Dad ama xoolo meel tuurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yoobso
v. assemble, gather together (of people ~ animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoobso
(fal) kaydso; meel dhigo. Lacagta yoobso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yoobso
de: assemble, gather together (of people ~ animals)
initial: y
lx: yoobso
pd: (yoobsaday)
ps: v3a=intr
key: yoobso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) 1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yookee
v. sprout up, stick up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookee
(fal) eeg yookay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yookee
de: sprout up, stick up
initial: y
lx: yookee
pd: (yookeeyey)
ps: v2b=
key: yookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoonge
m.l (-gayaal, m.l/dh) Dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoonge
-ha: (magac, lab, keli) dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
osé
osé, adj. - samayn kara; fali kara; ka suuro gali karto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boos
(Boos-ka)
1. Aad u gaboobey oo tabar yareeyey; daldaloollo iyo nabarro filweynidu keentay.
2. Midab (faras); boosay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boos
boos¹: m.l (-sas, m.l) 1. Qof gaboobay. 2. Nin lug ama gacan la'. 3. Meel qof deeqda. 4. Dhul sharciyeysan oo qof gaar ahaan u leeyahay. 5. la-mid: boosay. Midab cad oo farduhu yeeshaan.
boos²: m.dh 1. Haweenay lug ama gacan la'. 2. B. ah: haan duug ah oo biyaha sii deysa; abaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boos
m.l (-sas, m.l) 1. Qof gaboobay. 2. Nin lug ama gacan la'. 3. Meel qof deeqda. 4. Dhul sharciyeysan oo qof gaar ahaan u leeyahay. 5. la-mid: boosay. Midab cad oo farduhu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boos
m. n. very old and worn-out thing; decrepit person
boos m. n. property, owned ~ assigned land
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Boos
nickname-m a decrepit person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boos
-ka: (n) 1. place (paleeys). 2. land or property title; deed (diidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boos
(tilmaame) midab faras. Faras boos ah buu soo gatay. Dh: boosey.
boos-ka: (magac, lab, keli) meel salka la dego ama salka dhigo.
boos-ka: (magac, lab, keli) qof addimada midkood la'.
boos-ka: (magac, lab, keli) qof aad u gaboobey. Libaax boos noqday suryada fadhiyee uga baydha.
boos -ka: (magac, lab, keli) dhul sharciyeysan oo qof gaar u leeyahay.
boos -ta: (magac, dhedig, keli) sanduuga waraqdaha la isugu diro.
boos -ta: (magac, dheddig, keli) haweenay gacan ama lug la'.
boos-ta: (magac, dheddig, keli) haan duug ah oo biyaha daadisa.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
dose
(n) quantity to be administered at one time, such as a specified amount of medication.
qiyaasta daawo ee hal mar la qaato
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dose
/dows/ (v) 1. qiyaasta daawo ee hal-mar la qaato. (v) 2. daawo-siin, qiyaas-daawo 1n la siiyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dòse
s.f. - qiyaas, cabbir (daawo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foos
(Foos-ka)
Xoog; col.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foos
m.l (-sas m.l) 1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foos
m.l (-sas m.l) 1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Foos
pr. n., [feminine] Fos
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foos
m. n. front line, forefront; force, armed troops
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foos
name-f front line, forefront; force, armed forces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Foos
magac loo baxsho wiil jiidda dagaalka hore ka gala ama ciidanka qalabka sida ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foos
-ka: (magac, lab, keli) xoog col ah ama ciidan.
foos-ka: (magac, lab, keli) meesha hogga ah ee biyaha musquluhu iskugu tegaan. Wa: foosas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goos
m.l Nooc ka mid ah banaatiikhdii waayadii hore faransiisku samayn jirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoos
1. (Hoos-ka) Waxa ifku qabto harka ka baxa; hoosiis; har.
2. (Hoos-ta) Xagga dhulka xiga; aan kor ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoos
hoos¹: m.l (-sas, m.l) Shey if ku qabtay oo ilees-ma-gudbiye ah harka ka soo baxa.
hoos²: m.dh Meel ay wax kale ka sarreeyaan.
hoos³: f.g1 (-say, -stay) Wax har u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoos
hoos¹: m.l (-sas, m.l) Shey if ku qabtay oo ileesmagudbiye ah harka ka soo baxa.
hoos²: m.dh Meel ay wax kale ka sarreeyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos
f. n., loc. (adj.): lower part, underneath; bottom; under, below, down, low, lower, inferior
hoos m. n. shade, shadow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoos
-ta: (preposition) under (an dher); below (bi low); beneath (beniith). Ex: kursiga hoostiisa; under the chair. Dulka hoostiisa; under the ground;
hoos u dhac -ay: (v) decrease (dkiriis); diminish (di minish).
hoos u dhac dhaqaale: (n) depression (dipareeshen); recession (ri sa-shan).
hoosta ka xarriikh -ay / -day: (v) underline (andher laayn)
hoos -ka: (n) shadow (shaa dhow); shade (sheeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoos
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadh.
hoos-ta: (magac, dhedig, keli) salka ama gunta. Dh: gun, dacal. Li: dul, baar, kor.
hoos: (tilmaame) xagga dhulka xigta; aan korka xigin. Li: dul, kor.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hoos
تَحْتِ، ضِدُّ، فَوْقَ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hose
/hows/ (n) 1. tuubbo, siiba dhuun weyn. (v) 2. tuubbo ku waraabin. e.g. to hose the garden (n) 3. sharabaad, sigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koos
(Koos-ka)
Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koofur-galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koos
m.l 1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koos
m. n. southwest wind ~ monsoon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koos
name-f continent; earth. Cf: Aasiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koos
-ka: (magac, lab, keli) deegaan ama degmo. Dh: deegaan.
koos-ka: (magac, lab, keli) dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaadda koonfurta galbeed...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koos
de: southwest wind ~ monsoon
lx: koos
pd: (-ka)
ps: n-m
key: koos
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loos
Groundnut
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LOOS
(los) All. Som. Arachis hypogaed L. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loos
-ka: (magac, lab, keli) eeg laws.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lose
/luus/lost; (v) 1. dhumin; lumin 2. khasaarid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lose
v.tr., xoor, ambi, habaabi, hallee, lumi, beel; v.i., calaacal, ambo, habaab, hallaw, lun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moos
(Moos-ka)
1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talaggalay inuu biyaha daadka ah celiyo.
2. Biyammareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada.
3. Muuska la cuno.