ereyga

yoomayoome

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoomayoome

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) xilliga ay cadceeddu ugu kulushahay ee duhurkii. Dh: baaxadsoore.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baaxadsoore

DHAABAN
1

-ha: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo baaxadweyn badhtamihiisa; dhul kala fidsan meesha kala badha. Saw baaxadsoorehii iyo lababoglayntii, maan noqon bestay oo, bacadkii ma dheelliman.

2

baaxadsoore -ha: (magac, lab, keli) xilliga duhurka ee ay cadceedduna aadka u kulushahay. Baaxad-soore iyo adigaan ka biqin baabullaha aare. Dh: yoomayoome.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oomasoore

DHAFANDHAAF

m.l Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

oomasoore

DHAFANDHAAF

m. n. dry ~ arid land; dry season

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oomasoore

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

oomasoore

DHAFANDHAAF
1

de: dry ~ arid land; dry season

2

lx: oomasoore

3

pd: (/ha)

4

ps: n-m

5

key: oomasoore

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoomiye

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) shaqo aan joogto ahayn oo malinna la waayo maalinna la helo. Willku shaqo rasmiya ma hayee yoomiye ayuu reerka ku masruufaa. Dh: nololmaalmeed.

2

yoomiye -ha: (magac, lab, keli) mushqaayadda shaqo maalmeed laga qaato. Yoomiyaha ha ku qayiline carruurta u gee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yooyoon

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hugun iyo sawaxan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoocyooc

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) eeg yooc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yoolyool

DHAFANDHAAF
1

(Yoolyool-ka)

2

Cayaar labo yool ama goobood leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod u badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yoolyool

DHAFANDHAAF
1

yoolyool¹: m.l 1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maalintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. la-mid: yoolyoolid.

2

yoolyool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yoolyool

DHAFANDHAAF

m.l 1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maalintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. la-mid: yoolyoolid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yoolyool

DHAFANDHAAF
1

m. n. children's game of tag

2

yoolyool: v. be disturbed ~ agitated

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

yoolyool

DHAFANDHAAF

-ka: (n) [game] tag (taag); children's game

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoolyool

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) ciyaar labo yool ama goobood leh oo isa'seemid 'istaabasho' iyo orod ku dhisan. Dh: xantaxanto.

2

yoolyool -ka: (magac, lab, keli) dhibaato iyo rafaad kolba meel loo kaco. Yoolyoolka geela ka daaya. Dh: carcaraaf, rafaad, basanbaas.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yoonyoon

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo aan wax murti ah lahayn. Hadal waa murti iyo yoonyoon. Dh: yooyoon. Li: murti, xigmad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

doorsoome

DHAFANDHAAF

m.l (-mayaal, m.l/dh) (xisaab) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

doorsoome

DHAFANDHAAF

m.l (-mayaal, m.l/dh) (xisaab) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Doorsoome

DHAFANDHAAF

Variable

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Doorsoome

DHAFANDHAAF

Variable

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

doorsoome

DHAFANDHAAF

m. n. variable {mathematics}

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

doorsoome

DHAFANDHAAF

doorsoomaha: (n) [Mathematics] variable (veeri-yabal) eray xisaabeed

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

doorsoome

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) isle'egta dhexdeeda dahsoonaha lahayn qiima go'an la hubin oo inta badan lagu asteeyo shibbane ama shaqal. 2x+y=10, x iyo y waa doorsoomayaal tiro u taagan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

doorsoome

DHAFANDHAAF
1

de: variable {mathematics}

2

lx: doorsoome

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: doorsoome

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oodagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah. Reerihii odagooye ayaa ku da'ay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foorafoore

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) hadalka aan la hubin dhab ahaantiisa ee kutidhikuteennayda ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Joogajooge

DHAFANDHAAF
1

(Joogajooga-ha)

2

Cubcub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

joogajooge

DHAFANDHAAF

m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Socod aan la joogsanayn maalin dhan. 2. Taag-naan aan nasiino lahayn. 3. Cucub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

joogajooge

DHAFANDHAAF

m. n. plug, stopper

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

joogajooge

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) hummaag dad loo ekaysiiyo oo beeraha iyo wixii la mid ah lagu taago si looga ilaaliyo shimbiraha iyo dugaagga. Dh: mudutuul, malluug, magalooti.

2

joogajooge -ha: (magac, lab, keli) saca marka uu ka dhinto ilmuhu, haragga lagu maalo ee ilmaha looga dhigo. Dh: gondaal, buubuule, cucub.

3

joogajooge-ha: (magac, lab, keli) waqti xidhiidhsan hawl ama socod aan kelfis lahayn. Joogajooge dhaan waa tamuum, joogajooge geel waa wabax, joogajooge dadna waa adhiwad. Dh: kelfis, bobojin, yohoon, tamuum.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

joogajooge

DHAFANDHAAF
1

de: plug, stopper

2

lx: joogajooge

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: joogajooge

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tooratoore

DHAFANDHAAF

m.l (-rayaal, m.l/dh) Bir dhuuban oo meel la qabsado leh oo buntukha lagu cabbeeyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tooratoore

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qoriga halka laga cabbeeyo marka la rabo in la rido.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoomaaqoolle

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) si agagasnimo ah wax u raadin oo marba meel sed ka deyid.

2

hoomaaqoolle -ha: (magac, lab, keli) daymo xishood ku jiro. Dh: xishood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

moxormadoobe

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: moxormadow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moxormadoobe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geedka moxorka jaadadkiisa mid ka mid ah oo foox casuus madowga xiga leh. Moxormadoobe haddaad haysid iga iibi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF

m.l Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF

m.l Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] ivory; elephant's trunk

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF

-ga: (n) ivory (ayvari); elephant's tusk

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) foolka dheer oo fuqa sare kaga yaal maroodiga oo ka ganacsigiisa laga hortago. Waayadii hore dhulka Soomaalida waxa loo soo doonan jiray foolmaroodi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

foolmaroodi

DHAFANDHAAF
1

cf: faanmaroodi

2

de: ivory; elephant's trunk

3

lx: foolmaroodi

4

pd: (-ga)

5

ps: n2a-m-cmp

6

key: foolmaroodi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koontatoore

DHAFANDHAAF

-koontatooraha: (n) transformer (taraanisfoormaer) ~ koronto xisaabiye

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kooraggooye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.dh) Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koroomasoom

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) unuggyada taranka ee ragga iyo dumarka. Koroomasoomka haday wax ku dhacaan aad bay khatar u tahay.

waa la naqliyay ✓