yoho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoho
(ereydhawaaq) la isticmaalo kolka awrka la hoggaaminayo. Yoho dhe awrka. Dh: oho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yohow
(Dheddig, yahay) waxaa lagu dabakaraa magacyada loo dhawaaqayo ama la soo jeedinayo ama hadalka lagu adkaynayo (ama yahow).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohow
(dabakar) xagga danbe kaga kordha magacyada loo dhawaaqayo, hadal la soo jeedinayo ama hadalka lagu adkaynayo. Wiilyohow sidaan kuugu caana lisay iigumaad hanbaynin. Dh: yahow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yohoomid
(Yohoomid-da)
Docda dabayshu u socoto u dhoofid (doonyaha shiraaca leh, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoomid
m.f.dh eeg yohoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoonsan
f.mg4 (-oonaa, -oonayd) Wax yohoomay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoonsanaan
m.f.dh eeg yohoonsan. la-mid: yohonsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoonsanaansho
m.l/dh la-mid: yohoonsanaan.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
lunch (n)
wenjel (yohor)
qado
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
midday (n)
yohor
duhurka
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
noon (n)
yohor
duhurka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogajooge
-ha: (magac, lab, keli) hummaag dad loo ekaysiiyo oo beeraha iyo wixii la mid ah lagu taago si looga ilaaliyo shimbiraha iyo dugaagga. Dh: mudutuul, malluug, magalooti.
joogajooge -ha: (magac, lab, keli) saca marka uu ka dhinto ilmuhu, haragga lagu maalo ee ilmaha looga dhigo. Dh: gondaal, buubuule, cucub.
joogajooge-ha: (magac, lab, keli) waqti xidhiidhsan hawl ama socod aan kelfis lahayn. Joogajooge dhaan waa tamuum, joogajooge geel waa wabax, joogajooge dadna waa adhiwad. Dh: kelfis, bobojin, yohoon, tamuum.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuum
(fal) yohoon oo socod aan soo jeesi lahayn ku jir. Halkeed saaka u tamuumsan tahay. Dh: yahoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yahoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer u socdaalid. Laba cisho ayuu Sahal yahoomid ku jiray Dh: socdaalid, kaynaanid.
yahoomid -da: (magac, dhedig, keli) baahi daran qabid. Dh: hamuumid, yohoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoobbi
-ga: (magac, lab, keli) dhac iyo boob. Yohoobbiga u duul buu noqdoo yuurur lagu waaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoomid
-da: (magac, dhedig, keli) 'badmarid' dhanka dabayshu u socoto u qayaadid.
yohoomid -da: (magac, dhedig, keli) baahi daran qabid. Dh: hamuumid, yahoomid. Li: dhergid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-yahow
de: hey you! [MASCULINE VOCATIVE] Used when addressing male person or animal, but not with proper names
lx: -yahow
ps: n-m-voc-suf
xe: hey girls!
xv: -ow, -yohow
key: -yahow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yohoon_1
de: sail with the wind
hm: 1
initial: y
lx: yohoon
pd: (yohoomay)
ps: v1=
key: yohoon_1
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oho
eeg ooha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koho
(fal) wax ku dhaafay ama tegay dib u goco. Kalaankuu lahaa ina gallaydh kohay gadaalkiiye.
koho: (fal) wax aad rabitaan badan u haysid doon oo niyadda ka rab.
koho: (fal) ku deeq iyada oo aan lagu waydiisan. Dh: sii, hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loho
(fal) itaaldarri darteed meel hadh leh ku naso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: muho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moho
(fal) isla jeclaw oo hunguree wax ay na muhato. Moho oo maankana ku hay marwadaad jeclayd. Dh: jeclow, rab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooho
(eraydhawaaq) loogu yeedho geela kolka la soo ururinayo. Dh: hooba, ohoy.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-yohow
de: hey you! [MASCULINE VOCATIVE]
lx: -yohow
ps: n-m-voc-suf
xe: o man!
xv: =-yahow
key: -yohow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yohoon
(Yohoon-ka)
Gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoon
yohoon¹: m.l.kh Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.
yohoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yohoon
v. sail with the wind
yohoon: vl. n. sailing with the wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoon
(fal) 'badmarid' dhanka dabayshu u socoto u dhoof. Faal baa kuu bexee kac yohoon.
yohoon-ka: (magac, lab, keli) gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheeraynayaan.
yohoon -ka: (magac, lab, keli) baahi daran oo cunto ama biyo loo hamuumo. Yohoon buu adhigu qabaa. Dh: hamuun, yahoon, yuhuun. Li: dhereg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bohol
(Boho-sha)
Dillaac weyn oo dhulka ku yaal oo ballaar iyo qoddo fogaan isku darsaday; god weeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bohol
m.dh (-lo, m.l) Jeex hoos u dheer biyo iyo wixi lamida sameeyeen oo dhulka ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bohol
m.dh (-lo, m.l) Jeex hoos u dheer biyo iyo wixi lamida sameeyeen oo dhulka ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bohol
f. n. ditch, hole in the ground, ravine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bohol
-bohosha: (n) [Pl. boholo-ha] a large cave (keeyv); ditch (dish); trench (tareenji); cavern (kaaven) ~ qaxaab, booraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohol
-sha: (magac, dhedig, keli) god hoos u dheer oo dhulka meelaha dooxyada ah ku yaalla. Bohol hadimo ha qodin haddaad qoddana ha dheerayn ku dhiciyaana lama ogee.
bohol-sha: (magac, lab, keli) god dheer oo hoos loo qodo oo badarka lagu kaydsado. Bohol hadimo ha qodin ku dhici doonteena mooyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bohol
cf: haadaan, hataq, hog
de: ditch, hole in the ground, ravine
lx: bohol
pd: (/sha)
ps: n1-f, n2-f
key: bohol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bohol
مَسَالٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bohon
(Bohon-ka)
Neef lab oo aan xiniinyo lahayn; madhale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bohon
m.l (-nno, m.dh) Orgi wan iyo wixi lamida oo aan wax boodi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bohon
m. n. (adj.): castrated male; gelding, steer; impotent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bohon
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo lab oo aan xiniiyo qabin ama xiniiyo la'aan ku soo dhashay. Bohon baraar ma dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bohon
de: castrated male; gelding, steer; [atr.] impotent
lx: bohon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bohon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hohob
1. (Hohob-ka) Kebed qurux badan.
2. (Hohob-ta) Geed bixiya miro la cuno oo aad u wanaagsan oo kuwa gomoshaaga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hohob
hohob¹: m.l Kabdaha nooc ka mid ah.
hohob²: m.dh 1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hohob
m. n. decorative camel cloth ~ mat
hohob [feminine] n., [collective] plant species, with edible fruit (berries)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOHOB
[OHOB] Grewia penicillata 03, G. villosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOHOB
(Hohob) C, S, May Grewia penicillata Chiov. Tiliaceae.
C Grewia villosa Willd. Tiliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hohob
-ta: (n) a wild plant with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hohob
-ka: (magac, lab, keli) kebed qurux badan.
hohob-ta: (magac, dhedig, keli) geed bixiya midho la cuno oo geedqadhaabka ka mid ah. Hohobtoo bislaatiyo, hoobaan la moodyeey...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Johor
(Johor-ka)
Dibi ama orgi fil weyn oo weyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
johor
johor¹: m.l (-rro, m.dh) Dibi ama orgi fil weyn oo caato ah.
johor²: m.dh (-rro, m.dh) Wasaq, jilif iyo wixi lamida oo ay yeelato oogada dadka. la-mid: joxor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
johor
m.dh (-rro, m.dh) Wasaq, jilif iyo wixi lamida oo ay yeelato oogada dadka. la-mid: joxor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
johor
m. n. thin old ox ~ he-goat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
johor
(tilmaame) qof midab aad u cad leh.
johor-ka: (magac, lab, keli) dibi ama orgi fil weyn oo caato ah.
johor-ta: (magac, dhedig, keli) wasaq, jilif iwm oo ay yeelato oogada dadka. Dh: joxor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
johor
cf: dibi, orgi
de: thin old ox ~ he-goat
lx: johor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: johor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodho
m.dh Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodho
-ha: (magac, lab, keli) harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo la hoos dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lohod
(Lohod-ka)
Nafley yaryar oo badaha ku jirta oo aan lafo iyo riciro lahayn, badanaana ku dhexjira kuukiyaan, bocool, aleel, dhulman iyo wax la mid ah; waa jaadad badan oo qaar la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lohod
m.l (cilmiga naflayda) Nafley yaryar, badda ku jirta, jaadad badan leh oo aan lahayn lafo iyo riciro, kuna dhexjirta bacool laba qalbac ah oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lohod
m.l (cilmiga naflayda) Nafley yaryar, badda ku jirta, jaadad badan leh oo aan lahayn lafo iyo riciro, kuna dhexjirta bacool laba qalbac ah oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lohod
m. n. oyster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lohod
-ka: (n) oyster (ooystar); mollusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lohod
-ka: (magacwadareed) qolofleyda yaryar ee badda jaad ka mid ah oo aan lafo iyo riciro toona lahayn, badanaana ku dhexjirta kuukiyaan, bocool, aleel, dhulman iyo wax la mid ah. Waa jaadad badan oo qaarkood la cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lohod
de: oyster
lx: lohod
pd: (-ka)
ps: n2a-m-enum
key: lohod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooho
f.mg3 (-hday, -hatay) Xarig sooh ah samysasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yogol
name-m tall and dark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Yogol
magac loo baxsho wiil dheer oo madow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yogol
-ka: (magac, lab, keli) geedaha yaryar ee yacayga ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yolol
-ka: (magac, lab, keli) muuqaal iyo sawrac uu qof yeesho. Ila fiirsha wiilkii yololkii aabbihii buu leeyahay.
yolol -ka: (magac, lab, keli) xawayaan dugaagga ka mid ah oo caarcaar leh oo shabeelka u eg kase yar oo xoolaha yaryar cuna. Yolol baa laba riyaad cunay. Dh: harimacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yooco
(Yooca-da)
Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yooco
m.dh (botani) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yooco
m.dh (botani) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yooco
f. n. tree species used for its wood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YOOCO
(YO') C Acacia zizyphispinosa Chiov. Mimosaceae.
C Erythrina melanacantha Harms. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yooco
de: tree sp. used for its wood
initial: y
lx: yooco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yooco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yooko
(Yooka-da)
Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yooko
m.dh Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yooko
f. n. sprout, protrusion, anything sticking up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooko
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo baxsan ama kor u soo likaysan. Gufi yooko ah ayaan mooday dugaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yooko
de: sprout, protrusion, anything sticking up
initial: y
lx: yooko
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yooko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoto'
(fal) (ku ~) ku mintid: ku dedaal. Ku yoto' barashada Quraanka.