ereyga

yix

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yix

DHAN
1

(Yix-da)

2

Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurtu la dhashaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yix

DHAN

m.dh Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yix

DHAN

m.dh Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yix

DHAN

f. n., [collective] hair of newborn child

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

yix

DHAN

-da: (n) soft hair of the newborn child

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yix

DHAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo carruurtu ku dhalato. Yixda ka xiir maalinka loo wangalo wiilka.

2

yix-da: (magac, dhedig, keli) shaashka xasiidda madaxeeda ka baxa. Galley yix tuurtay xasiid bay xaanbaarsantahay. Dh: shucub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yix

DHAN
1

de: hair of newborn child

2

initial: y

3

lx: yix

4

pd: (-da)

5

ps: n0-f-col

6

key: yix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yaleex

DHAABAN
1

(Yaleex-a)

2

(timo; ...) sida yixda u jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qayax

DHAABAN
1

qayax¹: m.l.kh 1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iyo wixi lamida oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray.

2

qayax²: f.g1 (-xay, -xday; -yixi) 1. Wax diirka sare ka qaadid. 2. Laf hilib ka gurid. 3. Si wanaagsan wax u sheegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yaleex

DHAABAN

m.l 1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. la-mid: yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Bulbul

DHAABAN

magaca loo baxsho wiil timo badan oo yix ku dhashay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Coofle

DHAABAN

magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay lahaa yix ama timo badan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Food

DHAABAN

magac loo baxsho wiil food loo reebay ka dib kolkii yixda laga xiiray farre awgii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhiidh

DHAABAN

magac loo baxsho wiilka dhashay isaga oo ay timihiisa ama yixdiisu yartahay. Dh: bidhiidh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bayaayo

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo kala jeedjeeda. Dh: bidhiidh, yixi. Li: yoofil.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biile

DHAABAN
1

-ha: (magac, lab, keli) cows ka baxa dooxyada iyo jeexjeexyada laagaha dhinacyadeedo. Biile badan baa ka baxay dixaha baashooda. Dh: birqin.

2

biile-ha: (magac, lab, keli) qaybta kor uga baxda galleyda ee xajiinta leh ka hor inta ayna yixda soo saarin oo bacrimiya. Biilihii bay tuurtay gallaydii.

3

biile-ha: (magac, lab, keli) tif yar oo sare uga baxa doogga qaarkii oo farraaqyo yaryar oo xajiin leeh bixiya oo markuu roobku da'o biqla, sida dareemada, ramaska iyo alaalida iyo waxii la mid ah. Bilihii dareemadaa indhaha naga galay

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yixayn

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) shucub yeelasho. Weli arabikhidu yixayntii ma bilaabin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dix

DHAFANDHAAF
1

(Dix-da)

2

Ciidda dhulka biyammareenka ah sida togagga dhuuxooda ama sifka ah oo bacaddada dhinaca ku haya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dix

DHAFANDHAAF

m.dh Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dix

DHAFANDHAAF

m.dh Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dix

DHAFANDHAAF

f. n. dry streambed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dix

DHAFANDHAAF

-da: (n) streambed (istiriim-beedh)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhul uu daad jeexday oo bataax cad leh oo ceelasha iyo laasaska biyahana laga qoto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

dix

DHAFANDHAAF

dix, adj.num, - Toban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dix

DHAFANDHAAF
1

de: dry streambed

2

lx: dix

3

pd: (-da)

4

ps: n1-f

5

key: dix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fix

DHAFANDHAAF
1

(Fix-da)

2

Qosol badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fix

DHAFANDHAAF

m.dh.sh.r Qosol f. la dheh: aad u qoslid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

fix

DHAFANDHAAF

f. n. roars of laughter

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

fix

DHAFANDHAAF

/fiks/ (v) 1. ku-xirid, ku-dhuujin (v) 2. hagaajin, samayn (v) 3. diyaarin, nidaamin (n) 4. dhibaato, shiddo. e.g. He is in a terrible fix. (n) 5. irbad daroogo ah

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qosol badan oo lala rafto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

fix

DHAFANDHAAF
1

de: roars of laughter

2

lx: fix

3

pd: (-da)

4

ps: n-f

5

key: fix

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

fix

DHAFANDHAAF

v.tr., (make fast) dab, tag; fix a day, maalin ballan; fix your dwelling there, fadhigaaga halkaa ka dhis or ka saar; fix a handle, daab ku jooji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jix

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: kix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jix

DHAFANDHAAF

f. n. whooping-cough

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jix

DHAFANDHAAF

(ereycodeed) lagu tilmaansado qufaca. Dh: kix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jix

DHAFANDHAAF
1

de: whooping-cough

2

lx: jix

3

pd: (-da)

4

ps: n0-f

5

see: kix

6

key: jix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kix

DHAFANDHAAF
1

(Kix-da)

2

Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kix

DHAFANDHAAF

m.dh Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. la-mid: jix, qix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kix

DHAFANDHAAF

m.dh Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. la-mid: jix, qix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kix

DHAFANDHAAF

f. n. whooping-cough

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kix

DHAFANDHAAF
1

(ereycodeed) lagu tilmaansado qufaca. Dh: jix.

2

kix-da: (magac, dhedig, keli) xanuuun ku dhaca inta badan carruurta yaryar oo qufac badan leh iyo matag. Dh: qixi, qix, xiiqdheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kix

DHAFANDHAAF
1

a: jix

2

de: whooping-cough

3

lx: kix

4

pd: (-da)

5

ps: n0-f

6

syn: qiixdheer

7

xv: qufac

8

key: kix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lix

DHAFANDHAAF
1

(Lix-da)

2

Tirada u dhexaysa shanta iyo toddobada; (6).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lix

DHAFANDHAAF

m.dh.t Tirada shanta iyo toddobada u dhexeysa; “6”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

lix

DHAFANDHAAF

m.dh.t Tirada shanta iyo toddobada u dhexeysa; 6.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Lix

DHAFANDHAAF

Hexa

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

lix

DHAFANDHAAF

num. six

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Lix

DHAFANDHAAF

six.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

lix

DHAFANDHAAF

-da: (n) six (sikis); [6]

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) tirada u dhaxaysa shan iyo toddoba; 6; VI.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

lix

DHAFANDHAAF
1

de: six

2

lx: lix

3

pd: (-da)

4

ps: num-f

5

xe: every six hours

6

xv: lixdii saacba mar

7

key: lix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

mix

DHAFANDHAAF

/miks/ (v) isku-qasid (isku-darid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

mix

DHAFANDHAAF

v.tr., khalad, isku khalad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qix

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: kix.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cudur carruurta ku dhaca oo qufac iyo xummad badan u keena. Sannad walba malaayiin carruur ah ayaa qix laga tallaalaa. Dh: qiixdheer, kixi, qixdheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

six

DHAFANDHAAF

/siks/ (n) lix.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

six

DHAFANDHAAF

six, adj. num. - lix; tirada ah lix (6)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

six

DHAFANDHAAF

num., lex, -di; six fold, lex jeer oo min lex ah, or lex jeer oo lex wada ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tix

DHAFANDHAAF
1

(Tix-da)

2

1. Hadal gaaban oo si gaar ah u taxan; weer; oroh; hawraar.

3

2. Maanso ama gabay gaaban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tix

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tix

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Ereyo qaafiyad iyo miisaan leh. 2. Gabay dhowr beyd ka kooban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

tix

DHAFANDHAAF
1

f. n. line of poetry, stanza; short poem; poetry

2

tix [feminine] n. embroidered hem

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

TIX

DHAFANDHAAF

Cynodon dactylon 20, Panicum pinifolium 10

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

tix

DHAFANDHAAF

-da: (n) verse (veers); short poetic composition ~ tuduc

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Tix

DHAFANDHAAF
1

Verso; linea

2

Verse; line

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tix

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadalka inta miisaanka iyo xarafraaca leh ee fikrad iyo ujeeddo leh dareenka na raadaysa oo ay dhegtuna jeclaysato. Tix iyo tiraaba waa lagula hadlay Soomaaliye qabyaalad deyn maayaan. Dh: maanso, gabay. Li: weedh, odhaah, hawraar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

tix

DHAFANDHAAF

قريض، شعر

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yax

DHAFANDHAAF

(qurub) dhiillo lagu cabbiro sida looga xumaado wax in la sameeyo ahaa oo markii ay habboonayd la taabi kari waayay. Yax aar haddaan waagaa itaal leehay waan aargoosan lahaa. Dh: ah, way, yah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yib

DHAFANDHAAF
1

(Yib-ta)

2

Cayaar shan iyo labaatan hogood leh oo labo qof afar iyo labatan dhagax oo kala midabaysan ku cayaaraan (qofkiiba 12); bub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yib

DHAFANDHAAF
1

yib¹: m.dh Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

2

yib²: f.g1 (-bay, -btay) Yib cayaarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yib

DHAFANDHAAF

m.dh Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yib

DHAFANDHAAF
1

f. n. game (similar to checkers)

2

yib: v. play a game of yib

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yib

DHAFANDHAAF
1

(fal) ciyaarta bubka ciyaar.

2

yib: (ereydhawaaq) dameeraha lagu yidhaa oo la macna ah cab. Dameerta yib dheh biyah ha cabtee.

3

yib -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar shan iyo labaatan barood leh oo labo qof ay afar iyo labaatan dhagax oo kala midabaysan ay min 12 dhagax ku ciyaaraan waxay la jaad tahay shaxda. Dh: bub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yir

DHAFANDHAAF

m.l Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yilix

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) wax qoyan oo biyo badan ah. Xooluhu waxay daaqaan tigaad yilix ah. Li: engeg.

2

yilix-a: (magac, lab, keli) qoyaan biyo badan. Go' yilix ah ha ku tukan

waa la naqliyay ✓