yibyib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibyib
(fal) eeg yib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yibid
(Yibid-da)
Yib cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yibid
m.f.dh eeg yib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ama yib ciyaarid. Nin yibidda ku xariif ah ayaa tartankeeda ka qayb gala. Dh: bubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibil
(tilmaame) xoolo biyo ka dhargay oo baad ay cunnan waayay. Dh: wabax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yibir
yibir¹: m.l Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro.
yibir²: m.dh Haweenay aad u hunguri xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yibir
m.l Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yibir
m. n. Yibir (low caste Somali)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibir
-ka: (magac, lab, keli) carasho iyo cadho abuur ah oo qofka leh si daran u madaxmarta. Intey saarsaaran tahay yibirtu waw samraa.
yibir-ka: (magac, lab, keli) nin wiil dhasha ama dhista laga siiyo neef ama hanti goysa; nin makaraanno uu gooyo samaanyo ku qaata. Yibirku ma dhintee xanfaley baa qaadata. Dh: caadaqaate.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yibir
cf: samaanyo, xamfaley; caadaqaate
de: Yibir (low caste Somali)
initial: y
lx: Yibir
pd: (-ka Pl: Yibro (/ha))
ps: n3-m
key: Yibir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibis
-ka: (magac, lab, keli) calool istaag dadka ku dhaca oo sindhadu sidii dabiiciga ahayd u iman weydo. Yibis baa ilmaha ku dhacay.
yibis -ka: (magac, lab, keli) cunto aan caano iyo dufan midna lahayn. Dh: yaamis, yaabis, qarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yicib
(Yicib-ta)
Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yicib
m.dh Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. la-mid: jicib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yicib
m.dh Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. la-mid: jicib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yicib
f. n. tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YICIB
[YE-EB, YEHEB] Cordeauxia edulis 03: may refer to fr
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YICIB
(Yieb) Og,C Cordeauxia edulis Hemsl. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yicib
-ta: (magac, dhedig, keli) midho qolof iyo beer laba qalbac ah leh oo la cuno oo nafaqo badan. Yicib ayaan kuu keeni doonaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yicib
bw: jicib
cf: gud
de: tree sp. (that produces an edible and nutritious nut contained in a shell or pod; it is found especially in the Mudug region; the nut is very nutritious
initial: y
lx: yicib
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: yicib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiib
m.l/dh la-mid: sabiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiib
-ka: (magac, lab, keli) miraha canabka oo la galajyay, sabiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabyab
(fal) wax kala yaalla isku kakab oo iskut dhedheji. Duqda buul u yabyab. Dh: yayab.
yabyab-ka: (magac, lab, keli) wax aan si wanaagsan la iskugu dubba ridin oo si fudud u kala daadan kara. Dh: nabnab, kabkab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibiib
(Dhibiib-ka)
Qofka dhiig badani ka baxo sida uu noqdo (ama dhibib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiib
dhibiib¹: m.l 1. Suuxdinta ku timaadda qof dhiig badani ka baxay, dhiigbax. 2. la-mid: dhibiibid. la-mid: dhibib¹.
dhibiib²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof dhiig badani ka baxay suuxid. la-mid: dhibib³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibiib
dhibiib¹: m.l 1. Suuxdinta ku timaadda qof dhiig badani ka baxay, dhiigbax. 2. la-mid: dhibib.
dhibiib²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof dhiig badani ka baxay suuxid. m.f.dh, dhibiibid. la-mid: dhibib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibiib
v. lose a lot of blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiib
-ka: (magac, lab, keli) miyirdoorsanka qofku marka uu dhiigbax ku yimaadda. dhibiibi: (fal) dhiig badan oo kaa tegey darteed la dawakh oo tamar la'aan u dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibiib
cf: dhibiib (ka) [vn-m] 'loss of blood'; dhiig 'blood'
de: lose a lot of blood
lx: dhibiib
pd: (dhibiibay)
ps: v1=intr
key: dhibiib