yeelasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelasho
(Yeelasha-da)
1. Lihi u lahaansho; hantiyid.
2. Kabaha yeelin u samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelasho
m.f.dh eeg yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) kab go'day tolasho oo dib u hagaajisasho. Kabta yeelashadeeda waad kartaaye yeelo. Dh: hagaajiso, karo.
yeelasho-da: (magac, dhedig, keli) hanti ahaan ula wareegid. Inaad wax jeclaataayi yeelasho maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelasho
m.f.dh eeg heelo. la-mid: heelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeerasho
m.f.dh eeg yeero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) au cid wacasho, cid u qaylsasho. Dab demiska wuxu ku yimaad yeerasho. Dh: yeedhasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsasho
(Aqoonsasha-da)
Aqoon u yeelasho; barasho; ogaansho; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaarasho
(Ballaarasha-da)
Ballaar weyn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakoobid
(Barakoobid-da)
Barako yeelasho; badasho; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barasho
(Barasha-da)
Aqoon u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belbelid
(Belbelid-da)
Belbel yeelasho; belelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabasho
(Bilaabasha-da)
Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryaysad
(Caaryaysad-ka)
Caaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaan
1. (Caddaan-ka) a) Dad, kd., cadcad. b) Lacag, c) Bareer.
2. (Caddaan-ta) Midab cad ahaan; midab cad yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaaroobid
(Canbaaroobid-da)
1. Canbaar yeelasho.
2. Ceeboobid; dhaleecoobid; fadeexoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeboobid
(Ceeboobid-da)
Ceeb falid; ceeb yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroobid
(Cirroobid-da)
Cirro yeelasho; cirro ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabasho
(Daabasha-da)
1. Daab la qabto u yeelasho.
2. Caano cusub oo danbar leh dhamid oo ku bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahasho
(Daahasha-da)
Daah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysasho
(Daaweysasha-da)
Daawo dhigasho; daawo yeelasho; daaweysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhasho
-da: (magac, dhedig, keli) u cid wacasho,cid u qayisasho. Dab demiska waxaa lagu dalbadaa yeedhasho. Dh: yeerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeersasho
m.f.dh eeg yeerso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeersasho
-da: (magac, dheddig, keli) cashar laguu yeedhinayo qorasho. Dh: yeedhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ee'asho
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta codka ee'adka oo ah dhawaqa riyaha ee xanuunka ku lammaan. Dh: ci', cabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eebasho
m.f.dh eeg eebo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegasho
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo ka ilaalinta wax aad leedahay. Dh: daranyatirasho, dayactirasho.
eegasho-da: (magac, dhedig, keli) wax cid kale lagala wareegayo, fiicnidiisa eegid oo iska hubin. Haddaad gaadhiga iibsanayso eegashadu lacag ma aha.
eegasho-da: (magac, dhedig, keli) daalacasha kitaabka la dhegeysanayo. Dh: daalacasho. eegeeg: (fal) eeg oo haddana eeg. Dh: fiirfiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexasho
(Eexasha-da)
1. Eex gelid; kala godobsasho.
2. (u eexsasho) u turid; gaar ugu samafalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexasho
m.f.dh eeg eexo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexasho
vl. n. state of being biased, partial; showing favoritism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eexasho
-eexashada: (n) favorable prejudice or bias
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eexasho
Favoreggiamento
Favouritism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eexad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexasho
de: state of being biased, partial; showing favoritism
lx: eexasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: eexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegasho
m.f.dh eeg beego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegasho
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirasho. Beegashada isaga u daaya. Dh: qiyaasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerasho
(Beerasha-da)
Beer ka dhigasho; abuurasho, tallaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerasho
m.f.dh eeg beero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerasho
vl. n. farming, planting (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerasho
-beerashada: (n) farming, cultivating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, beer ka dhigasho. Beerashaa loo banbaxay oo bannaanka loo hurdaa. Dh: abuurasho, beerfalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerasho
de: farming, planting (for oneself)
lx: beerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: beerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexasho
(Deexasha-da)
Hadal badan shubid; dalqamid; aad u warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexasho
m.f.dh eeg deexo. la-mid: deexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal si laabfurni ah, u warrantid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenasho
(Feenasha-da)
Hilibka yar oo lafaha ku dhegdhegsan oo feenka la yiraahdo, cunid, ilkaha ku diirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenasho
m.f.dh eeg feeno. la-mid: feenad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg feenad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerasho
(Feerasha-da)
(time, kd.) Firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerasho
m.f.dh eeg feero. la-mid: feerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feerasho
vl. n. act of combing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feerasho
-feerashada: (n) the act of combing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, shanlayn. Dh: feedhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feerasho
a: firasho
de: act of combing
lx: feerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: feerasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hedlasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hedlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemasho
(Heemasha-da)
1. (haad) degid isu diyaarina haya.
2. Wax badan oo meel ama wax kale ku soo kor gowriirsanaya, ku soo shamuumaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemasho
m.f.dh eeg heemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemasho
f. n. agreement, consent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heemad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemasho
de: agreement, consent
lx: heemasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heemasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeesasho
(Jeesasha-da)
Jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesasho
m.f.dh la-mid: jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexasho
m.f.dh eeg jeexo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexasho
(Leexasha-da)
Meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho, uga bayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexasho
m.f.dh la-mid: leexad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexasho
-leexashada: (n) the act of turning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Leexasho
Deviazione
Deviation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u baydhid; meeshii loo socdey ama dhabbihii la hayey doc ama gees uga weecasho. Dh: baydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebasho
m.f.dh eeg reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seerasho
m.f.dh eeg seero. la-mid: seeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seerasho
-da: (magac, dhedig, keli) seer samaysasho; meegaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexasho
(Seexasha-da)
1. Hurdo gudaggelid; gam'id.
2. Jiifsasho.
3. (dab, nal, ...) demid, baqtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexasho
m.f.dh eeg seexo. la-mid: seexad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seexasho
-seexashada: (n) the act of sleeping (isliiping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexasho
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo gudaggelid; gam'id, marka qof ku gam'o. Seexasho ayaa nafta lagu nasiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weecasho
(Weecasha-da)
Leexasho; bayrid; wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecasho
m.f.dh eeg weeco. la-mid: weecad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u leexasho; baydhid; wareegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weehasho
-da: (magac, dhedig, keli) weehad.
weehasho -da: (magac, dhedig, keli) jacayl dartii ku dul wareegasho. Sida weyraxa geelu nirgaha ugu wareegaan kuugu weehanayaaye. Li: nicid, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerasho
m.f.dh eeg weero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerasho
-da: (magac, dhedig, keli) weer madaxa ku qaadasho; astaan geeriyeed xidhasho. Naag ninkeedii dhintay weerasho waa loo oggol yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeebasho
(Xeebasha-da)
Turid; naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeebasho
m.f.dh eeg xeebo. la-mid: xeebad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid; u naxariisasho kalgacal ku jiro. Dh: ceesid, tudhid, naxariisasho.
xeebasho -da: (magac, dhedig, keli) xiise daraaddii isu soo boholyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yiblasho
(Yiblasha-da)
Kolka xooluhu, iyagoo biyo cabbey, caws ay cunaan waayan oo oogadoodu ay tawdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yiblasho
m.f.dh eeg yiblo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yiblasho
-da: (magac, dhedig, keli) wabax noqosho. Jilaalkii ayay yiblashadu xoolaha ugu daran tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) hagaajisasho oo si fiican darayada uga dhabasho. Dh: xaslasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulyeelasho
(Dulyeelasha-da)
Hawsha iyo dhibaha oo dulqaad loo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyeelasho
m.f.dh eeg dulyeelo. la-mid: dulyeelad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulyeelasho
vl. n. having patience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dulyeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulyeelasho
a: dulyeelad (ka) [vn-m]
de: having patience
lx: dulyeelasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dulyeelasho