ereyga

yeegtiis

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yeegtiis

DHAN

m.l (-syo, m.dh) Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeegtiis

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) maalinka soddonka ka siyaadsan ee bisha ku dhammaata kow iyo soddon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelsiis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) oggolaysiis, yeelsiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeegbibiish

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibcood. Dh: banjibiyeeg, biishbiyeeg, yeegbibanji.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

eegis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beegis

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.

2

beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.

3

beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

heegis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Heetis

DHAFANDHAAF
1

(Heetis-ka)

2

Heetin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

heetis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: heetin (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

heetis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg heetin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

seegis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) seegid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelis

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax u dhimid; dhib gaadhsiin. Dh: yeelid.

2

yeelis-ta: (magac, dhedig, keli) wax lays faray ama layska doonayo oggolaansho. Dacwo markhaati loo hayaa yeelis uma baahna. Dh: aqbalid, yeelid.

3

yeelis -ta: (magac, dhedig, keli) kab go'day karid oo dib u hagaajin. Yeelisda kabaha waan aqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yeeris

DHAFANDHAAF
1

1. (Yeeris-ka) a) Casharka, in kol la isu yeeriyo. b) Yeerin.

2

2. (Yeeris-ta) Yeerid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yeeris

DHAFANDHAAF
1

yeeris¹: m.l la-mid: yeerin.

2

yeeris²: m.dh la-mid: yeerid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yeeris

DHAFANDHAAF

m.l Cid wax ay qorto u akhriyidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yeeris

DHAFANDHAAF

vl. n. dictation

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

yeeris

DHAFANDHAAF

-ka: (n) dictation (dik-teey-shin);

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeeris

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) cashir loogu talagalo in ardayda qoraalka lagu baro oo ay korka ka qoraan. Dh: yeedhis.

2

yeeris-ta: (magac, dhedig, keli) u cid kaalay ugu baaqid. U yeerista waxan oo dad ah ma ogayn aabbahay.

3

yeeris-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq cid ku wajahan oo kaalay ah. Yeeristaada ma maqlayne raalli iga ahaw.

4

yeeris -ta: (magac, dhedig, keli) cashir cid u yeedhis oo erey erey ugu sheegid. Yeedhista ayaa qoraalka lagu bartaa. Dh: yeedhid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yeeris

DHAFANDHAAF
1

de: dictation

2

initial: y

3

lx: yeeris

4

pd: (-ka)

5

ps: vn2-m

6

xe: Write down this dictation!

7

xv: Yeeriskan qor!

8

key: yeeris

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

yeeris

DHAFANDHAAF

إملاء

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeriis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadha inta yaryar. Beryahan dhulka ugaadhii baa ku yaraatay xataa yeriistii lama arko. Dh: yeris, yariis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Eedsiis

DHAFANDHAAF
1

(Eedsiis-ka)

2

Xumaan la falay oo mid le'eg lagaga gudo; ka goyn; ka jeebid; ciqaab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

eedsiis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: eedsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

eedsiis

DHAFANDHAAF

vl. n. causing to regret

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

eedsiis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg eedsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

eedsiis

DHAFANDHAAF
1

de: causing to regret

2

lx: eedsiis

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2-m

5

key: eedsiis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

eegniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fiirsashada iyo eegidda wax muuqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

heertis

DHAFANDHAAF

m.l Summad: Hz. Halbeegga Caalamiga ee rakaadka loona qeexo rakaadka fafaalo kaleed oo leh kal hal seken ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

heertis

DHAFANDHAAF

m.l Summad: Hz. Halbeegga Caalamiga ee rakaadka loona qeexo rakaadka fafaalo kaleed oo leh kal hal seken ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeedhis

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) cashir loogu talagalo in ardayda qoraalka lagu baro oo ay korka ka qoraan. Dh: yeeris.

2

yeedhis-ta: (magac, dhedig, keli) ucid kaalay ugu baagid. U yeedhista waxan oo dad ah ma ogayn aabbahay.

3

yeedhis-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq cid ku, wajahan oo kaalay ah. Yeedhistaada ma maqlayne raalli iga ahaw.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yeelsii

DHAFANDHAAF

f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

yeelsii

DHAFANDHAAF

f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin. m.f.dh, yeelsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yeelsii

DHAFANDHAAF

v.caus: convince, persuade to do; compel, force

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelsii

DHAFANDHAAF

(fal) qof, cid ama wax kale, wax aanu doonayn inuu falo xoog ama xeelad ku oggolaysii. Fiinyee oo saca weysha yeelsii. Dh: ogolaysii, marsil. Li: diidsii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yeelsii

DHAFANDHAAF
1

de: convince, persuade to do; compel, force

2

initial: y

3

lx: yeelsii

4

pd: (yeelsiiyey)

5

ps: v2a=caus

6

key: yeelsii

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

beegniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) beegitaanka wax la cabbiro.

2

beegniin -ka: (magac, lab, keli) meel ku beegitaan. Waxaan u malaynayaa ku beegniinka xafladu inay tahay berri.

3

beegniin-ka: (magac, lab, keli) meel ku shiishnaan. Ku beegniinka shiishka toosi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Deeqsiis

DHAFANDHAAF
1

(Deeqsiis-ka)

2

Deeqsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

deeqsiis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: deeqsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

deeqsiis

DHAFANDHAAF

vl. n. act of giving satisfaction

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

deeqsiis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cid wax wada gaadhsiin oo ku fillaysiin. Dh: fillaysiis. deeqsinimo -da: (magac, dhedig, keli) ku fiicanaanshaha wax isa siinta. Li: bakhaylnimo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

deeqsiis

DHAFANDHAAF
1

de: act of giving satisfaction

2

lx: deeqsiis

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2a-m

5

key: deeqsiis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelliin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg yeelitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeelniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) yeelidda lafteeda.

2

yeelniin -ka: (magac, lab, keli) eeg yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Yeelsiin

DHAFANDHAAF
1

(Yeelsiin-ta)

2

(qof) wax uusan dooneyn inuu yeelo ama sameeyo, dirqi kaga samayn; waxaan qof oggolaadeen ama uusan jeclayn oo xoog ama kabbixiwaa loogu dirqiyo, inuu yeelo ama uu sameeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

yeelsiin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg yeelsii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeerniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) yeeridda lafteeda. Yeerniin badanidaa i sug!

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

geedatiris

DHAFANDHAAF

m.dh Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kore.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

geedatiris

DHAFANDHAAF

m.dh Nooc daayeerka ka mid ah, aad u yaryar, leh dhego dhaadheer iyo dabo dheer oo buul badan oo geedaha dushooda kora; kore.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

geedatiris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nafley yar oo cagaha iyo dabada daayeerka uga eg, wajigana dacawda uga eg oo indho waaweyn. Dh: qalami.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]

hepatitis

DHAFANDHAAF
1

(n) inflammation of the liver.

2

beerka buka

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

hepatitis

DHAFANDHAAF

/hepataytis/ (n) cudur beerka ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jeegaxiir

DHAFANDHAAF
1

(Jeegaxiir-ka)

2

Tima jar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF
1

jeegaxiir¹: m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (- rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.

2

jeegaxiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Timaxiirid; timajarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF

m.l 1. Timaxiir; jeego xiiridda. 2. (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah oo aan weli guursan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] haircut

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF

-ka: (n) haircut (heer-kat)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qofka timaha ka gaagaabiya dadka. Dh: rayiisle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jeegaxiir

DHAFANDHAAF
1

de: haircut

2

lx: jeegaxiir

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: jeegaxiir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeegoxiir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hab timaha loo jaro oo badanaa dhalintu u xiirato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeenetiig

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) sayniska hiddabarashada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]

keratitis

DHAFANDHAAF
1

(n) inflammation of the cornea causing poor vision and pain,

2

isha budeeda oo bukoota keentana arag xumo

waa la naqliyay ✓

Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]

Keratitis

DHAFANDHAAF

Wiil Xanuun

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sheegniin

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) sheegidda lafteeda.

2

sheegniin -ka: (magac, lab, keli) sheegitaanka laftiisa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeedhniin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) yeedhidda lafteeda. Yeedhniin badanidaa i sug!

waa la naqliyay ✓