yeegbicaddaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbicaddaan
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. Dh: caddaan-biyeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeeg-bicaddaan
m.l (-nno, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. la-mid: caddaan-biyeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh-bicaddaan
m.l la-mid: caddaan-bidooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heedaddaan
heedaddaan¹: m.l 1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. la-mid: heedaddaamid.
heedaddaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Si wareer ku jiro tartiib ugu socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beercaddaad
m.l 1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. la-mid: beercaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beercaddaad
vl. n., [compound] exhaustion brought about by excessive crying (of a baby)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beercaddaad
-ka: (magac, lab, keli) kalsooni wax lagu qabo. Beercaddaad ayaan Cali hawsha ugu dhiibay. Dh: beercaddi, kalsooni.
beercaddaad -ka: (magac, lab, keli) oohin aan kala joogsi lahayn oo lagu daalo. Ilmaha maxaad beer-caddaadka ugu eegeysiin aamusiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beercaddaad
de: exhaustion brought about by excessive crying (of a baby) Lit: white liver
lx: beercaddaad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: beercaddaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagacaddaan
(Cagacaddaan-ta)
Kabo qabid la'aan; kabo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagacaddaan
m.f.dh eeg cagacad. la-mid: cagacaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagacaddaan
f. n., [abstract] barefootedness, shoelessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagacaddaan
-ta: (adj) barefoot (beer-fuut); with nothing on the feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagacaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo la'aan. Cagacaddaan ayaan ku imid guriga. Dh: cagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagacaddaan
de: barefootedness, shoelessness
lx: cagacaddaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cagacaddaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebocaddays
-ka: (magac, lab, keli) neef abaar ka soo doogay oo intuu naqii cunay dhinacyada dhogor cadi ka soo baxdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbijoohaar
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. Dh: joohaarbiyeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banji-bicaddaan
m.l (-nno, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. la-mid: caddaan-bibiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biish-bicaddaan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: caddaanbibiish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dheelidda ciyaar caruurtu ciyaarto iyagoo gacmaha is haysta ama midmid iska daba wareegaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeeg-bijoohaar
m.l (-rro, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. la-mid: joohaarbiyeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliim-bicaddaan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: caddaan-bisaliim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiish-bicaddaan
m.l la-mid: caddaan-bishiish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogcaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) noole sida xoolaha dhinaca caloolsha isu rogid. Dhereg iyo bogcaddayn bay ku jirtaa lo'dii. Dh: jirjircaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddaan
m.f.dh eeg cadcad. la-mid: cadcaddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab cadaan yeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceebla'aan
m.dh Daacadnimo, aaminnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceebla'aan
m.dh Daacadnimo, aaminnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceebla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan wax ceeb ah lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegsanaan
m.f.dh eeg ceegsan. la-mid: ceegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) miijisnaan; ceejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebsanaan
m.f.dh eeg deebsan. la-mid: deebsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax deeb afka ku leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feercalaan
(Feercalaan-ta)
Labada feerood oo yaryar oo feeraha ugu hooseeya oo heehaaba haya, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feercalaan
m.dh (-nno, m.l) Feeraha midda ugu yar uguna dambaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feercalaan
f. n., [compound] the floating ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feercalaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg feedhcalaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feercalaan
de: the floating ribs (bottom two ribs)
lx: feercalaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: feercalaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebi ahaan
[adverbial] [expression] as a whole, in general, generally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebi'ahaan
-ba: (adv) entirely (in taayer li); wholly (hooli); completely (kem-piliit-li)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebi_ahaan
de: as a whole, in general, generally
lx: gebi ahaan
ps: adv-expr
key: gebi_ahaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegganaan
(Heegganaan-ta)
Heeggan ahaan (ama heeganaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegganaan
m.dh la-mid: heegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heegganaan
f. n., [abstract] state of being on patrol ~ alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegganaan
-ta: (magac, dhedig. keli) diyaar ahaan; heegan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heegganaan
a: heegnaan (ta) [n-f-abs]
de: state of being on patrol ~ alert
lx: heegganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: heegganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meecaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cirib dambeed wanaagsan leh ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebbanaan
m.f.dh eeg reebban. la-mid: reebbanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la reebay ahaan; reebnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugcaddaa
-ga: (n) wise old man, grand old man; experienced man, veteran (vetaraan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugcaddaa
-ga: (magac, lab, keli) qof garaad iyo waaya'aragnimo uu soo maray ay ka dhigeen khabiir laga dambeeyo. Ruugcaddaa siyaasi ah baa beelaha baaq u jeediyey. Dh: ruugmaraar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seeb ahaan
Approximately
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weercalaan
(Weercalaan-ka)
Weerdawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weercalaan
m.l Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weercalaan
m. n. hyena species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weercalaan
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan ay iska dhalaan dacawada iyo weerku oo waaraha ka mid ah. Weercalaan ma weerbaa mise waa dacaw?.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weercalaan
de: hyena sp.
initial: w
lx: weercalaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: weercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhitaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan; u yeeritaan. Nin dhegala' yeedhitaan ma maqlee gacanta qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbidooh
-a: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood kut leh. Dh: doohbiyeeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yimaaddaan
v., pl., , present habitual: they come
yimaaddaan: v., pl., , neg., present habitual: they do not come
yimaaddaan: v., pl., , relative form, present habitual: that they come
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegawaddan
Wax maqli og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegawaddan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegawaddan
adj., [expression] hearing well, having good hearing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegawaddan
de: hearing well, having good hearing
lx: dhegawaddan
ps: adj-expr
key: dhegawaddan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugbadnaan
m.f.dh eeg dhugbadan. la-mid: dhugbadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro dheer iyo dhugasho fiican lahaan. Booliska waxa looga baahan yahay dhugbadnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhcalaan
-ta: (magac, dhedig, keli) feedha ugu yar ee ugu hoosaysa feedhaha. Feedhcalaanta ayaa gabadha jaban. Dh: feercalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddayn
m.f.dh eeg kabacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keni'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) macangag madax adag ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adkaan
m.f.dh eeg keni-adag. la-mid: keni-adayg, keni-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarnaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maageersan oo sida qoobada u wareegsan ahaan. Dh: maageernaan, wareegsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nebi-ammaan
nebi-ammaan¹: m.l (dii.) Sugaan ama qasiido lagu ammaano wanaagga iyo wax qabadka nebi.
nebi-ammaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) (dii.) Suugaan ama qasiido ku tirin wanaagga iyo waxqabadka nebi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nebi-ammaan
nebi-ammaan¹: m.l (dii.) Sugaan ama qasiido lagu ammaano wanaagga iyo wax qabadka nebi.
nebi-ammaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) (dii.) suugaan ama qasiido ku tirin wanaagga iyo waxqabadka nebi. m.f.dh, nebi-ammaanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nebi-ammaan
m. n. chant ~ psalm in praise of the Prophet
nebi-ammaan v. sing hymns in praise of the Prophet
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarnaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) deyr lahaan; hareeraha ka soo oodnaan oo soo wareegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbibanji
-ga: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibcood. Dh: yeegbibiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega'adkaan
(Dhega'adkaan-ta)
Wax dhega'adag ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhega'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad qofku wax uu maqlayo ama farriin iskaga diido oo canaado. Dh: isdhegamarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adkaan
m.f.dh eeg dhega-adag. la-mid: dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeegbisaliim
-ka: (magac, lab, keli) dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. Dh: saliimbiyeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerjilcanaan
m.f.dh eeg beerjilcan. la-mid: beerjilcanaansho, beerjileec (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerjilcanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) beer jilayc oo naxariis badnaan. Hooyo waxan lagu gaadhayn beerjilcanaanta. Dh: beeljilicsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ku ~» ka raalli ahaanta ama ku kalsoonaanta wax la isla og yahay ama lagu heshiiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegawaadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof talooyinka iyo farriimaha si fudud u qaata ama u nugul. Dh: dheganuglaan.