ereyga

yebisbax

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yebisbax

DHAN

-a: (magac, lab, keli) ka soo rayn laga soo reeyo nafaqaxumo iyo macaluul. Kolki caanaha lo'da loo bilaabay ayaa carruurta yebisbax ugu horreysey: Dh: doogasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yebis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) waxyeelo ka dhalata nafaqo yari. Dh: qoonofur, telef

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejibax

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; weji kuudud. Wejibax ayaa ku dhacay gabadhii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

debedbax

DHAFANDHAAF
1

(fal) bannaanka socod ku mar si aad u muujisid cabashadaada; halmar bannaanka u soo dareera. Dh: bannaanbax, muddaharaad.

2

debedbax-a: (magac, lab, keli) marka ay dad fara badani bannaanka isugu soo dareeraan iyagoo ku muujinaya cabashadooda ama taageeradooda. Dh: bannaanbax, dabadbax, muddaharaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wejibbax

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; wajikaduud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Felisbaar

DHAFANDHAAF

Feldspar

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wejigabax

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto. Odayadii wejigabax ayay la soo noqdeen. Dh: yaxyax.

2

wejigabax -a: (magac, lab, keli) hongow meel wax laga rajaynayay lagu hongoobo. xafiiskii wejigabax ayaan kala soo noqday. Dh: hongow.

waa la naqliyay ✓