yaxye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yaxye
name: Yahye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yaxye
bw: Arabic
de: Yahye
initial: y
lx: Yaxye
ps: name-m
key: Yaxye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yaxya
name-m Allah is gracious, he lives. John, the Baptist; prophet in the Holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaxyax
(Yaxyax-a)
Xishood; sheex; xil ka baq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxyax
yaxyax¹: m.l 1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. la-mid: yaxyaxid.
yaxyax²: f.mg1 (-xay, -xday) Qof ceeb weyn dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaxyax
yaxyax¹: m.l Xishood; sheex; xil ka bax.
yaxyax²: f.mg1 (-xay, -xday) Qof ceeb weyn dareemid. m.f.dh, yaxyaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaxyax
m. n., [abstract] shyness, timidness, minor embarrassment
yaxyax: v. be shy, be timid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaxyax
-ay / day: (v) be embarrassed (em-baarasidh); become shy or timid.
yaxyax: -a: (n) shyness (shaay-nes); embarrassment (em-baaras-ment) ~ waji-gabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxyax
(fal) xishood; sheex. Xumaanta nac oo ka yaxyax.
yaxyax-a: (magac, lab, keli) dareen xishood oo qofka gala marka uu shir ka hadlayo ama wax uu qariniyay lagu fahmo. Soddoggii kolkuu ka gar helay yaxyax buu hadli kari waayay: Dh: xishood, sheex.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
axe
/aks/axes, axing, axed; (n) 1. faas ama gudin (bir wax lugu gooyo). e.g. She chopped the tree with an axe. 2. gooyn, ama kala gooyn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
axe
/aks/ (n) misaar (faas).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
axe
axe, n.m - Xariiq; Xariiqin; dhidib
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
axe
n., (crooked one) gudumo or gudimo, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aye
/aay/ (adv) haah (haye) ; waa yahay (u woodid ama aqbalid). e.g. Aye aye captain.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aye
magac loo baxsho wiil la filayo in uu yeesho mustaqbal fiican ama waxa uu samayn doono loo aayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yax
(qurub) dhiillo lagu cabbiro sida looga xumaado wax in la sameeyo ahaa oo markii ay habboonayd la taabi kari waayay. Yax aar haddaan waagaa itaal leehay waan aargoosan lahaa. Dh: ah, way, yah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yay
question word, vl. pron. who ... her?
yay: pron., neg., opt. form: may she / they not ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaye
m.dh la-mid: aayo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaye
f. n. destiny, future
aaye [feminine] n. aunt, uncle's wife; stepmother
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aaye
name-m destiny, future
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaye
-aayaha: (n) fate (feyt); predetermined events ~ see also [eeg] aayatiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aaye
waa magac loo baxsho wiil la filayo in uu yeesho mustaqbal fiican oo waxaa u samayn doono loo aayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaye
-ha: (magac, lab, keli) nolosha danbe oo aan weli la gaadhin. Dh: aayetiin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
axle
/aksal/ (n) birty dheer oo lugha baabuurky laabaasy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haye
Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo (ama hayeh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haye
fk. Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. la-mid: hayeh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haye
fk. Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. la-mid: hayeh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haye
inter. yes, O.K.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haye
(interjection) used to express approval or agreement, yes (yees); OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haye
(falkaabe) marxabba; waan yeelay. Haye habaar ma maro. Dh: hawraarsan. Li: diiday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laye
(xidhiidhiye) waxa la yidhi; kuye. Laye Soomaalidu geela gaal bay odhan jireen. Dh: leye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maye
Maye?
Xaggee jiraan? Meeye?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maye
e.we eeg mee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maye
loc. question word, pl. where are they?
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maye
name-m refuter; rejecter; opposed; he who apposes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maye
ama Mayle: magac loo bixiyo wiil khilaaf ku dhashay ama la filayo in uu noqdo nin adag oo aan wax la marsannin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maye
(magac'uyaal) erey u dhigma aaway, halkee ayuu jiraa. Maye qalinkii iyo buuggii. Dh: aaway. Mee, meeyey.
maye -ha: (magac, lab, keli) roob is daba joog ah oon kala qaad lahayn oon duufaan iyo dabylna wadan. Dh: mayay, miiraale, gudgude.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maye
a: meeye
de: where are they?
lx: maye
ps: qw-loc-pl
key: maye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rayé
rayé, adj. - Xarxariigin leh
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taxe
taxe, n.f. - canshuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waye
-ha: (magac, lab, keli) ixtiraam; xushmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yake
(Yaka-ha)
Qofka goboodfala xaalka la saaro; ganaax; xumayn; xaal; eedsiis; tacsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yake
m.l 1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. la-mid: yeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yake
m.l 1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. la-mid: yeeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yake
m. n. fine, penalty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yake
-ha: (magac, lab, keli) takhsiir lagu xukumo qof amardiiddo sameeya. Dh: eedsiis, ganaax, tacsiir, takhsiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yake
de: fine, penalty
initial: y
lx: yake
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: cisaaro, ganaax, tacsiir ~ taqsiir
key: yake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yare
fk. Xoogaa, in yar. Tusaale: “Wuu yare daalanyahay”. la-mid: yarehe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yare
fk. Xoogaa, in yar. Tusaale: Wuu yare daalanyahay. la-mid: yarehe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yare
[adverbial] [expression] a bit, a little more (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yare
(n) somewhat (sam-wat); a bit. Ex: yare kulul; a bit warm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yare
(falkaabe) xoogaa; in yar. Waan yare seexday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yare
de: a bit, a little more (X)
initial: y
lx: yare
ps: adv-expr
xe: a little slower {N}
xv: yare tartiib
key: yare
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YEYE
Commiphora erythraea 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaye
-da: (magac, dhedig, keli) erey ixtiraam ku dheehanyahay oo hablaha loogu yeedho. Baaye macaaneey bustahaa isii. Dh: walaal, abbaayo, huunno, aaddo, abbaaye, gacalliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar sacab keliya lagu tumo oo ay ciyaaraan xoolodhaqatada gobollada Hiiraan iyo meelo kale oo leh gabayo iyo guubaabo lagu luqeeyo. Qalabka loo qaato ama lagu ciyaaro waxaa ka mid ah: billaawe iyo waran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaye
-ha: (magac, lab, keli) ladnaanta iyo quruxda nolosha. Ina adeerkaa faayana kuuma quudho foolxumana kuuma oggola. Dh: caafimaadqab, faayo. Li: bugtaan, xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaye
(qurub) erey uu ku celceliyo qof qof kale war ka guraya oo u dhigma 'gartaye, gaddana' ama 'sii wad warka'. Dh: haadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaye
(Kaaya-ha)
Meerto; kal; miile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaye
m.l Meerto; kal; miile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaye
m. n. turn, chance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaye
-ha: (magac, lab, keli) meerto; kal; miile. kaayso: (fal) wax meel ku qarso; meel dhigo.
kaaye -ha: (magac, lab, keli) eeg kaayaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaye
de: turn, chance i.e., one's time to go or to do s.t.
lx: kaaye
pd: (/ha)
ps: n-m
key: kaaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax soconaya oo meel joogey ka wadid. m.f.dh, kaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaxee
v. lead, drive, herd, take (people ~ animals) somewhere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaxee
-yey / kaxeysay: (v) drive, lead, convey or transport a vehicle, animal or people ~ wad. Ex: fadlan, baabuurka ii kaxee; please drive the car for me
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaxee
a: kexee
de: lead, drive, herd, take (people ~ animals) somewhere
lx: kaxee
pd: (kaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: kaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxle
(Laxla-ha)
Bahal yar oo shinnida u eg oo qaniinyo kulul; xoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxle
m.l.u (cilmiga naflayda) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxle
m.l.u (cilmiga naflayda) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxle
m. n. wasp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxle
-laxlaha: (n) wasp (waasp); a bee-like insect ~ xoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxle
-ha: (magac, lab, keli) bahal yar oo cayayaanka ka tirsan oo qaniinyo kulul. Waxa uu u eg yahay shinnida. Dh: xoon, xuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxle
cf: xoon
de: wasp
lx: laxle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: laxle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxwe
(Naxwa-ha)
1. Laan cilmiga afka kamid ah oo ku saabsan muuqaalka iyo qaabka iyo dhismada ereyada iyo sida tixaha hadalku u samaysan yihiin.
2. Habka ay u dhisan yihiin, ereyada iyo tixaha af qolo gaar ahi ku hadasho.
3. Hadalka si wanaagsan ugu hadliddiisa iyo u qoriddiisa.
4. Buug xeerarka naxwuhu ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxwe
m.l 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naxwe
m.l 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naxwe
m. n. grammar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naxwe
-naxwaha: (n) grammar (garaamar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxwe
-ha: (magac, lab, keli) laan cilmiga afka ka mid ah oo lagu derso qaabka weedhu u dhisan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naxwe
bw: Arabic
de: grammar
lx: naxwe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: naxwe
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naxwe
قَوَاعِدُ (اللُّغَةَ) نَحْوِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaye
m.l Qiimo; waxtar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaye
m.l Qiimo; waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaye
-ha: (magac, lab, keli) quimo iyo aayo fiican oo uu shay leeyahy. Labadaasi qudhoodu kala qaayo fogaa. Dh: caaqibo, qiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaxwe
(Qaxwa-ha)
Bun (ama qahwe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaxwe
m.l Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. la-mid: qahwe, qaxwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxwe
m. n., (mass n.): coffee (drink)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxwe
-qaxwaha: (n) coffee (koo-fi) ~ kafee, bun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxwe
-ha: (magac, lab, keli) xawso bun ama qashir la kariyay ah. Dh: bun, shaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxwe
a: qaxwo
bw: Arabic
de: coffee (drink)
lx: qaxwe
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: qaxwe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxee
(fal) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxi illaa uu hareeraha ka daadanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaye
qr.dd la-mid: weeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaye
class: he / she / it is ... [verbless declarative]
waaye [feminine] n. age (in the past), previous time
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax hagaajin; samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax hagaajin; samayn. m.f.dh, waxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxee
v. do, make
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxee
(fal) eeg waxay.
waxee: (magac'uyaal) su'aaleed u dhigma maxaad. Waxee ad i waydiisay. Dh: wexee.