yaxaduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxaduud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi inta cidhbaha lagu fadhiisto gadhkana jilbaba la saaro oo darxumo ka muuqato. Yaxaduud xun ayuu u fadhiyaa. Dh: kambadhuud, yoxoob, yuurar, kuudud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxaduud
-ka: (magac, lab, keli) xanuun lafaha ku dhaca oo jajabiya laakiin laga daawoobo. Qaaxaduud ayaa ku dhacay oo laga daweeyey. Dh: tiinbaylafood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaquud
-ka: (magac, lab, keli) dhagax qaali ah oo jaadad badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maxamuud
name: Mohammud
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maxamuud
name-m honorable, praised, praise-worthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maxamuud
de: Mohammud
lx: Maxamuud
ps: name-m
key: Maxamuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxamuudi
(Maxamuudi-da)
(dhar) baftada qaarkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxamuudi
m.dh Nooc ka mid ah dharka la xirto oo midab cad leh; bafto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxamuudi
f. n., [collective] white cotton cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxamuudi
-da: (magac, dhedig, keli) dhar baftada u eg oo aad u cad oo waayadii hore dumarka Soomaalidu ka tolan jireen marada saddex qaydka ee ay xidhan jireen imikana dadka dhinta kafan looga dhigo. Dh: bafto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxamuudi
cf: bafto
de: white cotton cloth
lx: maxamuudi
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: maxamuudi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Daauud
name: David
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Daauud
de: David
lx: Daauud
ps: name-m
key: Daauud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduud
kaduud¹: m.l 1. Laalaabka saanta wejiga. 2. la-mid: kaduudid.
kaduud²: f.g1 (-day, -dday) Saanta wejiga laalaabid. la-mid: kuduud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaduud
kaduud¹: m.l 1. Laalaabka saanta wejiga.
kaduud²: f.g1 (-day, -dday) Saanta wejiga laalaabid. m.f.dh, kaduudid. la-mid: kuduud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaduud
v. crouch, sit in a crouched position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi foolxun oo aan salka dhulka la saarine cagaha lagu joogo jilbahana la laabo. Dh: yoxoob, kuudud.
kaduud -ka: (magac, lab, keli) laalaabka saanta wejiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaduud
de: crouch, sit in a crouched position See also: kuduud
lx: kaduud
pd: (kaduuday)
ps: v1=intr
key: kaduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduuq
-a: (magac, lab, keli) ruux xishood iyo xeerin la'aan ku talaxtegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduur
-ka: (magac, lab, keli) baryo farabadan, tuugsi xad dhaaf ah. Dh: baryo, tuugsi, sadaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaruud
(fal) shey shey kale xoog u dul marmari oo ku jijibi. Dh: xuruud, camcami, jijibi, marmari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuduud
f. n. border, boundary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuduud
-da: (magac, dhedig, keli) xad laba dal ama laba gobol u kala dhexeeya; daari laba meeliid kala xadaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuduud
bw: Arabic
de: border, boundary See also: xad
initial: x
lx: xuduud
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xuduud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaahuu
Yaahuu!
Erey laga horgeeyo wixii wax habaara; 'cuqdaa iyo cawradaa cun'!; 'Islahel!'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaahuu
e.d Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tusaale: “Cuqdaa iyo cawradaa cun!”, “Islahel!”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaahuu
e.d Erey laga horgeeyo qof habaartamay. Tusaale: Cuqdaa iyo cawradaa cun! Islahel!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaahuu
inter. Same to you!; May it happen to you!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahuu
(ereydhawaaq) laga horgeeyo qof habaartamay, cuqdaa iyo cawradaa; isla hel! Yaahuu ku dheh hadduu kula hadlo. Dh: qul! buus!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaahuu
de: Same to you!; May it happen to you! Formula for throwing back a curse or an insult
initial: y
lx: yaahuu
ps: intj
syn: islahel
key: yaahuu
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
yaahuu
و عليك
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxuus
m.l Nin aad u gaboobay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxuus
-ka: (magac, lab, keli) nin aad u gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuxuud
(Yuxuud-ka)
Duqoobey; dhacay; xuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuxuud
m.l.kh Y. ah: qof aad gabow u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuxuud
m. n. old, decrepit (person), worn-out (object)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuxuud
(tilmaame) ma dhergaan cirweyn ah. Yuxuud wax lalama wadaago. Dh: haamaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuxuud
de: old, decrepit (person), worn-out (object)
initial: y
lx: yuxuud
nt: Although z is not an official letter of the Somali alphabet, it has been found in some of our resources on the following few words:
pd: (-ka)
ps: n-m-atr
key: yuxuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadhid
m.f.dh eeg axadh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u calalin. Axadhidda maydhaxda ha ku badin.
axadhid -da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo si aad ah u lafagurida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaruud
(Baaruud-da)
Habaas qarxada oo xabbadda gudaheeda ku jira oo kolkii leebka (qarxiyaha) buntukhu ku dhaco, qaraxda oo gumuca rida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaruud
m.dh (-do, m.l) Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaruud
m.dh (-do, m.l) Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaruud
f. n., (mass n.): gunpowder, pulver
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baaruud
nickname-m gunpowder; pulver. Lit: warmonger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaruud
-da: (n) gunpowder (gan powdhar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baaruud
magac loo baxsho wiil la filayo inuu noqdo dagaalyahan ama mid diirdiirran oo firfircoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaruud
-da: (magac, dhedig, keli) walax qaraxda oo olol bixisa. Waxa loo adeegsadaa oo lagu dhex guraa rasaasta, bambooyinka iyo miinooyinka qarxa. Baarka baarkiisow, baaruudda ololka dheer low, hoy beeryarow 'e' dheh. Haaruudda qaraxdiyo bambaa laygu bilbilaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaruud
bw: Arabic
de: gunpowder, pulver
lx: baaruud
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: baaruud
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daa'uud
name-m beloved; David; Prophet in the holy Qur'an
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduun
-ka: (magac, lab, keli) qax meel dheer loo daaduumo oo loo hayaamo. Dh: dalandool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafduud
(Lafduud-da)
Lafdhabar; xiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafduud
m.dh la-mid: lafdhabar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafduud
m. n. spine, spinal column
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafduud
-ka / da: (n) backbone (baak-boon); spine (ispaayn); spinal column ~ lafdhabar-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafduud
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafdhabar. lafee: (fal) lafo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafduud
a: lafdhabar, lafta duudka
de: spinal column
lx: lafduud
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: lafduud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuud
m.l (-dyo, m.dh) Bir weyn oo libaax-badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuud
(fal) aad ugu farax oo raalli ka noqo. Dahabkan ayuu wiilkaagii kuu keenee maasuud. Dh: mabsuud.
maasuud -ka: (magac, lab, keli) bir weyn oo libaax badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaaquut
(Yaaquut-ka)
Dhagxanta qaaliga ah mid ka mid ah oo almaaska maahee inta kale ugu adag, oo dhawr jaad oo kala midabyo duwan u sii kala baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaaquut
m. n., [collective] ruby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaquut
-ka: (magac, lab, keli) eeg yaaqud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaaquut
de: ruby Alt sp: yaaquud
initial: y
lx: yaaquut
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: yaaquut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayuul
-ka: (magac, lab, keli) oohin uu calaacal iyo yadaadun weheliyo. Yaayuul nin rag ah looga roon.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faraduub
Coercizione
Coercition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraduub
-ka: (magac, lab, keli) faraha oo inta meel la isugu keeno, loo diyaarsho in ay wax ku dhacaan ama iska caabbiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaduub
-ka: (magac, lab, keli) magaca loogu yeedho ugaadha inta geesaha leh.
labaduub -ka: (magac, lab, keli) mardimo geesaha xoolaha iyo ugaadhu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. Dh: labaduub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasuud
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo madmadaw oo xulbadda laale'eg oo dawo ahaan iyaga ama saliid laga miiro loo isticamaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yafanuun
-ka: (magac, lab, keli) xilli aad u adag oo dhibaato iyo rafaad badan. Dh: dhib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaxbadeed
-ka: (magac, lab, keli) qolofleyda badda jaad ka mid ah oo aad u nafaqo badan. Waxa uu eg yahay ayaxa berriga oo kale. Tiro aad u badan ayuu badda dhexdeeda isu raacraacaa. Ayaxbadeed baan caawa ku casheeyay. Dh: qawqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajikaduud
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajicabuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) baryo iyo calaacal joogto ah ku jirid. Odaygani yadaadumid kama waantoobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraacuud
m.l Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barashuud
m.l Dallaayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barashuud
m.l Dallaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barashuud
-ka: (magac, lab, keli) dallad diyaaradaha lagaga boodo iyada oo cirka duulaysa. Bayloodkii barashuud ayuu ku booday. Dh: baarashuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaruud
m.l Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaruud
-da: (n) the fruit of the pear tree; pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaruud
-ka: (magac, lab, keli) midho inta horena u buuran, gadaalna u yaryar oo dhadhan macaan oo jilicsan leh markii la cuno. Dh: canbaruud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaruud
de: pear
lx: cambaruud
pd: (-ka ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: cambaruud
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cambaruud
كُمثرى، إنجاص، إجاص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaruud
(Canbaruud-ka)
Miro la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaruud
-da: (n) pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaruud
-ka: (magac, lab, keli) jaad khudaarta ka mid ah oo cad jilicsan leh, lafna aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbaruud
de: pear
lx: canbaruud
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: canbaruud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carafudud
f.mg4 (-daa, -dayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carafudud
f.mg4 (-daa, -dayd) Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho. m.f.dh, carafududaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carafudud
der. [adjective] short tempered; be easily angered; be irascible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carafudud
-aa / ayd: (adj) hot blood, hot temper, temper on a short rein ~ caradhow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafudud
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan dulqaad lahayn, oo degdeg u cadhooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carafudud
de: short tempered; be easily angered; be irascible
lx: carafudud
pd: (carafududaa)
ps: adj-der
syn: caradhow
key: carafudud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cardaduuq
(fal) jejebi oo baabi'i. Dh: cardaaduq.
cardaduuq-a: (magac, lab, keli) eeg cardaaduq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirgaduud
m.l Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirgaduud
m.l Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhuub
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhaqanka iyo diinta midna qaddarin. Dh: kabacad.