yamyam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yamyam
m.l.kh 1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka Sawaaxiliga oo Ingiriisku ka keenay Bariga Afrika.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yamyam
m.l 1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yamyam
m. n. talkative person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamyam
(tilmaame) wax cunto ama hadal dudubiya ah.
yamyam -ta: (magac, dhedig, keli) dedejinta cuntada ama hadalka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yamyam
de: talkative person
initial: y
lx: yamyam
pd: (-ka)
ps: n-m
key: yamyam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yawyamo
-da: (magac, dhedig, keli) ku sii xeeldheeraanta hadal ama baryootan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yaman
pr. n., loc. Yemen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Yaman
-ta: (n) Yemen; Sana is the capital and Aden the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yaman
de: Yemen
initial: y
lx: Yaman
ps: n0-loc-f
key: Yaman
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yaxya
name-m Allah is gracious, he lives. John, the Baptist; prophet in the Holy Qur'an
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yayab
(fal) isku kakab oo isku dhedheji. Aqalka intaad saani u dhisayso jiingadaha isku yayab. Dh: yabyab, nanab, karkar.
yayab -ka: (magac, lab, keli) isu geygeyn iyo isku nanab la isku nanabo wax kala lusha ama kala yaal oo si ku meelgaadh loo isticmaalayo. Marada yayabka ka daa oo saani u dawaari. Dh: kakab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambam
(ereycodeed) lagu tusmeeyo qaraxyo waaweyn oo isdabajoog ah. Dh: bugbug!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damdam
(ereycodeed) tusmeeya codka durbaanka ciyaaraha iyo heelooyinka. Dhalinyaradii durbaankay tumanayeen xalay damdamtiisii ayaan ka seexan kari waynay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamham
(Hamham-ta)
Codad ama shanqar hugun oo kale ah oo aan si qeexan loo maqla hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamham
m.dh 1 Hadal hoos loo yiri oo aan si fiican loo maqlayn. 2. Hadal aan micno lahayn. la-mid: xamxam.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamham
f. n. indistinct noise, murmur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamham
(ereycodeed) lagutusmeeyo codad ama jabaqda hugun oo kale ah oo aan si qeexan loo maqla hayn.
hamham-ta: (magac, dhedig, keli) hadal si fiican loo maqlayn oo hugun iyo guux ah; codad ama sangadh hugun oo kale ah oo aan si qeexan loo maqli karayn. Dh: guux, shuqshuq.
hamham -ta: (magac, dhedig, keli) hanjabodaayeerayn qofku qaylo iyo sawaxan dadka ku asqeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamham
de: indistinct noise, murmur
lx: hamham
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: hamham
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaam
(fal) eeg qamaan.
qamaam -ka: (magac, lab, keli) yaacidda ay xooluhu meel baahi darteed ay kol qudha ugu wada yaacaan oo ugu jabaan. Lo'da qamaamka ka ilaali. Dh: qamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samsam
(Samsam-ka)
(biyo) ceel Kacbada ku ag yaal; (ama Zamzam).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samsam
m.l Biyo laga helo ceel kacbada ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samsam
m.l Biyo laga helo ceel Kacbada ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Samsam
m. n. holy spring at Mecca
Samsam: pr. n., [feminine] Zamzam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samsam
-ka: (magac, lab, keli) biyo barakaysan co laga dhaansado ceel ku yaalla Kabcada oo xujaajtu soo qaataan oo laga barakaysto, ruux walibana wuxuu helaa wuxuu niyooday marka uu cabbaayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaam
-ka: (magac, lab, keli) shimbir adarka la bah ah midabyo kala jaad jaad ah leh oo aan deegaanka ka fogaan. Dh: qoolley, adar, uur'uurri.
xamaam -ka: (magac, lab, keli) meesha lagu maydho ama sindhada iyo kaadida loo galo. Dh: muqsul, kaniif, suuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamxam
m.dh la-mid: hamham.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamxam
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal hoos loo yidhaa oon macnihiisa cidda maqlaysaayi fahmin. Dh: dhuxdhux, shuqshuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabyab
(fal) wax kala yaalla isku kakab oo iskut dhedheji. Duqda buul u yabyab. Dh: yayab.
yabyab-ka: (magac, lab, keli) wax aan si wanaagsan la iskugu dubba ridin oo si fudud u kala daadan kara. Dh: nabnab, kabkab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagyag
(ereycodeed) tusmeeya jabaqda isla dhicidda ilkaha kolka la dhaxmoonayo. Dhaxanbuu yagyagta la hayaa.
yagyag-ga: (magac, lab, keli) qof samir yar oo in wax laga qaado aan lagu karin. Daas yagyag deyn lagama qaato. Dh: dhegdheg, bartiiyaqaan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yamaan
m.l Qamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamaas
-ka: (magac, lab, keli) jaad geedaha yaryar ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamgax
-a: (magac, lab, keli) geesi dabeecad xunt oo halkiisa ku adag. Yamgax yuuna ku dagaal gelin. Dh: macangag, yamxas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamxas
-ka: (magac, lab, keli) eeg yamgax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaryar
(Yaryar-ka)
1. Dad aan waaweyneyn; dhallaan; carruur.
2. Aan waaweyneyn; dhuudhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaryar
adj., pl. small (ones), bits; children
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaryar
-ka: (n) kids (ki-dhis); children (jiil-dareen) ~ carruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryar
(tilmaame) aan waaweynayn ah. Alaabta yaryar xagga hore dhig. Li: waaweyn.
yaryar-ka: (magacwadareed) inta yaryar een waaweynayn. Yaryarka caanaha u lisa intaanay seexan. Li: waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaryar
de: small (ones), bits; children
initial: y
lx: yaryar
pd: (Sg: yar)
ps: adj-m-pl
key: yaryar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yawyab
(Yawyab-ka)
Baryo foolxun oo qofka la barya hayo laga aammusi waayo oo faraqa lagu dhego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yawyab
yawyab¹: m.l 1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur.
yawyab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yawyab
v. beg persistently, pester
yawyab: vl. n. constant begging, pestering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yawyab
(fal) baryo foolxun cid bari. Ninkii baryada ka xishoon waayoo weligaa yawyab.
yawyab -ka: (magac, lab, keli) baryo foolxun oo qof la baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. Yawyabku waa ceeb. Dh: yaanya'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaxyax
(Yaxyax-a)
Xishood; sheex; xil ka baq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxyax
yaxyax¹: m.l 1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. la-mid: yaxyaxid.
yaxyax²: f.mg1 (-xay, -xday) Qof ceeb weyn dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaxyax
yaxyax¹: m.l Xishood; sheex; xil ka bax.
yaxyax²: f.mg1 (-xay, -xday) Qof ceeb weyn dareemid. m.f.dh, yaxyaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaxyax
m. n., [abstract] shyness, timidness, minor embarrassment
yaxyax: v. be shy, be timid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaxyax
-ay / day: (v) be embarrassed (em-baarasidh); become shy or timid.
yaxyax: -a: (n) shyness (shaay-nes); embarrassment (em-baaras-ment) ~ waji-gabax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxyax
(fal) xishood; sheex. Xumaanta nac oo ka yaxyax.
yaxyax-a: (magac, lab, keli) dareen xishood oo qofka gala marka uu shir ka hadlayo ama wax uu qariniyay lagu fahmo. Soddoggii kolkuu ka gar helay yaxyax buu hadli kari waayay: Dh: xishood, sheex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Zamzam
m. n. holy spring at Mecca
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Zamzam
bw: Arabic
de: holy spring at Mecca
initial: z
lx: Zamzam
pd: (-ka)
ps: n0-m
see: Samsam
key: Zamzam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camcami
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dhulka ku rafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camcami
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley dhulka ku rafin. m.f.dh, camcamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camcami
v. wrestle, pin someone to the ground; immobilize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camcami
(fal) wax, qabo oo dhulka ama meel kale ku ruquus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camcami
de: wrestle, pin s.o. to the ground; immobilize
lx: camcami
pd: (camcamiyey)
ps: v2a=
syn: camajuuji
key: camcami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camcamo
(Camcama-da)
(waqti) in door ah; cabbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camcamo
m.dh 1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar. 3. la-mid: camcamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camcamo
m.dh 1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camcamo
vl. n. wrestling, pinning someone to the ground
camcamo [feminine] n. moment, a while, quite some time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camcamo
-da: (magac, dhedig, keli) in cabbaar ah, in door ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaamo
v. cover up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamaamo
de: cover up
lx: gamaamo
pd: (gamaantay)
ps: v3b=
key: gamaamo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamaama
pr. n., loc. Jamaama [small town in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jamaama
de: Jamaama [small town in south Somalia] In Lower Juba region
lx: Jamaama
ps: n0-loc
key: Jamaama
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMAAME
(Jamame) S Brachiaria mutica (Forsk)Stapf. Gramineae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tam-tam
tam-tam, n.m. - durbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamaamo
(Xamaama-da)
1. Alaab; xamaan; agab.
2. Hub; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaamo
m.dh la-mid: xamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamaamo
f. n., [collective] furniture, equipment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaamo
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir adarka la bah ah oo midabyo kala jaad jaad ah leh oo aan deegaanka ka fogaan. Dh: qoolley, adar, uur'uurri, xamaam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamaamo
de: furniture, equipment
initial: x
lx: xamaamo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xamaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaryami
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo badan hal mar wada wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanyaa
(magac, lab, keli) baryo calaalcal ku jiro oo cid gaar ah ku wajahan. Iska daa yuanya'a oo shagayso. Dh: yadaadun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yabqama
f. n. repetition of speech; parrot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yabqama
cf: baqbaqaa
de: repetition of speech; [fig.] parrot
initial: y
lx: yabqama
pd: (-da)
ps: n7-f
key: yabqama
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacayan
(tilmaame) yacay lagu deyray ah.
yacayan: (tilmaame) awdan. Irriddu way yacayan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryari
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryar oo inta caadiga ah ka yar ahaan. Daafida yaryarideeda ayaa loo yidhaa ninkii dalag waayay daafi buu daadiyaa uu guraa. Dh: yaryaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaryaro
(Yaryara-da)
Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaryaro
m.dh Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaryaro
f. n. grass species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaro
-da: (magac, dhedig, keli) jaad tigaadda xooluhu daaqaan ka mid ah.
yaryaro -da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah shimbiraha yaryar oo cawlcawlan. Hadhuudhkaa yaryarada ka celi. Dh: xurguf, wedkeedcuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaryaro
de: grass sp.
initial: y
lx: yaryaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yaryaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxyaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaxyaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin. m.f.dh, yaxyaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxyaxi
(fal) qof dadka hortiisa kaga xishoodsii. Cali yaxyaxi oo makarfoonka u dhiib oo hadal ku dheh. Dh: shaagi.