yamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yamays
(Yamays-ka)
Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fog yahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yamays
m.l (botani) Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yamays
m. n. deep pond, crevasse filled with water
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YAMAYS
(Yamais) N, C? Heteropogon contortus (L) Roem. & Achult. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamays
-ka: (magac, lab, keli) Dhul weyn oo godan. oo biyo fadhiisin ah. Geelu yamays buu ka soo cabbay. Dh: yanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yamays
de: deep pond, crevasse filled with water Found only in the town of Galkaayo
initial: y
lx: yamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: yamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samays
(Samays-ka)
1. Wax qabashada wax la qabanayo.
2. Meelaha wax lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samays
m.l (-syo, m.dh) 1. Nooc dermooyinka ka mid ah. 2. la-mid: samayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samays
-ka: (magac, lab, keli) eeg samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg yakayn.
yakays -ta: (magac, dhedig, keli) xoog u xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamaas
-ka: (magac, lab, keli) jaad geedaha yaryar ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yarays
m.l la-mid: yarayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambays
-ka: (magac, lab, keli) xagga danbe marid. Dh: danbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax hagaagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax hagaagsasho. m.f.dh, samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samayso
v. do ~ make something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samayso
-samaystay / samaysatay: (v) do for one's own self or for one's own sake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samayso
(fal) waxayso: suubso. Ninkii doonaya in uu nolol suubban samaysto ha dedaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samayso
a: sameyso
de: do ~ make s.t. for oneself
initial: s
lx: samayso
pd: (samaystay)
ps: v3b=tr
key: samayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xammay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysi
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaraysi
m.l eeg yarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yarayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Qof fal samayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yarayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Qof fal samayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho. m.f.dh, yaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yarayso
v. diminish, make small for oneself, minimize; belittle, treat lightly ~ with contempt; take very little of something; consider
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yarayso
(fal) wax yar ka isticmaal; ha badsan. Haddaad kol wada dhammaynayn yarayso.
yarayso: (fal) cid kale yas oo xaqir. Kii iska kaa weyneeya adna yarayso. Dh: yas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yarayso
a: yareyso
de: diminish, make small for oneself, minimize; belittle, treat lightly ~ with contempt; take very little of s.t.; consider s.o. young
initial: y
lx: yarayso
pd: (yaraystay)
ps: v3b=tr
key: yarayso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amas
amas, n.m. - Raso; Wax la isdul saarsaaray,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaas
(fal) tanaad oo aayo iyo intifaac laga dhaxlo, yeelo: cimri dheer jir oo tarankaa iyo taabbagudkaa ha bato. Dh: libaan, taran, hodon. L: hagaas, tiran.
yaas: (ereydhawaaq) eyga loogu dhawaaqo kolka wax lagu dirayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afays
m.l la-mid: afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ajayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amass
/amaas/amasses, amassing, amassed; (v) isku rasayn ama isku ururin. e.g. When she amassed enough money, she decided to open a business.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amass
/amaas/ (v) kuusymow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amayn
m.dh (kiimika) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amayn
m.dh (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamas
(Gamas-ka)
Warmaha jaad kamid ah oo yar; hooto dhego leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamas
m.l (-syo, m.dh) Warmaha yaryar jaad ka mid ah; hooto, dhegley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamas
m. n. small spear
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gamas
nickname-m small spear. Lit: warrior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gamas
magac loo baxsho wiil looga jeedo dagaalyahan oo lagu metaalo waranka lagu dagaallamo jaad ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamas
-ka: (magac, lab, keli) waran yar oo baarrumo leh. Dh: hooto, eebo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamas
de: small spear
lx: gamas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gamas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamas
-ka: (magac, lab, keli) sugiwaaga qof weyni cuntada raagsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamas
(Kamas-ta)
Labada indhood iyo sanqaroorka dhexdooda oo hoos u ceshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamas
m.dh Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kamas
m.dh Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kamas
f. n. low placement of the bridge of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kamas
-ta: (n) snub-nosed face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamas
-ta: (magac, dhedig, keli) saqaroor godan oohoos diisan. Gabadh kamas leh buu Kayd guursaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kamas
de: low placement of the bridge of the nose (considered ugly)
lx: kamas
pd: (-ta)
ps: n1-f / n2a-f
key: kamas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namas
m.dh (-syo, m.l/dh) 1. Ul gaaban oo rabadh ah oo boliisku isticmaalo. 2. la-mid: nabas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
namas
f. n. pocket part of traditional woman's body-cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namas
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiinka korantada.
namas -ta: (magac, dhedig, keli) eeg nabas.
namas -ta: (magac, dhedig, keli) ul ama sergaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
namas
de: pocket part of traditional woman's body-cloth
lx: namas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
see: nabas
key: namas
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ramas
ramas, n.m. - xafash aan qiimo lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samay
(Samay-da)
Samayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samay
m.dh la-mid: samayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samay
f. n. spearshaft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samay
(fal) erey lagu dhaho qof lab oo maradu ka baylahday. Samay ku dheh wiilka. Li: dhiidhiibso.
samay: (fal) erey lagu yidhaahdo awrta marka caynka laga dusin kari waayo hoostiisa; dabadeed awrku inta hingado kor isu qaado banneeyo meel uu maro caynku.
samay: (fal) wax fal. Samay wixii laguu diray. Dh: samee, suubbi, waxay.
samay: (fal) dermo iyo wixii la mid ah, falki.
samay: (fal) xadhig iyo wixii la mid ah, sooh.
samay -da: (magac, dhedig, keli) usha waranka ee u dhexaysa alwaaxa iyo jiffada. Goormaa warankii Sooyaal loo doonay samaydii.
samay-da: (magac, dhedig, keli) aag dhuleed, col duulaa qabsado ama udub beeleed dalriix taabo. Axmed Gurey halkuu samayda dhigay soohdintii qaranka. Dh: xad.
samay-da: (magac, dhedig, keli) baal haldhaa oo leeb, hooto ama fallaadh salka danbe kaga xidhma; gamuun qaanso oo la gano. Dh: dabo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Samay
Sida samayda tusmoreebta, qaanso-waraarida, baanad-dhuunta iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samay
de: spearshaft
initial: s
lx: samay
pd: (-da)
ps: n1-f
see: samayo
key: samay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamas
-ta: (magac, dhedig, keli) dumarka caruurta iyo dadka aan tamar lahayn. Dh: birimageyday, maxas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yacay
(Yacay-ga)
Geedo yaryar, laamo, kd. oo alaabada iyo dhulka dhexdooda la geliyo dhawraarin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacay
yacay¹: m.l Geedo yaryar iyo wixi lamida oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol.
yacay²: f.g1 (-yay, -yday) Guri yacay dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yacay
m. n. dry grass ~ straw used as packing material
yacay: v. pack with dried grass ~ straw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YACAY
(Ya'ai) May, S, C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
May Croton menyhartii Pax. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacay
-ga: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo. Yacay badan gogosha ka hoosaysi Dh: asgogol.
yacay-ga: (magac, lab, keli) dhirta geedwaynta ahi inta ay yaryar tahay. Yacay intuu yaryuhuu yabaalaa. Dh: jidhi.
yacay-ga: (magac, lab, keli) tulud sida aloolka ah oo laamo qoyan laga sameeyo oo dhadhaarrada deyr looga dhigo aqallada dasada ah. Yacay ku dadab docda aqalka. Dh: alool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yahay
v., present habitual: he is
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakay
(fal) cid amardiido samaysay ganaax. Ninkaan qaanuunka bulshada u hogaansamin yakay. Dh: garraax.
yakay: (fal) xidh oo giiji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Yaman
pr. n., loc. Yemen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Yaman
-ta: (n) Yemen; Sana is the capital and Aden the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Yaman
de: Yemen
initial: y
lx: Yaman
ps: n0-loc-f
key: Yaman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaray
(fal) wax kooban oon badnayn ama weyneyn ka dhig. Ii soo yaray biyaha. Dh: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmays
-ka: (magac, lab, keli) eeg asmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacays
-ka: (magac, lab, keli) bac ku ridis. Bacays la'aan alaabta ha soo rarina.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badays
-ka: (magac, lab, keli) ceel weyn oo biyo badan. Dh: birqod. Li: goof, dhadhiin, galle, laas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadays
-ta: (magac, dhedig, keli) miraha aan bislaan wali. Midhuhu shin ma gaadhin wali oo waa cadeys. Dh: qadhaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carays
nickname; name-m taunter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caways
-ka: (magac, lab, keli) fiid tamashlayn oo cawayn.
caways -ka: (magac, lab, keli) habeenkii milayga geela la maalo ee ay caruurtu na seexato. Dh: migil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabays
-ka: (magac, lab, keli) dab u yeelis. Dabays badan weli umaad yeelin birtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakays
-ka: (magac, lab, keli) sariir iyo wax la mid ah, ku dul dakayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danays
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo fiiro gaar ah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumays
m.l la-mid: dumayn.