yacyacoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacyacoodi
(fal) ha bislayne jilci oo saatu kaga gur. Garraaxa ii yacyacoodi oo ii keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacyacoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) inyar karin oo isga oon bislaan ka rogid. Gorowgu yacyacodin subag lagu daray ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yacyacood
(Yacyacood-ka)
(miraha, kd.) aan weli dhab u bislaan; cargo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacyacood
m.l.kh 1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yacyacood
m. n. (adj.): rawness; rare (meat), raw, not ripe (fruit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacyacood
(tilmaame) aad u bislaan oo yara qaydhiin. Hilib yacyacood ah ayaa marti lagu bariiyay. Dh: cargo. Li: bisayl.
yacyacood -ka (magac, lab, keli) xaaladda qaydhiinka iyo bisaylka u dhaxaysa. Hilibka yacyacoodka laguma cuno ee aadbaa loo bisleeyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yacyacood
de: rawness; [atr.] rare (meat), raw, not ripe (fruit)
initial: y
lx: yacyacood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: yacyacood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayacoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) yaayacood ka dhigid. Gorowga dadbaa yaayacoodinta ku jecel. Dh: yaayacoodis. Li: muudhmuudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayacoodis
-ka: (magac, lab, keli) karin aan aad loo bislayn oo la yara jilciyo uun. Gorowgu ma bislaane waa yaayacoodis. Dh: saatu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayacood
(tilmaame) wax aan weli hagaag u bislaan. Garawgu ma bislaane waa yaayacood. Dh: yacyacood, saatu, cargo. Li: muudhmuudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laclacoodi
(fal) (is ~) adiga oo jiifa, marba dhinac isu rog oo ku naso. Laclacoodi nabaddoo, weligaa libtuun hay. Dh: nasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. la-mid: carmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. m.f.dh, hafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshin
(fal) dhuundhuumi hilibka oo aad u bislee. Dh: muudhmuudhi. Li: yacyacoodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laclacoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) jiifid oo marba dhinac isu rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laclacoodis
-ka: (magac, lab, keli) eeg laclacoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
andacood
m.f.l eeg andacoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
andacood
m.f.l eeg andacoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
andacood
-ay / tay: (v) make a claim without proof; allege (aleej)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
andacood
-ka: (magac, lab, keli) garsheegadka iyo ashkatada. Dh: garsheegad, ashkato, garsheegad, dacwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarood
m.f.l eeg dacaroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacarood
m.l eeg dacaroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarood
-ka: (magac, lab, keli) caloolxanuun inta la shubo qofka laga dacarbixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaroodi
(Gaaroodi-ga)
1. Dhul dhir waaweynna leh, bannaanna ah, oo badanaa cag'adayg ah, dixiyina ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaroodi
gaaroodi¹: m.l Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin.
gaaroodi²: f.g2 (-iyay, -isay) Xubin bararan wax kulul ku kubbayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaroodi
f.g2 (-iyay, -isay) Xubin bararan wax kulul ku kubbayn. m.f.dh, gaaroodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaroodi
v. apply heat to draw out a boil ~ wound
gaaroodi m. n., [collective] forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaroodi
-ga: (magac, lab, keli) meel bannaan oo geed geed weyn leh oo ay dixo iyo wixii la mid ah ka baxaan. Waa dhul adag oo dareemo badani ka baxdo oo gahaydh iyo maanyo leh. Dh: afmeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaloodi
-ga: (magac, lab, keli) awr baarqab ah oo weyn. Awr maaloodi ah ayaan ku safray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakoodi
f.g2 (-iyay, -isay) Alaakood sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaakoodi
v. court someone with dance ~ song; flirt with; console
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakoodi
(fal) tiri hees iyo suugaan calaacal ah oo loogu ooyayo qof dhintay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaakoodi
de: court s.o. with dance ~ song; flirt with; console
lx: alaakoodi
pd: (alaakoodiyey)
ps: v2a=
key: alaakoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caracoori
-ga: (magac, lab, keli) xadhko iyo wax la mid ah oo la isku tidco oo la midabeeyo. Waxa qoorta loo sudhaa wanka sumalka ah ee idaha lagu daro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacjacoor
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u camal xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacqori
-ga: (magac, lab, keli) nacnac meel la qabsado leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qal'aboodi
Xaraaradow; roobsugow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qal'aboodi
-ga: (magac, lab, keli) xaraaradow roobsugow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qal-aboodi
m.l Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qal-aboodi
m. n., [compound] prickly heat, itchy skin irritation ~ rash (caused by heat)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqsood
m.l la-mid: yaqyaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaqyaqsood
m.l eeg yaqyaqsoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsood
-ka: (magac, lab, keli) daalalyo iyo nicid xooggan dareemid. Dh: daalalyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarmaroodi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah dacarta oo dhibco iyo barabaro leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaamacoodi
(fal) hilib dabka saar oo dub. Dh: sol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanmaroodi
m. n., [compound] ivory, elephant's tusk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faanmaroodi
-ga: (n) ivory (eeyvari) ~ foolmarood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanmaroodi
de: ivory, elephant's tusk
lx: faanmaroodi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: foolmaroodi
key: faanmaroodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantacoorin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is is qaadqaad iyo istartarcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macdangodis
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqada faqista ceelasha laga soo saaro macdanta. Shirkad ayaa u xilsaaran macdangodista dalka. Dh: macdangodid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-MAROODI
(Da-ar-marodi) S,C Aloe citriana Braud & Carter. Liliaceae.
N Aloe rigens Reynolds & Bally. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaamacoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) solidda iyo dubidda hilibka. Dh: solid, halaamacoodis. halaamacoodis-ka: (magac, lab, keli) eeg halaamacoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacoodi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax iyadoo aan la bisleynayn dab ku dubid. la-mid: halaammacee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaammacoodi
v. grill, roast
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaammacoodi
de: grill, roast
lx: halaammacoodi
pd: (halaammacoodiyey)
ps: v2a=
key: halaammacoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagacmoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada gacmoodba, wax ku wada qabasho ama ku qaadasho: boobis oo labada gacmood ba adeegsi. Dh: labagacmoodis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagacmoodis
-ka: (magac, lab, keli) eeg labagacmoodin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YACAY-MADOOBE
(Ya'ay-madobe) May Triumfetta actinocarpa S. Moore Tiliaceae.
C Abutilon fruticosum Guill. & Perr. Malvaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YACEY-MADOOBE
Houtiion fruticosum 01