yacaynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacaynaan
m.f.dh eeg yacayan. la-mid: yacaynaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacaynaan
-ta: (madac, dhedig, keli) wax yacay leh ahaan. Docdu yacaymaanta ayay ku roon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaynaan
m.f.dh eeg dacayan. la-mid: dacayeysnaan, dacayeysnaansho, dacaynaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacaysnaan
m.f.dh eeg jacaysan. la-mid: jacaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaan
(Caynaan-ka)
Labada suun oo muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xiran, oo faraska lagu duwdumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaan
m. n. reins (on a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaan
-ka: (n) rein (reeyn); reins ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaan
magaca loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo taliye iyo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaan
-ka: (magac, lab, keli) labada xadhig ee muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xidhan oo faraska lagu duduwo. Dh: waftog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynaan
Loox ama bir afar-gees ah oo labo dhaban u ballaaran ee toox le'eg tan miisaanka tamaashada oo toobiyaysa qiyaasidda tamaashada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaan
de: reins (on a horse)
lx: caynaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacayan
(tilmaame) yacay lagu deyray ah.
yacayan: (tilmaame) awdan. Irriddu way yacayan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaanaan
(Macaanaan-ta)
Wax macaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanaan
m.f.dh eeg macaan³. la-mid: macaanaansho, macaani (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanaan
f. n., [abstract] sweetness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanaan
-ta: (n) sweetness (iswiitnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Muus aan bislaan macaanaan ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanaan
a: macaani
de: sweetness
lx: macaanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: macaanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacaynaansho
m.l/dh la-mid: yacaynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacaynaansho
-ha: (madac, dhedig, keli) eeg yacaynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakaysanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la ganaaxay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ibtilo iyo aafo qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysnaan
m.f.dh eeg caraysan. la-mid: caraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan; cadhaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysnaan
m.f.dh eeg danaysan. la-mid: danaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dan qaba ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facweynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka oo in badan soo jiray; mid da' weyn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysnaan
(Galaysnaan-ta)
Wax galaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysnaan
m.f.dh eeg galaysan. la-mid: galaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysnaan
f. n., [abstract] state of having a cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysnaan
de: state of having a cover
lx: galaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysnaan
m.f.dh eeg gasaysan. la-mid: gasaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysnaan
m.f.dh eeg habaysan². la-mid: habaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan fiican u dhignaan. Dh: hannaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanwaynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid wax weyn doonaya ahaan. Dh: himmosarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysnaan
m.f.dh eeg haraysan. la-mid: haraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jactadnaan
(Jactadnaan-ta)
Wax jactadan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jactadnaan
m.f.dh eeg jactadan. la-mid: jactadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jactadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wax la mid ah, isku ur'ururid oo daranyaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysnaan
m.f.dh eeg jahaysan. la-mid: jahaysnaansho, jihaysnaan, jihaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysnaan
(Lafaysnaan-ta)
Qof madaxa ka lafaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysnaan
m.f.dh eeg lafaysan. la-mid: lafaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysnaan
f. n., [abstract] state of having a fractured skull
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa ka lafaysan ahaan.
lafaysnaan-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhuubni darteed lafoobay ahaan. Dh: weydsanaan, caataysnaan. Li: naaxsanaan, buurnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafaysnaan
de: state of having a fractured skull
lx: lafaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: lafaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadaysnaan oo daari lagu garto lahaan. Beeruhu madaysnaan kama maarmaan. Dh: daariyaysnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysnaan
m.f.dh eeg qalaysan. la-mid: qalaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaan
m.f.dh eeg rasaysan. la-mid: rasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sacsacnaan
(Sacsacnaan-ta)
Wax sacsacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacsacnaan
m.f.dh eeg sacsacan². la-mid: sacsacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacsacnaan
f. n., [abstract] senility, state of being senile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacsacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sacsacan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacsacnaan
de: senility, state of being senile
initial: s
lx: sacsacnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sacsacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysnaan
m.dh la-mid: sifaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysnaan
m.f.dh eeg salaysan. la-mid: salaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysnaan
(Samaysnaan-ta)
Wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysnaan
m.f.dh eeg samaysan². la-mid: samaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysnaan
f. n., [abstract] state of being done ~ made
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samaysnaan
-ta: (n) formation (foor-meey-shin); creation (kiri-yeey-shiri)-,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samaysan ahaan; waxaysnaan; suubbisnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysnaan
de: state of being done ~ made
initial: s
lx: samaysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: samaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysnaan
m.f.dh eeg xasaysan. la-mid: xasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoonaan oo wax aan la arkayn ahaan. Dh: khabbaysnaan, qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaacsanaan
m.f.dh eeg yaacsan. la-mid: yaacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaacaya ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaqaannaan
v., pl., , present habitual: they know
yaqaannaan: v., pl., , neg., present habitual: they do not know
yaqaannaan: v., pl., , relative form, present habitual: that they know
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaan
(Canaan-ta)
Hadal kulul oo lagu yiraahdo qof wax ba'shey ama wixii la faray diidey ama isku-laday; xaarxaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaan
m.dh Hadal kulul oo loo jeediyo qof wax ba'shay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaan
f. n. reprimand, scolding, abuse; bad language
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaan
-ta: (n) admonishment (adh-moosh-ment); reproof (ri-puruuf)', reprimand (rep-ra-mend); censure (shen-shar); criticism (kiriti-siizim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANAAN
Rimprovero
Reprimand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canaan
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kulul ula hadlid ama la diririd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaan
de: reprimand, scolding, abuse; bad language
lx: canaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: canaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaanan
pron., neg., opt. form: may I not!, dont let me ..., so long as I don't!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaanan
de: may I not!, don't let me ..., so long as I don't! With negative optative
initial: y
lx: yaanan
ps: pro-neg-opt
xe: Ill go with you so long as I don't go to the boondocks!
xv: Waa ku raacayaa, laakiin yaanan baadiye tegin!
key: yaanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasnaan
(Aasnaan-ta)
Wax la xabaalay ahaan; xabaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnaan
m.f.dh eeg aasan². la-mid: aasnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasnaan
vl. n., [abstract] state of being buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasnaan
-ta: (n) a condition or state of being buried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xabaalnida uu qof ama shey ku qarsoomo god loo diyaariyay ama meel qodan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasnaan
a: aasnaansho
de: state of being buried
lx: aasnaan
pd: (-ta)
ps: vn0-f-abs
key: aasnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynsan
1. La caymiyey.
2. Cayn ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynsan
der. [adjective] saved
caynsan [derived] [adjective] tied with a rope (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynsan
-aa / ayd: (adj) insured (in-shuuridh)', covered with insurance. Ex: baabuur caynsan; insured car
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsan
(tilmaame) rati raran oo bogga cayn kaga giigsan yahay.
caynsan: (tilmaame) wax caymis ku jira.
caynsan: (tilmaame) mid badbaaday oo aan loo cabsi qabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Neef, wax la dacayey ahaansho. la-mid: dacayeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayan
(tilmaame) mid dacayda ama gafuurka ka xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaan
(Kaynaan-ka)
Geeddi meel fog loo guuro; hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaan
kaynaan¹: m.l Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.
kaynaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Geeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaynaan
Escope velocity