yacayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yacayid
(Yacayid-da)
Yacay u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacayid
m.f.dh eeg yacay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacayid
-da: (magac, dhedig, keli) yacay u yeelid; meel furan jufjufid. Li: laandayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayid
(Dacayid-da)
Xarig yar (dacay), xoolaha, afka qalkiisa hoose kaga xirid (in lagu wado); dacayayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayid
m.f.dh eeg dacay³. la-mid: dacayayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayid
-da: (magac, dhedig, keli) dacayda hoose ka xidhid. Laxdu dacayidda ayay ku ilma oggolaataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayid
m.f.dh eeg ay². la-mid: aayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hadda la falay, mar danbe ku manaacfacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yacay
(Yacay-ga)
Geedo yaryar, laamo, kd. oo alaabada iyo dhulka dhexdooda la geliyo dhawraarin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacay
yacay¹: m.l Geedo yaryar iyo wixi lamida oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol.
yacay²: f.g1 (-yay, -yday) Guri yacay dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yacay
m. n. dry grass ~ straw used as packing material
yacay: v. pack with dried grass ~ straw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YACAY
(Ya'ai) May, S, C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
May Croton menyhartii Pax. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacay
-ga: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo. Yacay badan gogosha ka hoosaysi Dh: asgogol.
yacay-ga: (magac, lab, keli) dhirta geedwaynta ahi inta ay yaryar tahay. Yacay intuu yaryuhuu yabaalaa. Dh: jidhi.
yacay-ga: (magac, lab, keli) tulud sida aloolka ah oo laamo qoyan laga sameeyo oo dhadhaarrada deyr looga dhigo aqallada dasada ah. Yacay ku dadab docda aqalka. Dh: alool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caayid
(Caayid-da)
Hadal xun oo la qoonsado (qof, kd.) ku dhihid; aflaggaaddeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayid
m.f.dh la-mid: eeg cay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal xun oo la qoonsado qof ku dhihid. Dh: aflagaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faayid
(Faayid-da)
Cudur iyo bugto qabid la'aan; caafimaad qabid; fayoobaan; ladnaan; roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faayid
m.f.dh eeg faay². la-mid: faay¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faayid
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad iyo ladnaan qabid. Faayid baan Alle kaaga tuugayaa. Dh: fayogabid, roonaan, fayoobaan, fiicni. Li: bukid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayid
(Haayid-da)
Niyo; dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayid
m.dh.u (-dyo, m.l) Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haayid
f. n. intention, aim, objective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayid
-da: (magac, hedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
haayid-da: (magac, dhedig, keli) hammi iyo dareen, doonis xoog badani ku jiraan. Haayidda badan waa lagu horumaraa. Dh: dan, niyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haayid
de: intention, aim, objective
lx: haayid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: dan, niyo
key: haayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayid
(Kaayid-da)
Meel aan laga arki karin gelin; qarin; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayid
m.f.dh eeg kaay², kay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayid
-da: (magac) farsamada shaqo ruux ba xilli gaar u ah qabto, kolba loo dhiibayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayid
(Saayid-ka)
Siyaado la socoto; intuu noqon lahaa ka batay; dheeri; buro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayid
saayid¹: m.l S. ah: wax dheeraad ah. la-mid: saa'id¹.
saayid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax kordhid. la-mid: saa'id².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saayid
m. n. extra, excess load
saayid v. become extra, increase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayid
(tilmaame) si badan oo xad dhaaf ah. Ma sifaynin maasooyinkaan saayidka u helaye. Dh: siyaado. Li: naaqus.
saayid -ka: (magac, lab, keli) inta siyaadada ah. Saayid baan kuu raaciyey sonkorta. Dh: dheeri.
saayid -ka: (magac, lab, keli) siyaado la socoto; dheeri; buro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waayid
(Waayid-da)
1. Wax la raadshey ama la doonay oo aan la helin.
2. (kolka uu fal kale ka dabadhaco) wax la qaban lahaa ama aan la qabteen oo aan karti iyo maaro loo helin (sida: arki waayey; seexan waayey; kari waayey; dili waayey; ...).
3. Gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayid
m.f.dh eeg waa². la-mid: waayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayid
-da: (magac, dhedig, keli) arki waa; ka quusasho. Baadi waayiddeeda welwelkeedaa ka daran.
waayid -da: (magac, dhedig, keli) dhicid oo imtixaab dallacaaddii ka hadhid. Waayidda imtixaanka dadaal la'aan baa keenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaabid
(Yaabid-da)
Abyamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaabid
m.f.dh eeg yaab². la-mid: yaabis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabid
-da: (magac, dhedig, keli) fajacid oo wax laga anfariro arkid. Waalid yaabid hakula yaabine weydi wuxuu ka yaabay: Dh: amakaagid, fajicid.
yaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan oo lala ashqaraaro arkid oo aad uga helid. Dh: abyamid, irkigid, fajacid, amakaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaacid
(Yaacid-da)
Wadajir, iskummar u cararid, u ordid, u firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaacid
m.f.dh eeg yaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacid
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo~> furuuruc iyo wixii la mid ah, ka soo bixbixid. Fingujufka waxa lagu gartaa yaacidda huruuruc biyo leh. Dh: dareerid
yaacid-da: (magac, dhedig, keli) wadajir u cararid, u firxasho. Marka weerar lagu jiro yaacidda waa la isku dilaa. Dh: ordid, caymadid.
yaacid-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale shubmid. Biyo-xidheenku waa meel lagu joojiyo yaacidda biyaha. Dh: quiqulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaarid
m.f.dh eeg yaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaasid
-da: (magac dhedig, keli) dad iyo duunyoba barakoobid; tarmid dhaqaale yeelasho. Yabaalbax ha waayin oo yaasid ku waar. Dh: tannaadid, liibaanid, tarmid, hodmid. Li: hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayayid
m.f.dh eeg mayay². la-mid: mayaayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayayid
-da: (magac, dhedig, keli) roob mayay ah soo kicin. Cirku daruuro waawayn buu leeyhay ma mayayid ayuu damacsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayid
m.f.dh eeg sahay².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yacay_1
de: dry grass ~ straw used as packing material
hm: 1
initial: y
lx: yacay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: yacay_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yacay_2
de: pack with dried grass ~ straw
hm: 2
initial: y
lx: yacay
pd: (yacayey)
ps: v1=
key: yacay_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacayan
(tilmaame) yacay lagu deyray ah.
yacayan: (tilmaame) awdan. Irriddu way yacayan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yayabid
-da: (magac, dheddig, keli) si aan adkayn iskugu geygeyn oo iskugu nanabid. Dh: nanabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacatiyid
m.dh la-mid: tacaddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale ku tacaddiyid ama ku xadgudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacramid
-da: (magac, dhedig, keli) laftu marka ay jabto ee aanay burburin ama kala dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayad
m.dh la-mid: dicaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacaayad
f. n., [collective] propaganda
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacaayad
-da: (n) 1. propaganda (paro-pi-gaan-da). 2. negative characterization about someone ~ dicaayad, borobogaando
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan inta badan run ahayn oo looga jeedo in sumcad lagu dilo ama kor loogu qaado. Dadka dacaayadda ka daa. Dh: dicaayad, borobogaando.
dacaayad-da: (magac, dhedig, keli) xafiiltan iyo kaftan wax la iska sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacaayad
bw: Arabic
de: propaganda
lx: dacaayad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
syn: boroobagando
key: dacaayad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dacaayad
دِعَايَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacfarid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir hanti badani keento ama darajadu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacgabid
(Dacgabid-da)
Itaalgabid; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacgabid
m.f.dh eeg dacgab². la-mid: dacgab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacgabid
vl. n., [compound] inattention, carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabid
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda oo yaraata ilaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabid, axgabid, hawlgabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacgabid
de: inattention, carelessness
lx: dacgabid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: dacgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacwiyid
(Dacwiyid-da)
Dacwad gelid; garramid; ashtakood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwiyid
m.dh eeg dacwi². la-mid: dacwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dacwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayid
-da: (magac, dhedig, keli) raadin ama doondoonid. Daydayid baan ugu jiraa dibigii iga hallaabay. Dh: raacdayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaayil
m.l.w eeg ficil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaayil
m. n., pl. actions, deeds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaayil
-ka: (magac, lab, keli) fal; ficil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facaayil
de: actions, deeds Sg: ficil
lx: facaayil
pd: (-ka)
ps: n8-m-pl
key: facaayil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farcamid
(Farcamid-da)
Dhal badan dhalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farcamid
m.f.dh eeg farcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farcamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhal badan. dhalid. Dh: tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gahayrid
m.f.dh eeg gahayr³. la-mid: gahayroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahayrid
-da: (magac, dhedig, keli) miro aan weli bislaan noqosho; miro ceeriin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacid
m.f.dh eeg jacjac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jactadid
(Jactadid-da)
1. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.
2. (dhar, tolmo) jactad ka dhigid; duuddub u yeelid; canbusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jactadid
m.f.dh eeg jactad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jactadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wax la mid ah, isku ururid oo daranyaysnaan.
jactadid -da: (magac, dhedig, keli) meel in badan fadhiyid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ka kicid marar is dabaroor ah. Dh: kickicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laclacid
m.dh eeg laclac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadid
m.dh la-mid: nacaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaahid
m.dh.w eeg machad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaahid
f. n., pl. institutes, institutions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaahid
bw: Arabic
de: institutes, institutions Sg: machad
lx: macaahid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: macaahid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacid
-da: (magac, dhedig, keli) isku karkarid oo isku nabnabid. Buuggu wuu kala daatay oo macmacid ayuu u baahan yahay. Dh: toltolid. Li: kaladaadin, furfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrid
(Masayrid-da)
Masayr ku dhicid, taabasho.