yabaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Ka y.: cid mingis, rooxaan iyo wixi lamida ka muddeyn (ka tumid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yabaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Ka y.: cid mingis, rooxaan iyo wixi lamida ka muddeyn (ka tumid). m.f.dh, yabarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yabaree
v. exorcise, drive out a devil ~ evil spirit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabaree
(fal) u qof ka cuudi oo wadaaddo ka dawee. Islaanta wadaaddaa hayee u yabaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yabaree
de: exorcise, drive out a devil ~ evil spirit
initial: y
lx: yabaree
pd: (yabareeyey)
ps: v2b=
key: yabaree
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaree
v. reinforce, give strength to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaree
de: reinforce, give strength to
initial: t
lx: tabaree
pd: (tabareeyey)
ps: v2b=tr
key: tabaree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yabarre
nickname-m exorciser; hypnotizer; evil eye healer; gifter; generous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabarayn
m.f.dh eeg yabaree.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YABAREYLE
(Yabareil) C Dirachma somalensis Gillett Geraniaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambaree
v. number, enumerate, put a number on something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambaree
-yey/lambareysay: (v) give or assign a number to; number (nam bar) lambari, nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambaree
(fal) lambar u yeel. Dh: nambaree, lanbaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambaree
a: lambari, nambari
de: number, enumerate, put a number on s.t.
lx: lambaree
pd: (lambareeyey)
ps: v2b=tr
key: lambaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax nabarro gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabarree
v. wound, injure; cover someone with wounds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarree
(fal) cid kale, nabarro gaadhsil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabarree
de: wound, injure; cover s.o. with wounds (e.g., wound many times)
lx: nabarree
pd: (nabarreeyey)
ps: v2b=tr
key: nabarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambaree
(fal) alaab mid walba nambar gaar ahu yeel. Alaabta ii wada nambaree. Dh: lambaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaryaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaryaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid. m.f.dh, yaryarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaryaree
v. chop up into little bits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaryaree
-yey / yaryareysay: (v) cut or chop up into little pieces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaree
(fal) wax yaryar ka dhig; inyar inyar ka dhig. Hilibka yaryaree. Dh: yaryaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaryaree
de: chop up into little bits
initial: y
lx: yaryaree
pd: (yaryareeyey)
ps: v2b=
key: yaryaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaare
(Yaara-ha)
Xilli sanada Soomaalida ka mid ah; wuxuu u dhexeeyaa axalka iyo tixkorka; xays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaare
m.l 1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka Soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaare
m. n. cold part of the shorter dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaare
-ha: (magac, lab, keli) eeg yaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaare
cf: xagaa
de: cold part of the shorter dry season
initial: y
lx: yaare
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
key: yaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabar
m.dh Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yabar
name-m gift; generousity; hypnotize; exorcise
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. la-mid: yareysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. m.f.dh, yarayn. la-mid: yareysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaree
v. reduce, decrease, diminish, make small ~ smaller
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaree
-yey / yareysay: (v) make less; short or little; decrease (dik-riis); lessen (lesen); reduce (rid-yuus); abate (a-beeyt); diminish (dhiminish); subside (sab-saaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaree
(fal) intii uu horay u ahaa in ka nusqaami. Hadalkaaga yaree. Dh: tashil, Li: badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaree
de: reduce, decrease, diminish, make small ~ smaller
initial: y
lx: yaree
pd: (yareeyey)
ps: v2b=tr
key: yaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburee
(fal) afka xunbo ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid. m.f.dh, afarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araree
(fal) eeg araray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabree
v. ambush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabree
(fal) si aan tudhaad lahayn ula dagaalan. Sidii duul amxaaro ah markaad nagu dabreyneysey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabree
de: ambush
lx: dabree
pd: (dabreeyey)
ps: v2b=
key: dabree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid. m.f.dh, haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaree
v. make a scar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaree
(fal) cid kale, haar iyo nabar u yeel. Dh: haaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaree
de: make a scar
lx: haaree
pd: (haareeyey)
ps: v2b=
key: haaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaree
(fal) biyo doon soo galay ka dhur. Jaaree doonta. Dh: dhur.
jaaree: (fal) ka dhig ollog oo isku dhawee. Jaaree reeraha ha is barteene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabare
m.l la-mid: kabaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid. m.f.dh, maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaree
v. organize, direct, guide (through difficulty ~ danger)
maaree v. rust, make rusty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaree
-yey / maareysay: (v) manage (maanij); handle (handhal); supervise (suuparvaayz)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley ul weyn ku garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaree
v. beat, cudgel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaree
-yey / qaareysay: (v) beat with a club or a bat ~ buree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaree
de: beat, cudgel
lx: qaaree
pd: (qaareeyey)
ps: v2b=
key: qaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yabaro
(Yabara-da)
(Wadaaddo; Fiqi-Buraale) waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa saagootiga iyo ruqsada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabaro
m.dh Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yabaro
m.dh Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa 'saagootiga' iyo 'ruqsada' (wadaaddo; fiqibburaale).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yabaro
f. n. exorcism, ritual against spirit- possession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabaro
-da: (magac, dhedig, koli) waxyaalo loo sameeyo qof wadaaddo leh oo waqtigoodu u dhexeeyo 'sagootiga iyo 'ruqsadda. Islaantii waxay tidhi yabaro ii soo iibiya an iska cuudiyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yabaro
de: exorcism, ritual against spirit-possession
initial: y
lx: yabaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yabaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax abaar ah ka dhigid (meel). la-mid: abaaraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaree
(fal) dhul abaar ah oo aan baad iyo biyo mid na lahayn, ka dhig.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cabaret
/kaabari/ (n) bandhig faneed oo baar dhexdiis lugu sameeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cabaret
cabaret, n.m. - Masaf; Shay balaadhan oo alaabta fudud lagu qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararee
f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel asal marin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dabarre
nickname-m hobbled, tethered, tied up, fettered, chained
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dabarre
magaca wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid xoolo badan. Waxa kale ee lagu naanaysaa wiil ilkaha hore dabar cas leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarre
(tilmaame) qofka ilkihiisu leeyahiin dabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f. g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacaree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid. m.f.dh, dacarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacaree
v. make bitter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaree
(fal) wax qaraar oo aan dhuunta mari karin uga dhig, dacar ku dar. Haantii sidii godayska looga wadey bay caanihii dacaraysay. Dh: dacaray, qadhaadhee, xadhaadhee. Li: macaanee, sonkoree, malabee.
dacaree: (fal) cid kale, wax u diid. Uga dacaree inuu goolka dhaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacaree
de: make bitter
lx: dacaree
pd: (dacareeyey)
ps: v2b=
key: dacaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabarey
a: habarey-maanyo
de: mermaid
lx: gabarey
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: gabarey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarey
(fal) gabadh yar gabooji oo habar ka dhig. Dh: habaree, gabooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habarey
a: geelmaanyo
de: dugong, manatee
lx: habarey
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habarey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabanee
-ga: (magac, lab, keli) godka lagu xaaro. Dh: musqul, godxaar, suuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meel nabad ka dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meel nabad ka dhalin. m.f.dh, nabadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadee
v. give peace to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadee
(fal) eeg nabaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadee
de: give peace to
lx: nabadee
pd: (nabadeeyey)
ps: v2b=
key: nabadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabadee
(fal) sibidh ku shub; sibidh ku samee Godka afkiisa sabadee. Dh: sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaree
(fal) tamar iyo awood u yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaree
(fal) waxyaabo badan isku geegee oo shay keliya ka dhig. Reerka wadaree. Li: keliyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabaray
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo loo sameeyo dadka wadaaddada leh ama quruumaha. Yabaray ayaa loo sameeyey Jaamac. Dh: cuudis.
yabaray: (fal) ka qof wadaaddo leh ka cuudi. Islaanta u yabaray qof.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yabarow
name-m gifter; exorcizer; evil eye healer; generous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid. m.f.dh, barbarrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarree
(fal) kolba dhinac mari.
barbarree: (fal) qof kale, natiijo la mid ah keen. Dh: gurmad-dhac, barbardhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.