yaayaqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayaqsi
-ga: (magac, lab, keli) yalaalugu iyo nacayb la dareemo kolka la arko wax naftu karahdo. Barambaro bururtay yaayaqsi baan ka qaadaa. Dh: yalaalugo, yaqyaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaqyaqsi
(Yaqyaqsi-ga)
Dhadhan ama ur sillan oo cunno xumaatay ama wax kale laga qaado oo mantag lagu sigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqsi
m.l la-mid: yaqyaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaqyaqsi
m.l eeg yaqyaqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaqyaqsi
m. n. nausea; disgust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaqyaqsi
-ga: (n) nausea (noosiya); disgust (dis-gast); nauseating ~ liidaanyo, lallabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsi
-ga: (magac, lab, keli) daalalyo iyo nicid xooggan oo la dareemo kolka wax niyaddu nacayso la arko. Uskagga badan yaqyaqsi baa laga qaadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaqyaqsi
cf: lallabo, laqanyo
de: nausea; disgust
initial: y
lx: yaqyaqsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: yaqyaqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaqyaqsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin. m.f.dh, yaqyaqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsii
(fal) cid ka daalalyaysii oo wax uu ka yaqyaqsoodo samee. Ninka baryoodka cuna ka yaqyaqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl, ruux ba maalin qabasho; xoolo, nin ba maalin jirid. Dh: kaltan, kal, kaaye, kaalmaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof yaqyaqsi dareemid. la-mid: yaqyaqsoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaqyaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof yaqyaqsi dareemid. m.f.dh, yaqyaqsasho. la-mid: yaqyaqsoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaqyaqso
-yaqyaqsaday / yaqyaqsatay: (v) feel nausea; nauseate (noo-si-yeeyt) ~ lallabood, laqanyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqso
(fal) yalaalugo ha ku qabato; niyadda ka nac oo sidii qof hunqaacaya noqo. Dh: yalaalugoo. daalalyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqsiin
m.f.dh eeg yaqyaqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka daalalyaysiin oo wax uu ku yaqyaqsoodo ku samayn. Damiir laawe yaqyaqsiin kama bago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaqsi
-ga: (magac, lab, keli) biyo ku batalaqsi, biyo xoog lug ugu dhufasho si ay u duulduulaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryaysi
m.l la-mid: caaryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caaryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanaqsi
-ga: (magac, lab, keli) calyo soo ceshad oo dib u raamsad. Dh: calanaqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cananaqsi
m. n., (mass n.): cud (chewed food)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cananaqsi
-ga: (n) food regurgitated, especially by animals; cud (kaad) ~ calannaqsi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cananaqsi
a: calannaqsi
de: cud (chewed food)
lx: cananaqsi
pd: (-ga)
ps: n2-m-mass
key: cananaqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqyaqsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: yaqyaqso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaqyaqsoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: yaqyaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsoo
(fal) eeg yaqyaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayari
(fal) miyiri oo si tartiib ah u qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqsi
(Baaqsi-ga)
(xoolo) Aan waqtigii uu rimi lahaa, rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsi
m.l la-mid: baaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqsi
m. n., [collective] livestock that does not conceive at the expected time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsi
-ga: (magac, lab, keli) ka baaqsi - wax la qaban lahaa ama meel iyo madal ka maqnaansho.
baaqsi -ga: (magac, lab, keli) neef xilligii uu rimi lahaa tebiyay oo aan rimin. Dh: tebis. Li: rimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqsi
de: livestock that does not conceive at the expected time
lx: baaqsi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: baaqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsi
-ga: (magac, lab, keli) soofsiga xoolaha iyo cosobsigooda. Daaqsi buu ku fogaaday geelii maanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayaq
m.l (-qiin, m.dh) Nin qalinka, dahabka iyo wixi lamida ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayaq
-a: (magac, lab, keli) nin qalinka, dahabka iyo wixii la mid ah, ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabsi
-ga: (magac, lab, keli) (ka ~) ka yaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahsi
-ga: (magac, lab, keli) yaahsasho; yaahsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasi
m.l la-mid: asaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasaasi
m. n. (adj.): basis, basics; basic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasaasi
-ga: (n) 1. essential (i-sen-shel); fundamental (fan-dha-men-tai). 2. inherence or indispensable ~ lama huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasi
-ga: (magac, lab, keli) waxa mahuraankal ah ee wax kale aan looga maarmayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasaasi
de: basis, basics; [atr.] basic
lx: aasaasi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: aasaasi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aasaasi
أَسَاسِيَ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsi
m.l la-mid: balaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dareere carrabka ku dhuuq: carrabka wax ku balaqsasho. Dh: dhabaqsi.
balaqsi -ga: (magac, lab, keli) si laalaadsi ah oo aan miisaannayn, wax u qaadis. Buur igala culus neefkaad balaqsanaysaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayays
-ka: (magac, lab, keli) eeg maanyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaqsi
-ga: (magac, lab, keli) xoogsi aan loo aabbayeelin. Danyer dafaqsi bay ku nooshay. Dh: tafoxaydad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan hilib lahayn oo wayd ah. Xayaysi la lama borotomo. Dh: caato, xiidxiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalamsi
-ga: (magac, lab, keli) cunto si isdaba joog ah oon laga dhergeyn u cunid. Yalamsi badanaa ma bisad hilib loo dhigaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysi
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaraysi
m.l eeg yarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryari
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryar oo inta caadiga ah ka yar ahaan. Daafida yaryarideeda ayaa loo yidhaa ninkii dalag waayay daafi buu daadiyaa uu guraa. Dh: yaryaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxyaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaxyaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin. m.f.dh, yaxyaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxyaxi
(fal) qof dadka hortiisa kaga xishoodsii. Cali yaxyaxi oo makarfoonka u dhiib oo hadal ku dheh. Dh: shaagi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysi
m.l la-mid: baryaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysi
-ga: (magac, lab, keli) sadaqaysi wax la tuugsado. Dadku baryaysiga way kugu nacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysi
m.l la-mid: caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysi
vl. n. habit, custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysi
-ga: (n) getting used to; accustoming [oneself to] ~ u barasho. Ex: caadaysiga hawada qabawga ah; getting used to the cold weather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caadaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysi
de: habit, custom
lx: caadaysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: caadaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayacni
-da: (magac, dhedig, keli) wax baylahsan. Daayacni kumay lumine wax kale ayaa helay lacagtii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhabaqsiga dareere carrabka lagu dhabaqsado. Dhabaqsiga bisadaha iyo libaaxaa wax ku cabba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqsi
m.l la-mid: dharaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalsi
m.l la-mid: dhayalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhayalsi
-ga: (magac, lab, keli) fudaydsi ama yaraysi ama isku hawlid la'aan. Dh: fudaydsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl iska nanasin. Gaadhka ciidanku waa gaafaysi. Dh: wareegto, jilaysi, moogtan, meerto, kaayaysi, kaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garnaqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garnaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayayso
(fal) meertayso; miilayso.
kaayayso: (fal) qofba maalin hawl ha qabto; qofba maalin ha jiro xoolaha. Lo'da aroorkeeda aynu ku kaayaysanno. Dh: kaltan, kaalmaysiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayeysi
(Kaayeysi-ga)
Kaltan; miilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayeysi
m.l la-mid: kaayeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaayeysi
vl. n. turn, chance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaayeysi
de: turn, chance
lx: kaayeysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: kaayeysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqsi
-ga: (magac, lab, keli) si basarxumo ah wax u cunid; calashi mashaqmashaq ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsi
m.l la-mid: raaracsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysi
(Raaxaysi-ga)
Raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysi
m.l la-mid: raaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqsi
-ga: (magac, lab, keli) marka qof kaa fog aad dhawaaq dheer ugu yeedhayso. Dh: wicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xaajaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) guursi oo islaan iyo carruur yeelad. Dh: xaasaysad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Yaraaysi
Minimizzare
Belittle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) beerlaxawsiga gabadh la walaalaysanayo. Dh: aaddaysi, walaalaysi, huunnaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calannaqsi
(Calannaqsi-ga)
(xoolaha badankood) cunnada oo kol labaad caloosha hore ka timaadda oo afka ku soo noqota, halkasoo kol labaad si wanaagsan loogu calaliyo oo dabadeed liqid labaad la liqo oo caloosha shishe loo gudbiyo.