yaanyuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaanyuuro
(Yaanyuura-da)
Mukulaal, dummad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaanyuuro
f. n. cats
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaanyuuro
de: cat
initial: y
lx: yaanyuuro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yaanyuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaanyuur
m.dh (-ro, m.l) Mukulaal, dummad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaanyuur
m.dh (-ro, m.l) Mukulaal, dummad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaanyuur
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaanyuur
-ta: (n) cat (kaat); kitten (ki-ten); pussycat (puusi-kaat) ~ mukulaal, bisad, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanyuur
-ta: (magac, dhedig. keli) xawayaan dabjoog ah oo jirka cunta. Dh: bisad, dumad dinnad, basho, yaanyuuro, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaanyuur
de: cat
initial: y
lx: yaanyuur
pd: (/ta)
ps: n2-f
syn: bisad, dummad, mukulaal {C & S}
key: yaanyuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanyuure
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yaanyuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnad
(Dinnad-da)
Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dummad
(Dummad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo fudfudud oo hilibka cunta; siiba jiirka iyo shinbiraha aad u laysa oo dadka la dhaqanta; dinnad; mukulaal; yaanyuuro; bisad; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mukulaal
(Mukulaa-sha)
Dummad; yaanyuuro; dinnad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basho
m.dh (-ooyin, m.l) Mukulaal; dummad; yaanyuuro.

bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.

dinnad
m.dh (-do, m.l) Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mukulaal
m.dh (-lo, m.l) Bisad; basho; dummad, yaanyuuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basho
m.dh (-ooyin, m.l) Mukulaal; dummad; yaanyuuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mukulaal
m.dh (-lo, m.l) Bisad; basho; dummad, yaanyuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisad
bw: Arabic
de: cat
lx: bisad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dummad, mukulaal, yaanyuuro
key: bisad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dummad
bw: Arabic
de: cat
lx: dummad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bisad, mukulaal, yaanyuuro
key: dummad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mukulaal
de: cat
lx: mukulaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
syn: bisad, dinnad ~ dummad, yaanyuuro
key: mukulaal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaanguuro
-kaanguurada: (n) kangaroo (kaan-garuu) -kangaruu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaanyo
(Yaanya-da)
Miro guduudan ama cillaanxigeen ah oo la cuno iyagoo ceeriin ama bisil; Inta badan iidaankaa lagu daraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaanyo
m.dh.u (botani) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaanyo
m.dh.u (botani) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Yaanyo
Tomato
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaanyo
f. n. tomato
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
YAANYO
(Yanyo) All Som. Lycopersicun esculentum Mill. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaanyo
-yaanyada: (n) tomato (ta-meey-tow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanyo
-da: (magac dhedig, keli) tamaandhada gasaaca laga sameeyo. Kiloo yaanyo ah iga gad. Dh: tamaandhaxabuub
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaanyo
de: tomato {C & S}
initial: y
lx: yaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayuul
-ka: (magac, lab, keli) oohin uu calaacal iyo yadaadun weheliyo. Yaayuul nin rag ah looga roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanguur
m.dh Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanguur
-ta: (magac, lab, keli) shinbir yar oo leh midabyo, kooxkooxna u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faacuuro
-da: (magac, dhedig, keli) santaag iyo. kibir doqonimmo ah. Dh: kibrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaacuuro
-da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah oo luqun gaaban oo xagga dambe u daacsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuur
(fal) si foolxun wax dareere ah u haanfuuq.
haanfuur-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguur
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax dabar go'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanguur
(fal) ka dabargo' meel sal iyo asal u ahaa oo faaruqi.
jaanguur: (fal) xigmadgaloofow oo murti iyo xusbad beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanguuro
° Nafley (caanaley) kamid ah kuwa uurka ku leh kolay ay dhashooda yaryar ku qaataan, oo ku nool Austraalya iyo Tasmaanya. Waxay leedahay: madax yar, oogo qaarka danbe u weyn oo u xoog badan, jeenyo gaaggaaban oo tabar yar, lugo waaweyn oo booddada loo sameeyey iyo dabo dheer oo xoog badan. Waxay boodi kartaa sagaal mitir oo dherer ah, iyo saddex kor ah; (ama kanguur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanguuro
m.dh.u (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kanguuro
m.dh.u (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanguuro
f. n., [collective] kangaroo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanguuro
-kanguurada: (n) kangaroo (kaan garuu) ~kaangaruu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanguuro
-da: (magac, dhedig, keli) noole naasleyda ka mid ah oo qandi ama kolay ku leh caloosha oo dhasheeda ku xambaarto oo ku dhaqan carriga Ustaraaliya oo keliya, laba addin ee hore ayaa gaagaaban. Wa: kanguurooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanguuro
de: kangaroo {Eng / It}
lx: kanguuro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kanguuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanguur
-ka: (magac, lab, keli) madax xanuun dawakhaad wata oo qofka uu hayaa uu moodo in dhulku la wareegayo. Dh: maskaxguur, wareer, dookhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyaro
m.dh la-mid: maanyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanfuur
-ka: (magac, lab, keli) finan xanuun badan oo jirka ka soo baxa dadka xagaagii dhulka xeebaha kulul ah. Saanfuur baa wejiga Faadumo ka soo baxay Dh: dhullux, kasoobbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabar goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanguuri
(fal) wax dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarro
m.dh la-mid: ayaandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaandarro
f. n. bad luck, misfortune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaandarro
-ayaandarrada: (n) misfortune (misfoorjin); bad fortune or ill luck ~ nasiibdarro. —Syn: adversity, mishap, mischance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarro
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaandarro
de: bad luck, misfortune
lx: ayaandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nasiibxumo, saancaddo
key: ayaandarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurin
m.f.dh eeg jaanguuri. la-mid: jaanguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuris
m.l la-mid: jaanguurin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba tuuro
Biconvex
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanadguuro
-sanadguurada: (n) anniversary (ana-veer-sari); birthday (beerth-dheey) ~ sanoguuro, sanagguuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanagguuro
(Sanagguura-da)
Maalin weyn oo aan la illaawi karin oo sanadiiba kol la xuso, (ama sannadguuro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanagguuro
m.dh la-mid: sannadguuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanagguuro
f. n., [compound] anniversary, feast-day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanagguuro
-ha: (magac, lab, keli) sannadguuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanagguuro
a: sannadguuro
de: anniversary, feast-day
initial: s
lx: sanagguuro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: sanagguuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yalanyalxo
(Yalanyalxa-da)
Layr qabow oo kolka roobku kaco la helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yalanyalxo
m.dh (-ooyin, m.l) Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. la-mid: yalalaxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yalanyalxo
f. n. cool breeze ~ weather following rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalanyalxo
-da: (magac, dhedig, keli) neecaw qabaw oo roobku kolka uu qaado soo dhacda. Yalanyalo macaanbuu roobku reebaa. Dh: laydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yalanyalxo
cf: layr
de: cool breeze ~ weather following rain
initial: y
lx: yalanyalxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yalanyalxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamaanyuug
-ga (magac, lab, keli) wax aad u tiro badan oo aan cidina garanayn. Yuug yamaanyuug baa dhulkii qabsaday. Dh: yamaayuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajuuro
m.dh la-mid: ijaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajuuro
f. n. rent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ajuuro
-ajuurada: (n) fee (fii); a charge for services or rent ~ ijaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajuuro
-da: (magac, dhedig, keli) abaalmarinta la siiyo qof wax kuu qabtay. Ajuuro iska bixi, ilmaha aan wax kuu baree. Dh: fijo, mushqaayad.
ajuuro-da: (magac, dhedig, keli) khidmad la siiyo culimada Diinta oo uu bixiyo qofka ay wax u akhriyaan ama cashar u dhigaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajuuro
de: rent
lx: ajuuro
pd: (/da)
ps: n6-f
see: ijaar
key: ajuuro
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAANYO
(Bagno) May, S Bleparispermum fruticosum Klatt. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayuur
(Bayuur-ta)
Ceebaal weyn; ceeb; jiciir; jac; maqdiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuur
m.dh Ceeb aad u weyn; jiciir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayuur
f. n. disgrace, big scandal, something shameful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuur
-ta: (magac, dhedig, keli) ceeb weyn; wax ceebaal ah oo aad loola yaabo. Dh: foolxumo, jac, jiciir, sharafdarro, fadeexad, maqdiir. Wa: bayuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayuur
cf: ceeb ~ ceebaal, jac, jiciir
de: disgrace, big scandal, s.t. shameful
lx: bayuur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: bayuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyo
-da: (tilmaame) naag aan wanaagga iyo xumaanta kala aqoon oo doqon ah.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) farsamaxumi aan wax si fiica loo qaban.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) eeg caanyeys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyo
f. n. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haanyo
-haanyada: (n) hug (haag); embrace (embareey) ~ habsiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyo
de: hug, embrace
lx: haanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanyo
(Maanya-da)
1. Heesaha ugaarta.
2. Bad.
3. Geed xoolaha qaarkood daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyo
maanyo¹: m.l Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.
maanyo²: m.dh 1. Bad. 2. Hees ay dabatadu ugaarta ku sasabato. 3. Nooc dhirta ka mid ah oo ay xawayaanku nafaqo ka helaan marka ay cunaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maanyo
m.dh 1. Bad. 2. Hees ay dabatadu ugaarta ku sasabato. 3. Nooc dhirta ka mid ah oo ay xawayaanku nafaqo ka helaan marka ay cunaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanyo
n. song relating to hunting ~ fishing
maanyo [feminine] n. sea
maanyo [feminine] n., [collective] plant species, used for grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanyo
-maanyada: (n) sea (sii); ocean (ow shan) ~ bad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyo
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal guud oo cufan oo cabsi leh oo laga dareemo daruuraha iyo mawjadaha badda oo meel fog ka muuqda. Habeenka ay soo onkoddo maanyo madaw mayay baa laga baqaa. Dh: mawjad, rayo.
maanyo -da: (magac, dhedig, keli) magac ay Soomaalidu badda u taqaan. Biyo maanyo sixirka iyo ishaba waa u daawo. Dh: bad.
maanyo-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurta lagu ciyaarsiiyo oo inta jirjirka loo jiifsado ilmaha la ciyaarsiinayo lagu fadhiisiyo faraha lugah dushooda oo kol kor loo qaado kolla hoos loo dhaadhiciyo isaga oo loo heesayo. Dh: bidhibidhi, bidhinbidhi.
maanyo-da: (magac, dhedig, keli) geed ay xooluhu daagaan. Maanyo ayuu xoolihiisii u soo guray.
maanyo -da: (magac, dhedig, keli) sakaarada dhedig. Maanyo orod laguma gaadho. Dh: yac. Li: atoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayuur
-ka: (magac, lab, keli) meel iska taagnaan aan dhan na loo dhaqaaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyo
f.g3 (-yaday, -yatay) Hanti saami ku qaybsasho. la-mid: saanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyo
v. share, take a share of livestock ~ wealth