yaahsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa magan baafin oo kol cid weydiisasho. Baadidaan yaahsadkeeda bil wadaan jaarka ka helay. Dh: yaahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsad
m.l la-mid: daahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yaahsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsad
m.l la-mid: karahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsad
-ka: (magac, lab, keli) wax naftu aysan jeclaysan oo nacdo. Dh: necbaysi, kahasho, qoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watahsad
m.l la-mid: watahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaraysad
(Yaraysad-ka)
Waxyar ka dhigad; waxyar ahaan u qaadad; saluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysad
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaraysad
vl. n. act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysad
-ka: (magac, lab, keli) badsi la'aan; wax yar ka isticmaalid. Cuntadu yaraysadkay ku macaantahay. Dh: yaraysasho. Li: badsad.
yaraysad -ka: (magac, lab, keli) tix galin la'aan; quudhsi. Yasid iyo yaraysad midna ma bannaana. Dh: quudhsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaraysad
a: yaraysasho
de: act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of s.t.
initial: y
lx: yaraysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: yaraysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasad
-ka: (magac, lab, keli) xabaal u qodashada qof dhintay iyo duugistiisa. Aasadka meydka waa in ay xaafad walba ka tashato. Dh: aasasho, duugasho, xabaalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» goosashada aano hore loo geystay. Ka aarsadka ninkii shirkadda qiyaamay waa in xeerka loo maro. Dh: aargoosad, aargoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahad
-ka: (magac, lab, keli) daah ku xirasho, ilaxidh u samaysasho. Daahad maro lagama dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daasad
(Daasad-da)
Weel yar oo cunnada la keydina hayo la gesho oo lagu xiro; birow; qasac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daasad
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iyo wixi lamida ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daasad
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iyo wixi lamida ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daasad
f. n. can, tin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daasad
-da: (n) can (kaan); canister (kaanis-ter); tin-coated can ~ koombo. koonbo, qasac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daasad
Scatola
Tin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar oo bir ah oo cunnada la kaydinaayo lagu qasaacadeeyo. Daasad saliid ah ayaan soo libiyey. Dh: qasacad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daasad
bw: birow
de: can, tin
lx: daasad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: qasac
key: daasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahsad
m.l la-mid: kahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad ku qanci weydo, jeclaysad la'aantiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasad
m.l la-mid: laysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasad
-ka: (magac, lab, keli) cunno ama cabitaan. wada madhsad; wax la cunayo, idlaysad. Dh: fuuqsi, laasasho, heemin, dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasad
-da: (magac, dhedig, keli) goob wax lagu barto oo ay arday isugu timaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahsad
m.l la-mid: wahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahsad
-ka: (magac, lab, keli) wahsi iyo caajis ku jirid. Wahsadka badani waa xaniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahsi
-ga: (magac, lab, keli) yaahsasho; yaahsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaahso
(fal) baadi kaa maqan raadso oo kolba cid weydiiso. Yaahso hashaada. Dh: baafiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaanad
pron., neg., opt. form: may you not!, so long as you don't!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaanad
de: may you not!, so long as you don't! With negative optative
initial: y
lx: yaanad
ps: pro-neg-opt
xe: You stay at home, but I hope you dont light a fire!
xv: Guriga joog, dabse yaanad shidin!
key: yaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaasid
-da: (magac dhedig, keli) dad iyo duunyoba barakoobid; tarmid dhaqaale yeelasho. Yabaalbax ha waayin oo yaasid ku waar. Dh: tannaadid, liibaanid, tarmid, hodmid. Li: hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsad
m.l la-mid: baabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ay leedahay cid kali iska calaamadsasho. Baabsadka neef aad lahayni waa damac qaldan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsad
m.l la-mid: baacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsad
-ka: (magac, lab, keli) ku dabadhicid iyo eryasho. Ciidan guulaystay ayaa baacsad sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahsan
bąahsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la baahiyay ahaansho (war).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baahsan
bąahsan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la baahiyay ahaansho (war). m.f.dh, bąahsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsan
(tilmaame) aad u baahay oo faafay; dhul badan gaadhay. Dh: fidsan, firidhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansad
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansad
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsad
m.l la-mid: baaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsad
-ka: (magac, lab, keli) ka baaqsad - ka maqnaansho. Talo aan kaa maarmayn ka baaqsadkeedu ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho. m.f.dh, daahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahsan
der. [adjective] late, not on time, tardy
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daahsan
name-flate, not on time, tardy. Lit: she who was born over-due
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahsan
-aa / ayd: (adj) late (Zeeyt); delayed (di-leeyidh) unpunctual; overdue (over-dhuu); behind schedule; not on time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daahsan
magac loo baxsho gabadh uurka ku raagtay oo aan shinkeedii dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahsan
(tilmaame) wax xilligii la sugayay aan joogin oo dib uga dhacsan.
daahsan: (tilmaame) hallawsan oo wax daahay ah. Geel daahsan ayaa na waydaartay: Dh: hallawsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahsan
de: late, not on time, tardy
lx: daahsan
pd: (daahsanaa)
ps: adj-der
key: daahsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsad
(Daaqsad-ka)
Xoolo caws ama geedo ay cunaan siisad ama kob ay ka cunaan geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsad
m.l la-mid: daaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsad
vl. n. grazing, feeding livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo foofin oo geyn meel ay wax ka cunaan. Dh: daaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsad
de: grazing, feeding livestock
lx: daaqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daaqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsad
m.l la-mid: faarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsad
(Gaabsad-ka)
Gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsad
m.l la-mid: gaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsad
vl. n. act of shortening; lowering one's voice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsad
-ka: (n) 1. the act of having love affair or adultery. 2. the act of making something short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsad
-ka: (magac, lab, keli) dherer gaaban u yeelad. Dh: gaabsi, gaabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsad
a: gaabsasho (/da) [vn6-f]
de: act of shortening; lowering one's voice
lx: gaabsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsad
m.l la-mid: gaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadsad
-ka: (magac, lab, keli) qaab dumarku isku diriraan oo loo yaqaan boodis. Dh: haadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsad
-ka: (magac, lab, keli) xilliga kulaylaha ee duhurkii la hadhsasho. Dh: hadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsad
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsad
-ka: (magac, lab, keli) dib u dhigasho; sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahsan
(qof) Aan dhugmo iyo fiiro u lahayn waxa uu qabanayo oo caqligiisu meel kale jiro; aan baraarugsaneyn; maqan; khafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho. m.f.dh, maahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahsan
der. [adjective] deficient, absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maahsan
-maahsanaa: (adj) absent minded; preoccupied (pirioki-paaydh). distracted (distarak-tidh) incautious (inkoo-shas) ~ aan digtoonayn, maqane-jooge, baxsan, qalbi la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahsan
(tilmaame) maankiisu magan yahay muuqaalkiisuna joogoo waxa socda aan fiiro iyo dhugmo toona u lahayn ah; aan sheekada la socon ah. Nin maahsan malo lagama sugo. Dh: magan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahsan
de: deficient, absent-minded
lx: maahsan
pd: (maahsanaa)
ps: adj-der
syn: khaafsan
key: maahsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoomid wax laga kaaftoomo.
maarsad -ka: (magac, lab, keli) maangaabni. Dh: maarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhsad
-ka: (magac, lab, keli) laasad: idlaysad; idlaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsad
(Raagsad-ka)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsad
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsad
-ka: (magac, lab, keli) dherersad muddo ruux ama wax kale la sugayso. Dh: daahasad, sugiwaayid, raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka ku jira calalin oo muddo dheer axadhid. Dh: raabsasho, raamsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saadsad
(Saadsad-ka)
Saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadsad
m.l la-mid: saadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadsad
-ka: (magac, lab, keli) wax in ay kugu yimaaddaan u yeedhad; wax in ay kugu yimaaddaan awaalad. Dh: saadsasho, saadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsad
(Taagsad-ka)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsad
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsad
-ka: (magac, lab, keli) awood u sheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsad
(Xaabsad-ka)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsad
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaabsan
Yaab hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax yaab hayo ahaansho (qof). la-mid: yaabban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax yaab hayo ahaansho (qof). m.f.dh, yaabsanaan. la-mid: yaabban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaabsan
der. [adjective] surprised, astonished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaabsan
-aa / ayd: (adj) wondering (wan-dharing); marveling (maar-vel-ing) ~ see (eeg) yaabban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabsan
(tilmaame) yaab hayo. Dh: amakaagsan, dhaygagsan, yaabban
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaabsan
de: surprised, astonished
initial: y
lx: yaabsan
pd: (yaabsanaa)
ps: adj-der
key: yaabsan