yaab leh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaab leh
(adj) wonderful (wan-dher-fuul); extraordinary (ikis-toordh-nari); surprising (sar-paraayz-ng); marvelous (maar-va-las); miraculous (mi-raakilas)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ashqaraar
(Ashqaraar-ka)
Wax sillan ama aan la arki jirin ama yaab leh, waxa aragtidoodu dhaliso; yaab; abyan; amakaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwan
Aan inta kale la jaad ahayn; aan cid u ekayn; yaab leh; sillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lows
(Lows-ka)
Geed nagaar ah oo la beero oo aad u waxtar badan; mirihiisu si yaab leh bay u baxaan: kolka ubaxu dhaco, baa lugtii siddey ubaxaasi xagga hoose u soo qalloocataa oo madaxa dhulka gashataa, madaxyadaas baa miruhu ka baxaan; cunidda ka sokow, waxaa laga sameeya subag iyo saliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luul
(Luul-ka)
Iniino kulkulucsan oo dhagaxdidib ama xaraar ah oo badanaa cad kolkolna midabyo kale leh oo aad qaali u ah; waxaa si yaab leh u sameeya lohodka qaarkiis: qalbacyada dhulmanta bahalku ku jiro baa waxaa soo dhexgala bahal kaloo yar ama iniin ciid ah ama wax kale; kolkaasaa bahalku si uu waxaan gudihiisa soo galay uga nabad galo, dhacaan qoyan oo xabag oo kale ah ku daboolaa oo kubbad kulucsan ka dhigaa; dabadeed kubbaddaa adkaata oo luul noqota; luulka la beero isaguna waa la mid: qalbacyada gudohooda baa uun wax loo geshaa oo dabadeed bahalku luul ka dhigaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibaaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. la-mid: cibro.

diin
diin¹: m.l (-nan, m.l) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. la-mid: dįindiin.
diin²: m.l/dh (-iimo, m.l) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin³: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamo
m.dh 1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.

masalo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Arrin la yaab leh. 2. Xisaab leh siin oo la raadinayo natiijadeedii iyadoo la adeegsanayo jidad iyo xeerar u gaar ah. 3. Su'aal cilmi kudhisan. la-mid: mas'alo.

wacdaro
m.l.w Wax la yaab leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso. aayakatalin m.dh Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. la-mid: aayakatashi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cibaaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. la-mid: cibro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diin
diin¹: m.l (-nan, m.l) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. la-mid: dįindiin.
diin²: m.l/dh (-iimo, m.l) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin³: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid. m.f.dh, diimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaamo
m.dh 1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masalo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Arrin la yaab leh. 2. Xisaab leh siin oo la raadinayo natiijadeedii iyadoo la adeegsanayo jidad iyo xeerar u gaar ah. 3. Su'aal cilmi kudhisan. la-mid: mas'alo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacdaro
m.l.w Wax la yaab leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
astonish
/astonish/astonishes, astonished, astonishing; (v) aad u yaabid (amakaagid), yaab leh. e.g. She is astonished that I can do this job.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bizarre
/bizaar/ (adj) wax yaab leh (aan la arkin oo la maqal); gariib ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crank
/kraank/ (n) 1. wareejiye (aalad ama botoon wax laga wareejiyo). (n) 2. qof yaab leh (qof dabci iyo fikrado cajiib ah leh).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dab leh
adj., [expression] ignited, on fire
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaas leh
adj., [expression] married (of a man)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaas leh
(adj) married (maa-ridh)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacag leh
adj., [expression] rich, wealthy
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaayo leh
adj., [expression] important, significant, valuable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxo leh
adj., [expression] convenient, comfortable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raaxo leh
(adj) comfortable (kam-foor-tabal); restful (rest'ful); luxurious; pleasurable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salag leh
adj., [expression] predictable, with full realization of the consequences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamar leh
(adj) dynamic (dhaay-naamik); active (aak-tiv); powerful (paawer-fuul) ~ firfircoon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XISAAB LEHE
Correntista, titolare
Holder of current account
Waa qofka xisaab Banki ku leh, ama ay magaciisa ku qoran tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Yaabe
magac loo baxsho wiil ay hooyadii welwelaysay xilligay dhalaysay foosha oo ku adkaatay awgeed. Magacaygu waa Yaabe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
af leh
adj., [expression] sharp
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma leh
v., neg., present habitual: there is none
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saable
Parabola
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAABLE
(Sable) NFD Dicraeopetalus stipulare Harms Papilionaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaalle
v., pl., -ind, simple past tense: it [col.] was / they were (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaalle
de: it [col] was / they were (situated) there
initial: y
lx: yaalle
ps: v4c-3pl-ind-past
key: yaalle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dab_leh
de: ignited, on fire
lx: dab leh
ps: adj-expr
key: dab_leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadleh
adj., [expression] witty, funny, comic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadleh
de: witty, funny, comic
lx: maadleh
ps: adj-expr
key: maadleh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabley
m.dh (-yo, m.l) Jirka dadka inta xudunta ka korreysa luquntana ka hoosaysa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabley
-da: (n) rib cage (rib keeyj) ~ saableyda feeraha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabley
-da: (magac, dhedig, keli) qoorta iyo caloosha inta u dhaxaysa ee feedhaha iyo inta ay ku dahaadhan yihiin. Sambabada jidhkaygiyo saableyda feedhaha.
saabley -da: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo saab leh, in alle intii saab leh. Weelka saableyda ah horta ha la raro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabley
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo leh ubuc madaxeega aad uga weyn. Xaableyda lama laayo. Dh: dhiidhiyo, uxu.
xaabley -da: (magac, dhedig, keli) dad danyar ah oo waxa ku hadha hilibleyda ka iibsadda. Dh: danley. Li: lacagley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaallee
v., opt. form: it [masc.] / he may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaallee
de: it [masc] / he may be (in a place)
initial: y
lx: yaallee
ps: v4c-3m-pot
xe: Perhaps the book is there.
xv: Sow buuggu yaallee.
key: yaallee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhib leh
adj., [expression] difficult
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadh leh
adj., [expression] shady
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadh leh
(adj) shady (sheeydhi) ~ hoos leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaas_leh
de: married (of a man)
initial: x
lx: xaas leh
ps: adj-expr
key: xaas_leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaad leh
adj., [expression] sensible, wise
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskax leh
adj., [expression] intelligent, reasonable, sensible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nafaqo leh
(adj) nutritious (niyuu-tiri-shas); nutrient (niyuu 'tiriyant) ~ nuxur leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nasiib leh
adj., [expression] lucky, fortunate
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxtar leh
adj., [expression] useful
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsi leh
adj., [expression] dangerous, serious (disease), frightening
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli leh
adj., [expression] sensible, reasonable, wise
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danab Neg
Static Electricity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danab neg
(n) static electricity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufan leh
(adj) greasy (giriisi). Ex: gacmo dufan leh; greasy hands
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhableh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) Qof habhablaya ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habhableh
adj., [expression] running slowly and heavily (as the elderly do)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habhableh
de: running slowly and heavily (as the elderly do)
lx: habhableh
pd: (habhablahaa)
ps: adj-expr
key: habhableh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacsi leh
(adj) sexy (saksi); erotic (irootik)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laab jeex
Incised meander
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laab webi
Entrenched meander
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacag_leh
de: rich, wealthy
lx: lacag leh
ps: adj-expr
xe: She is a rich woman.
xv: Iyadu waa haweeney lacag leh.
key: lacag_leh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macna leh
adj., [expression] serious, important
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaayo_leh
de: important, significant, valuable
lx: qaayo leh
pd: (qaaya leh)
ps: adj-expr
xe: Children are a valuable asset.
xv: Carruurtu waa wax qaayo leh.
key: qaayo_leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxo_leh
de: convenient, com-fortable
lx: raaxo leh
ps: adj-expr
key: raaxo_leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salag_leh
de: predictable, with full realization of the consequences
initial: s
lx: salag leh
ps: adj-expr
key: salag_leh
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taajbelel
m.l (-llo, m.dh) (c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uskag leh
(adj) dirty (deehi);, filthy (fil thi)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaq u leh
adj., [expression] eligible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaq u leh
(v) entitle (en-taaytal); be eligible (ele-jibal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dan la wato cid kaga fajacsiin, ka amankaagiin, ka yaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basbaas leh
adj., [expression] hot, spicy, peppery
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liibaan leh
adj., [expression] successful, victorious