y
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Y
(ya') — Xarafka 23d. oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
-y- — Waxaa loo baahdaa kolkay is xigsadaan labo shaqal oo kicintoodu yare carrabka ku adag tahay oo la doonayo in la jilciyo oo la fududeeyo (sida: qof keli(y)a = qof keli ah; Cali(y)ow kaalay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
y
m.dh (ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af Soomaaliga waana shibbane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
y
(ya') m.dh Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af Soomaaliga, waa shibbane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
y
-da: (n) the twenty-thirtieth [23th] letter of the Somali alphabet, according to the style used by this dictionary and pronounced, like [yes] it is a consonant ~ shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
y
(ya'): xarafka saddex iyo labaatanaad ee xarfaha Far Soomaalida ahna shibbane u qorma: Y, y.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
y
y, adv. de lieu - Meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalo
(Aala-da)
Qaalmaha yaryar oo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaran
(Aaran-ka)
1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.
2. Doog iyo barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso
(Abeesa-da)
Jaadad badan oo halaqa ka mid ah oo qaarkood waabaayo lee yihiin. Waxaa jira jaadad addimmo leh oo iyagana abeeso lagu magacaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abhin
(Abhin-ta)
Qof laga baqa hayo, ama wax laga celina hayo, hadal saameeya oo uu ka baqo, (sida: Allaahaa hadduu Alla yahay), kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurcas
(Abuurcas-ka, Abuurcas-ta)
Meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.