xuuxaaye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxaaye
nickname-m (onomatopoeic) the one who growled or made guttural sounds at birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubabays
-ka: (magac, lab, keli) sarcanta korkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxane
-ha: (magac, lab, keli) gododka faalka mid ka mid ah. Ninkaa buuxane ayaa u baxay.
buuxane-ha: (magac, lab, keli) waax buuxa oo dhammaystiran ah. Wiilku waa buuxane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxiye
m.l In yar oo caws ah oo lagu kordhiyo masayda marka ay isdhinto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUUXIYE
(Buhiye) N Croton gillettii Hutch. & Bruce. Euphorbiaceae.
N Croton confertus Bak. Euphorbiaceae.
N Croton cliffordii Hutch. & Bruce. Euphorbiaceae.
N Justicia minutifolia Chiov. Acanthaceae.
N Justicia odora (Forsk) Lam. Acanthaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FUULAAY
(Fulai) S Oncocalyx kelleri (Engl.)Gilbert. Loranthaceae.
S Tapinanthus sansibarensis (Engl) Danser. Loranthaceae.
S Erianthemum dregei (Eckl. & Zeyh.)Van Tiegh. Loranthaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kuukaay
nickname-m person with a flat-nose and kink hair; i.e. a negro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kuukaay
magac loo baxsho wiil san barraahsan oo timo jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxaan
m.dh la-mid: rooxaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruuxaan
f. n., pl. good ~ beneficial spirits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rooxaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruuxaan
de: good ~ beneficial spirits (that are in the service of saints or very pious persons)
lx: ruuxaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: ruuxaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuxiye
m. n. anesthetist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxiye
-suuxiyaha / suuxisada: (n) anesthetist also anaesthetist; anaesthetic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuxiye
de: anesthetist
initial: s
lx: suuxiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: suuxiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujaale
m.l la-mid: xujoole.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xujaale
nickname; name-m riddler; task-master or one who poses a difficult question or problem; harasser-- Lit: a tough or difficult person to deal with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraan
(fal) u kuur gal oo hoos xog u raadi. Soo xuuraan magaalada waxa ka jira. Dh: dhegadhegee, indha'indhee.
xuuraan: (fal) jahawareer oo is daba wareeg.
xuuraan-ka: (magac, lab, keli) wardoon meelahaa laga dhegadhegeeyo. Dadbaa xuuraanka magaalada ka hela. Dh: warraadin.
xuuraan -ka: (magac, lab, keli) buuq iyo iska dabawareeg aan nidaamsanayn. Saaka meeshi xuuraan baa galay oo fasalladii lama furin. Dh: buuq, jahawareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtay
(fal) aad u eryo oo hiinraaji.
xuurtay: (fal) xuurto ku qabo oo nakhaska ku dheji. Ninka xuurtay oo iska celi. Dh: xuurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duumaale
-ha: (magac, lab, keli) milay ama meel ay duumo dad badan ku laysay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guutaale
name-m leader of armies; squad, brigade; mature. Lit: he who was born while some warriors of his kinsmen were in attendance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guutaale
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay ciidammo joogeen reerka ama dad badan reerka iskugu yimaaddeen. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuraale
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilkaha cadayan oo afka huuro ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subxaayo
m.dh Nooc halaqa ka mid ah oo maska ka yar barabarana leh oo aan waabaayo lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subxaayo
m.dh Nooc halaqa ka mid ah oo maska ka yar barabarana leh oo aan waabaayo lahayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUMBAAWE
(Humbao) S Commiphora sennii Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhayn
m.f.dh eeg xuudhee. la-mid: xuudheys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtayn
(Xuurtayn-ta)
Xuurto ka keenid; xiijin; haftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtayn
m.f.dh eeg xuurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hiinraajin.
xuurtayn -ta: (magac, dhedig, keli) xuurto ku qabasho oo nakhaska ku dhejin. Wiilka xuurtanta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xuurtayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxuule
nickname; name-m (onomatopoeic). Lit: the one who was born with a whooping cough
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buugaghaye
m. n. librarian; bookkeeper; bookshelf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buugaghaye
de: librarian; bookkeeper; bookshelf
lx: buugaghaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: buugaghaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubabbays
(Xuubabbays-ta)
(oogada dadka) saracda korkeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubabbays
m.dh Saracda korkeeda (oogada dadka).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubabbays
f. n. lower abdomen ~ belly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubabbays
de: lower abdomen ~ belly
initial: x
lx: xuubabbays
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xuubabbays
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo Jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuralcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hablo qurux badan ee Ehlu-Jannaha Ilaahay aakhiro ku abaalmariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxyayn
(Dhuuxyayn-ta)
(geel, kd.) si adag u dabrid; dhudhummada aad uga xirid; isasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxyayn
m.f.dh eeg dhuuxyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka awrka labada jeeni ee hore la isu saaro ee la dabro. Dhuuxyayn buu ku daaqayaa awrku. Dh: qabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulaamee
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Daruuro badan oo biyeysan cirka heehaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guulaamee
v. move in (clouds); be about to rain; threaten, menace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaamee
(fal) marba dhinic u carar; kolba dhan u roor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guulaamee
de: move in (clouds); be about to rain; [fig.] threaten, menace
lx: guulaamee
pd: (guulaameeyey)
ps: v2b=
key: guulaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxaweyn
m.dh Qoorta geela inteeda hoose.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudadiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca dadka iyo duunyadaba oo lala kici waayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUG-DAAYE
(Mug-daie) May Elaeodendron aquifolium(Fiori) Chiov. Celastraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunadayn
(Muunadayn-ta)
Muunad u yeelid; xurmayn; weyneyn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadayn
m.f.dh eeg muunadee. la-mid: muunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qunoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunadayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xur mayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadays
-ta: (magac, lab, keli) eeg muunadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuradayn
(Nuuradayn-ta)
Nuurad ku caddayn, marin, ku dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradayn
m.f.dh eeg nuuradee. la-mid: nuuriyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nuurad cad marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuuradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subxaanyo
(Subxaanya-da)
Halaq sida maska u dhuuban, waxse aan cunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subxaanyo
f. n. non-poisonous snake species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subxaanyo
-subxaanyada: (n) harmless snake, grass snake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subxaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) halaq sida maska u dhuuban, asaan sun lahayn waxna aan qaniinin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subxaanyo
de: non-poisonous snake sp.
initial: s
lx: subxaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: subxaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuncalye
(Suuncalya-ha)
Suumanka xakamaha mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuncalye
m.l Suun gammaanka lagu dacayo marka xakame la waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuncalye
m. n. part of horse's bridle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuncalye
-ha: (magac, lab, keli) suumanka xakamaha mid ka mid ah. Aad u adkay suuncalyaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuncalye
de: part of horse's bridle
initial: s
lx: suuncalye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: suuncalye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuradin; suuradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradays
-ka: (magac, lab, keli) suuradayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xukumayya
condamner, gouverner.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusullays
-ka: (magac, lab, keli) jiqilaysiga gacanta la tiirsado. Nin culus xusullays haka sugin. Dh: jiqilaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusiye
-xusuusiyaha: (n) reminder (ri-maay-dhar)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubcaaro
f. n. spider web, cobweb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubcaaro
-da: (magac, dhedig, keli) daliigyo ama miiqyo yaryar oo sida shebegga isku sudhsudhan oo ay Caaradu samayso. Xuub caaro xaydaan ma noqdo. Dh: saabcaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubcaaro
de: spider web, cobweb
initial: x
lx: xuubcaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xuubcaaro
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubwadne
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhagganyahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku wareegid oo buuq iyo jahawareer ku jirid. Laba cisho ayaa xuuraamid lagu jiraa.
xuuraamid-da: (magac, dhedig, keli) baadhid oo u kuurgalid. Dadbaan xuuraamidda u diran. Dh: xograadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtaysi
-ga: (magac, lab, keli) xuurto isku qabasho oo nakhaska isku dhejin. Carruurtu waxay ciyaar ka dhigtaan xuurtaysiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.