xuurtaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtaysi
-ga: (magac, lab, keli) xuurto isku qabasho oo nakhaska isku dhejin. Carruurtu waxay ciyaar ka dhigtaan xuurtaysiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: xuurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xuurtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtaysiin
m.dh la-mid: xuurtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryid oo wax hiinraagay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtaysan
(tilmaame) hiinraagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley orod ku daalin, nafley xuurtaysiin. la-mid: xiiqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid xuurto badid. la-mid: xuurtaysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiji
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley orod ku daalin, nafley xuurtaysiin. m.f.dh, xiijin. la-mid: xiiqi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuraysi
-ga: (n) conception (kon-sep-shiriy, conceiving (kon-ziiv-ing)-, getting pregnant ~ uur qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysi
-ga: (magac, lab, keli) haweeney uur yeelasho. Dh: rimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtay
(fal) aad u eryo oo hiinraaji.
xuurtay: (fal) xuurto ku qabo oo nakhaska ku dheji. Ninka xuurtay oo iska celi. Dh: xuurtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtayn
(Xuurtayn-ta)
Xuurto ka keenid; xiijin; haftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtayn
m.f.dh eeg xuurtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hiinraajin.
xuurtayn -ta: (magac, dhedig, keli) xuurto ku qabasho oo nakhaska ku dhejin. Wiilka xuurtanta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusullaysi
(Xusullaysi-ga)
Dangiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusullaysi
m.l la-mid: xusullaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusullaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhinac loo jiifo oo xusulka dhulka lagu muto. Xusullaysi ayaan ku casheeyey. Dh: jiqilaysi, dangiigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurays
m.l la-mid: guurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurays
vl. n. walking ~ traveling at night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurays
de: walking ~ traveling at night
lx: guurays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: guurays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hutaysi
-ga: (magac, lab, keli) is waydiisi calool xaadhasho ah. Hadaad iga hutayseen inaan, hadal idiin deexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysi
(Kuraysi-ga)
Kuraysasho; kur; sagaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysi
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysi
-ga: (magac, lab, keli) hooyo haddeed umul u diyaar ah, kuraysasho. Dh: taraaraysi, sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutaysi
-ga: (magac, lab, keli) xaq u yeelasho hedel iyo waxqabad lagu gaadho oo dadka kale looga hormaro; wax wanaagsan oo hedel dadka kale lagaga horreeyo lagu gaadho inta ogina ay girto. Dh: galabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuutays
m.l la-mid: tuutayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho. m.f.dh, uuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayso
(fal) uur yeelo. Dh: rin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurbays
m.dh (-syo, m.l) Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurrays
m.l 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysi
(Xeraysi-ga)
Xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysi
m.l la-mid: xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysi
-ga: (magac, lab, keli) meel ku xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmays
-ka: (magac, lab, keli) xurmo iyo shar u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysi
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cumraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraysi
-ga: (magac, lab, keli) marka ay cidi muujiso dareen ah inay wax dhibsanayso. Kuuma fiicna durraysigu ee bishaarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysi
-ga: (magac, lab, keli) libin helid. Guulaysi haddaad barato guuldarro ma oggolaatid. Li: guuldarraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tuugaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tuuryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysi
-ga: (magac, lab, keli) xantaxanto samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbaysi
-ga: (magac, lab, keli) xoor yeelash xumbo samayn. Darandoorrigu xumbaysiga w badiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuraysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley habeen wadid. la-mid: guureggeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuraysii
v.caus: make someone walk ~ travel at night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuraysii
-yey / say: (v) cause someone to travel at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuraysii
(fal) cid kale, habeen socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuraysii
de: make s.o. walk ~ travel at night
lx: guuraysii
pd: (guuraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: guuraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysi
(Meertaysi-ga)
Meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertaysi
m.l la-mid: meertaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax la wadaagayo ama la wada leeyahay kolba qof siin oo wareejin. Beeraha meertaysi ayaa lagu qodaa. Dh: tare, kaalaysi, kaayaysi.
meertaysi -ga: (magac, lab, keli) qarafaysi xaafadaha kolba xaafad wax la weydiisto. Meertaysi ayuu ku maganyahay Dh: dhawrtaysi, qarafaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bujurwaasi
m. n. bourgeois, bourgeoisie
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bujurwaasi
a: burjuwaasi {Eng}
de: bourgeois, bourgeoisie
lx: bujurwaasi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bujurwaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysi
(Dhawrtaysi-ga)
Dhawrtaysasho; sadaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtaysi
m.l la-mid: dhawrtaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuraysiin
m.f.dh eeg guuraysii. la-mid: guureggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo xadgudub cid ku dayid. Dh: daandaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusullayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Xusul mudasho. 2. Dhudhun wax ku cabbirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusullayso
v. measure from elbow to finger tip; rest on one's elbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusullayso
(fal) gacanta jiqilayso oo xusulka oo taagan calaacasha barko. In yar xusullayso waan kacaynaaye. Dh: jiqilayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusullayso
de: measure from elbow to finger tip; [ext.] rest on one's elbow
initial: x
lx: xusullayso
nt: xusullaysi (ga) [vn-m]
pd: (xusullaystay)
ps: v3b=tr
key: xusullayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsi
m.l la-mid: xuubdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsi
-ga: (magac, lab, keli) xuub siibasho. xuubdhacso: (fal) jidhka is beddel ku samee oo xuub siibo. Xuubdhacso sida maska. Dh: xuubsiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuldarraysi
(Guuldarraysi-ga)
Guuldarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarraysi
m.l la-mid: guuldarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg guuldarraysad.
guuldarraysi -ga: (magac, lab, keli) ku guulaysan waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macuurtaysan
(tilmaame) dhibaato ay baahiyi keentay qaba; macuurto qaba. Dh: dhibaataysan, macuurtaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futays
-ka: (magac, lab, keli) eeg futayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursi
m.l la-mid: guursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursi
-ga: (magac, lab, keli) xaas yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurti
(Guurti-da)
Koox waxgarad ah, oo arrin adag inay ku garnaqdo oo wax ka qabato loo magacaabo; guddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurti
m.dh (-iyo, m.l) Guddi; ikhyaar; duqow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurti
m.dh (-iyo, m.l) Guddi; ikhyaar; duqow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurti
f. n., [collective] wise men; council of elders; committee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurti
-da: (n) council of elders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurti
-da: (magac, dhedig, keli) odayaal arrimaha dhaqanka iyo talada reeraha gala waxna kala saara. Dh: cuqaal, xeerbeegti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurti
de: wise men; council of elders; committee
lx: guurti
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f-col
syn: cuquul, guddi
key: guurti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursi
m.l la-mid: huursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg huursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muursi
-ga: (magac, lab, keli) muur ahaan u kaxaysasho; muur ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quursi
(Quursi-ga)
Wax quursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quursi
m.l la-mid: quursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quursi
-ga: (n) underestimation (an-dhar-esta-meey-shin) ~ yasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Ku maad ku xumaynaysa wax ufaysigan badheedhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurayn
(Uurayn-ta)
1. Uur u yeelid.
2. Uuro kicin; uuro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayn
m.f.dh eeg uuree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurayn
-ta: (n) impregnation (im-pareg-neey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney uur u yeelid. Dh: rimin, uurays.
uurayn -ta: (magac, dhedig, keli) uuro kicin; uuro u yeelid; uurays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
X-rays
Fallaadha-X
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorays
-ka: (magac, lab, keli) gumaysi ka dulqaadid. xorayso: (fal) wax cidi awood kaaga haysato muruq ama malo ku soo dhacso. Xuquuqdaada xorayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xumays
(Xumays-ta)
1. Oogada dadka inteeda la qarsho; cawro.
2. Hilbaha inta uurkujirta ah.
3. xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumays
xumays¹: m.l la-mid: xumayn.
xumays²: m.dh.u 1. Cawro; oogada dadka inta la qarsho. 2. Hilbaha inta uurkujirta ah.
3. Xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumays
f. n., [collective] private parts, genitals, genitalia
xumays [feminine] n., [collective] entrails, internal organs
xumays [feminine] n., [collective] weak livestock ~ people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumays
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha iyo dadka intooda tamarta yar.
xumays-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xumayn.
xumays-ta: (magac, dhedig, keli) cawrada inta u qofku qarsado ee dharka ka hoosaysa. Nimay xumaystu xanuunaysaa wuu waadhwaadhsadaa. Dh: cawro.