xuurdhabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldhabid oo sakaraad neefta la gurid. Dh: sakaraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhabid
-da: (magac, dhedig, keli) gundhab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) iil qodid; loxod qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku wareegid oo buuq iyo jahawareer ku jirid. Laba cisho ayaa xuuraamid lagu jiraa.
xuuraamid-da: (magac, dhedig, keli) baadhid oo u kuurgalid. Dadbaan xuuraamidda u diran. Dh: xograadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurdhabad
-ka: (magac, lab, keli) geel, faruuryaha oo inta biyaha laga soo saaro la isla dhaco si qoyaanka looga hurgufo; suruqsaydhid.
faruurdhabad -ka: (magac, lab, keli) ninka kaalinta geela biyaha ugu shuba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) baaro qabid; gudis la'aan. Islaamku ragga buuryagabid uma oggola. Dh: buuryaqabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafid
(Buuxdhaafid-da)
(weel, kd.) inta muggiisu qaadi karey kor u dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafid
m.f.dh eeg buuxdhaafi². la-mid: buuxdhaafi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) tankii qaadkiisu ahaa ka siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaarid
m.f.dh eeg cudurdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gef uu sameeyay, sabab lagu dhaafo u raadin; qof gef sameeyay, saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhebid
m.f.dh eeg dhuundhaw². la-mid: dhuundhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhebid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo dhuunta middi kaga taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqdhabiil
(Fuuqdhabiil-ka)
Dhabiishiisu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan; qorqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqdhabiil
m.l.kh (-llo, m.dh) Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqdhabiil
m. n., [compound] mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqdhabiil
-ka: (magac, lab, keli) qof dhabiiltankiisu uu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan ama dhaafaan. Dh: bakhayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuqdhabiil
de: mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
lx: fuuqdhabiil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: fuuqdhabiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradoobid
m.f.dh eeg nuuradow. la-mid: nuuriyadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) nuurad noqosho. Dhagaxdu way ku kala fiican yihiin nuuradoobidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusulduubid
(Xusulduubid-da)
Orod xusulka la duubayo, ordid; rucleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusulduubid
m.f.dh eeg xusulduub². la-mid: xusulduub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusulduubid
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsad
m.l la-mid: xuubdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsad
-ka: (magac, lab, keli) xuubka sare iska siibid. Xuubdhacsad mas baa lagu ogyahay. Dh: xuubdhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhid
-da: (magac, dhedig, keli) ku deegid. Dh: quudhis, hurid. Li: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xardhid
(Xardhid-da)
Xarad u yeelid, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhid
m.f.dh eeg xarar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhid
-da: (magac, dhedig, keli) naqshad iyo farshaxan qurxoon u yeelid. Dh: naqshadayn, qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu odhan ka sheegid; si wanjelid ah wax uga sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraabid
m.f.dh eeg duraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urdhicid
m.dh la-mid: urdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg urdhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaabid
m.f.dh eeg uugaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uuroobid
(Uuroobid-da)
Uur yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuroobid
m.f.dh eeg uurow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) uuro yeelad; uuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xardhani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xardhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorjabid
(Xorjabid-da)
(dhar) xorta ka jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorjabid
m.f.dh eeg xorjab². la-mid: xorjab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorjabid
-da: (magac, dhedig, keli) jactadid oo wax aan caddifnayn noqosho. Dh: jactadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhayn
m.f.dh eeg xuudhee. la-mid: xuudheys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awrdhebid
(Awrdhebid-da)
Faxlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awrdhebid
m.f.dh eeg awrdhaw². la-mid: awdhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awrdhebid
-da: (magac, dhedig, keli) faxlid oo dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhabid
(Dhadhabid-da)
Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhabid
m.f.dh eeg dhadhab². la-mid: dhadhab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhabid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo hurda, dhacdooyin sawiran ku riyood. Dhadhabidda hurdadu ma runbaa ma riyaa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuduubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsanaa, isku laallaabid. Dh: duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaamid
m.f.dh eeg guudan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guudmarid
(Guudmarid-da)
Hadal duuban oo kormar ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudmarid
m.f.dh eeg guudmar². la-mid: guudmar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuroobid
m.f.dh eeg guurow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaabiga u imaansho oo cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabid
m.f.dh eeg magdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxyeello loo geystey ama wax laga bi'iyay mag ka bixin oo wixii gaadhay beddelkiisii ciddii lahayd siin. Reerkii baabuurka iga jejebiyay magdhabid ayay oggolaadeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusaabid
(Muusaabid-da)
Dhoolbirid; muusood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusaabid
m.f.dh eeg muusaw. la-mid: muusood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusaabid
-da: (magac, dhedig, keli) asiibid oo nabar ama dhib kale gaadhsiin. Dh: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraadid co naf daraareed jiif iyo joogba diidid. Qaldhabid lama garan waayo. Dh: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Far jaawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuldhabo
v. snap one's fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabo
(fal) far iyo suul isla dhac. Sidii nin waa hore hadal haya u suuldhabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuldhabo
de: snap one's fingers
initial: s
lx: suuldhabo
pd: (suuldhabtay)
ps: v3b=
key: suuldhabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraafid
-da: (magac, dhedig, keli) danla'aan is ka wareegid. Suuraafidda is ka daa oo waqtiga ka faa'lidays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuroobid
(Suuroobid-da)
Suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuroobid
m.f.dh eeg suurow². la-mid: suurtoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) suuraggal noqosho; suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurdhagax
m.l Qare adag oo aan la jebin karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubduubid
m.dh la-mid: dudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduubid
m.f.dh eeg duudduub². la-mid: duubduub¹, duubduubid, duudduub¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuundoobid
m.dh la-mid: fuuntoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuundoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naalo ama ukun iyo wax la mid ah, qudhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwadjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaarid
m.f.dh eeg suuldaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaarid
-da: (magac, dhedig, keli) suuldaar u dhigid; jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtoobid
m.dh la-mid: suuroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtoobid
-da: (magac, dhedig, keli) suuraggal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ood ama derbi ah samayn. Aqalka xaydaabid ayaa u hadhay. Dh: ijaarid, xayndaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsi
m.l la-mid: xuubdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsi
-ga: (magac, lab, keli) xuub siibasho. xuubdhacso: (fal) jidhka is beddel ku samee oo xuub siibo. Xuubdhacso sida maska. Dh: xuubsiibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Mas iyo wixi lamida xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. la-mid: xuubsiibo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Mas iyo wixi lamida xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. m.f.dh, xuubdhacsasho. la-mid: xuubsiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubdhacso
v. molt, shed old skin (of a snake); heal (of a wound)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubdhacso
de: molt, shed old skin (of a snake); heal (of a wound)
initial: x
lx: xuubdhacso
pd: (xuubdhacsaday)
ps: v3a=intr
key: xuubdhacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunyodhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qaabka xoolaha loo xannaaneeyo ee daranyada looga ilaaliyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunshabixi
-yey / say: (v) remove the husk from grain, especially corn, maize or sorghum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabixi
(fal) goolaab oo buushiga iyo isha ka huf. Gorowga buunshibixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafin
(Buuxdhaafin-ta)
(weel, kd.) heerka muggiisa wax ka badan, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafin
m.f.dh eeg buuxdhaafi. la-mid: buuxdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, gaari iyo waxii la mid ah, qaadkiisii in ka badan ku shubid, ku ridid, ku rarid. Dh: tandhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxdhaafis
m.l la-mid: buuxdhaafin.