xuungube
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuungube
-ha: (magac, lab, keli) qof dhirta qoyan guba oo xeer ahaan bulshada laga takooro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukunsuge
-ha: (magac, lab, keli) qof faldanbiyeed ku eedaysan oo aan maxkamadi wali xukumin. Xukunsuge xabsigaa lagu hayaa. Dh: dibboo, rumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunbe
-ha: (magac, lab, keli) qalabka tumaalka mid ka mida oo ah bir af dhuuban oo biraha lagu daloosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xundub
-ka: (magac, lab, keli) buurnaan ka so foodhacda xundhurta oo carruurta badhkeed ay yeelato. Wiilku xundub ayuu yeeshay. Dh: buuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gungume
(Gunguma-ha)
Bahal godadka duddumooyinka gala oo addimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungume
m.l la-mid: guggume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gungume
m. n. snake species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungume
-ha: (magac, lab, keli) halaq aad u waynaada oo ah ka ugu xoogga badan bahalaha hoose.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gungume
de: snake sp.
lx: gungume
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: guggume
key: gungume
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubungub
m.l Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. la-mid: gubaangub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubungub
m. n. shrub species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubungub
-ka: (magac, lab, keli) bur geed abaareed ah oo qawl flican oo geelu cuno leh. Gubungubka geelaa aad u jecel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubungub
de: shrub sp.
lx: gubungub
pd: (-ka)
ps: n-m
see: gubaangub
key: gubungub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunguun
m.l (-nno, m.dh) Biito; nooc ciyaar caruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilagube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Nin ooridiisa u daran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilagube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Nin ooridiisa u daran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilagube
m. n. man who abuses his wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilagube
-ha: (magac, lab, keli) nin daciif ah oon. xaaskiisa dhaqan karin. Dh: xilmaqaade. Li: xilkas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilagube
de: man who abuses his wife
initial: x
lx: xilagube
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xilagube
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxuule
nickname; name-m (onomatopoeic). Lit: the one who was born with a whooping cough
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnagube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Geed faalala oo geedaha kale isku maro, leh laamo caleemo leh, oo dhecaankiisu jirka guba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacnagube
-ha: (magac, lab, keli) geed faalala oo geedaha kale isku maro. Wuxuu leeyahay laamo caleemo leh iyo dhecaan jidhka guba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guugguule
°(Guugguula-ha)
Shinbir cidiisu guu guu tahay; dhoor buu lee yahay; hud'hud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu 'guuguu' tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guugguule
m. n., [collective] cuckoo (bird)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guugguule
-guugguulaha: (n) cuckoo (kuukuu)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guugguule
a: hud-hud, shimbir
de: cuckoo (bird) Onomatopoetic for 'guu-guu'
lx: guugguule
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: guugguule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubxuubi
(fal) lakab lakab u diir oo kolba in ka diir. Xuubxuubi basasha. Dh: xuubxuubi, dhildhil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulcee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Biyo, mas iyo wixi lamida si dulundulco ah u socosho. la-mid: dulundulcee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulcee
(fal) dareere culus, hadba is rogrog.