xuubxabeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubwadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-ubuceed
m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.

xuub-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuur-badeed
-ka: (n) cormorant (koor-ma-ranf)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubatee
f.mg2 (-teeyay, -teysay) 1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatee
(fal) qaylo dheer samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uubatee
de: howl
initial: u
lx: uubatee
pd: (uubateeyey)
ps: v2b=
key: uubatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubsad
(Xuubsad-ka)
Xuubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubsad
m.l la-mid: xuubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xuubsasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUUBLEEY
(Hublei) C Commiphora gowlello Sprague. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxaaye
nickname-m (onomatopoeic) the one who growled or made guttural sounds at birth
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duudabees
Nooc kamid ah soofaha looxa ee leh afar dhaban oo isu le'eg labo ballaaran iyo labo yar yar kaasoo ah soofeyaasha looxa kan ugu dheer uguna ballaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gusbadeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noolaha badda ku jira oo u samaysan sida guska oo kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbadeed
Spherical
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeel
(fal) foolxumaw oo buusbuus yeelo. Muunabeel hadday ku tidhaa magacaa ha jiro dheh. Dh: qiimabeel, muunajab.
muunabeel -ka: (magac, lab, keli) qiima dhac shayga midabkiisa ku dhaca oo uu isbeddelo. Dh: muunajab. Li: muunad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubabays
-ka: (magac, lab, keli) sarcanta korkeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubwadne
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhagganyahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quunsaneed
-ka: (magac, lab, keli) qanjirro linfo sooheed ah oo ku yaal gaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huud-carbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-carbeed
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buur badeed
Seamount
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fudbarafeed
m.l (fiisikis) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qiima dhicid oo foolxumaan. Habluhu muunabeelidda aad bay u nacaan. Dh: muunajabid muunabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsad
m.l la-mid: xuubdhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsad
-ka: (magac, lab, keli) xuubka sare iska siibid. Xuubdhacsad mas baa lagu ogyahay. Dh: xuubdhacsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuq danabeed
Electrical Noise
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur barafeed
m.l.u (-yo, m.dh) Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul kubbadeed
Spherical surface
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duub Ambiyeer
Ampere turn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-muruqeed
m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.