xuub-caaro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuub-caaro
(n) cobweb (kaab-web); gossamer (gaa-se-mar); web (weeb); spun by a spider ~ shabaq-caaro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubcaaro
f. n. spider web, cobweb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubcaaro
-da: (magac, dhedig, keli) daliigyo ama miiqyo yaryar oo sida shebegga isku sudhsudhan oo ay Caaradu samayso. Xuub caaro xaydaan ma noqdo. Dh: saabcaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubcaaro
de: spider web, cobweb
initial: x
lx: xuubcaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xuubcaaro
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arachnoid matter
Xuub caaro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cobweb
/kobweb/ (n) xuub-caaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gossamer
/gosamar/ (n) 1. xuub-caaro, ama dunta khafiifka ah ee caaradu samayso (n) 2. wax kasta oo duntaas shabbaha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
web
/web/ (n) xuub-caaro (shabaq-caaro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xufuuf
-ta: (magac, dhedig, keli) xuub caaro iyo wax u dhigma. Dh: xuub.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filandre
filandre, n.m. - xuub caaro; xuub jilicsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuub-dhacso
-xuub-dhacsaday / xuubdhacsatay: (v) slough (islaaf); slough off ~ xuubsiibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-malaas
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhismihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guubaabo
(Guubaaba-da)
1. Hadal kulul oo saamays weyn leh oo dadka kiciya, badanaana, inta ka sheekeeya aanooyin hore ama xumaato lays gaarsiiyey, ama ceebaha ka iman kara haddaan arrin laga diririn ama laga aargudan, kd.
2. Hadal kastoo, cid lagu kiciyo ama lagu dhiirri geliyo ama lagu boorriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubaabo
m.dh Hadal loo jeediyo cid la rabo inay arrin ku tallaabsato. la-mid: guubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guubaabo
f. n. incendiary speeches, stirring up violence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guubaabo
-da: (n) exhortation (egsoortaayshen); incitement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubaabo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama qof wax ugu sheegid sidii uu hawl ugu dhiirran lahaa. Dh: boorrin, dhiirrigelin, tirtirsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guubaabo
de: incendiary speeches, stirring up violence
lx: guubaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guubaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: musmaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaaro
(fal) musbaar ku nabo. Jiingadda musbaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaaro
xambaaro¹: m.dh Dhabar wax ku qaadid, dhabarka wax lagu qaado.
xambaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax dhabarka ku qaadasho. 2. Gabar la guursanayo xoog kula bixid. la-mid: xambaarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambaaro
f. n. throw (in wrestling); heavy fall
xambaaro v. fall heavily, crash down
xambaaro v. carry on one's back ~ shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaro
(fal) dhabarka saaro oo xanbaar; dusha wax ku qaad. Dh: xambaarso, xanbaaro.
xambaaro -da: (magac, dhedig, keli) dhicid ama kufid dhulka laga soo qo'o. Xambaaro ayuu cirkaa maray oo dhulka ku dhacay: Dh: kufid, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaro
(fal) dhabarka saaro oo xanbaar; dusha wax ku qaad. Ilmaha xanbaaro waa la kacayaaye. Dh: xambaarso, xambaaro.
xanbaaro -da: (magac, dhedig, keli) kufid dhulka laga soo go'o. Dh: kufid, kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubisaaro
f.lg3 (-rtay, -ratay) Lacag dulsaar saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rubisaaro
v. extract interest on a loan; make a very high profit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rubisaaro
de: extract interest on a loan; make a very high profit (considered immoral and may be illegal)
lx: rubisaaro
pd: (rubisaartay)
ps: v3b=tr
key: rubisaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabcaaro
(Saabcaara-ha)
1. Dharka xuubka ah oo caaradu samayso.
2. Tolmo saabcaaraha u eg oo badanaa wax lagu xardho ama meel daloosha lagu awdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabcaaro
m.l/dh (-ooyin, m.l) 1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabcaaro
m. n. spider's web; web ~ web-like pattern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabcaaro
-da: (magac, dhedig, keli) miiq xuub ah oo caaro samayso. Saabcaaro ayuu sacabbada ku qaatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabcaaro
de: spider's web; web ~ web-like pattern
initial: s
lx: saabcaaro
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: saabcaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulcawro
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko xariir carruurta looga sheekayn jiray. Suulcawro ha uga sheekaynin carruurta ee seexi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qonof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubsasho
(Xuubsasha-da)
Xuubka ka diirasho; muruxsasho; xagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubsasho
m.f.dh eeg xuubso. la-mid: xuubsad, xuubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xuubka kore ka diirasho. Tufaaxa xuubsashada ka daa oo isku cun. Dh: mudhuxsasho, xagasho, xuubsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadne
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhagganyahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Mas iyo wixi lamida xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. la-mid: xuubsiibo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubdhacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Mas iyo wixi lamida xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. m.f.dh, xuubdhacsasho. la-mid: xuubsiibo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubdhacso
v. molt, shed old skin (of a snake); heal (of a wound)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubdhacso
de: molt, shed old skin (of a snake); heal (of a wound)
initial: x
lx: xuubdhacso
pd: (xuubdhacsaday)
ps: v3a=intr
key: xuubdhacso
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duub xaasow
Solenoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobalcaaro
m.dh Wax cid laga soo ergado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobalcaaro
-da: (magac, dhedig, keli) marka qof uu sito shey uu qof kale ka soo qaatay si ku meel gaadh ah. Dh: amaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-badhhabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsasho
m.f.dh eeg xuubdhacso. la-mid: xuubdhacsad, xuubdhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xuubka sare iska bedelid oo xuub siibasho. Masku caan ayuu ku yahay xuubdhacsashada. Dh: xuubdhacsi, xuubsiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xuubka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubdillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xuubka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid. m.f.dh, xuubdillaacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuubdillaacso
v. molt, shed skin (of a snake)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdillaacso
(fal) jidhka is beddel ku samee oo xuub siibo. Xuubdillaacso sida maska. Dh: xuubsiibo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuubdillaacso
de: molt, shed skin (of a snake)
initial: x
lx: xuubdillaacso
pd: (xuubdillaacsaday)
ps: v3a=intr
key: xuubdillaacso