ereyga

xuub-balaasmeed

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-balaasmeed

DHAN

m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-balaasmeed

DHAN

m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Plasma membrane

DHAABAN

Xuub balaasmeed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-maskaxeed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-maskaxeed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-wadneed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fud-barafeed

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-ubuceed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-ubuceed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buur barafeed

DHAFANDHAAF

m.l.u (-yo, m.dh) Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

suubasalaaxid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: suubaansalaaxid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

suubasalaaxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sasabid iyo koolkoollin kula dhaqmid. Waa nin dabeecad xun oo suubaasalaaxid ayaan ku wadaa. Dh: sasabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-badhhabe

DHAFANDHAAF

m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-muruqeed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xuub-muruqeed

DHAFANDHAAF

m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Duub saaqineed

DHAFANDHAAF

Induction, coil

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuub-badh-habe

DHAFANDHAAF

m.l (-bayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xuubdillaacsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: xuubdillaacsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xuubdillaacsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xuubsiibasho.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Xagal-bartameed

DHAFANDHAAF

Qalab loogu isticmaalo bartan-calaamadinta birta duuban.

waa la naqliyay ✓