xuub-badhhabe
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-badhhabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-badh-habe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolloydhsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) dariiqo molikuyuulada waaweyn sida, istaarajka ama borotiinka iyo molikuyuulada yaryar sida, guluukows ama amiino asiidhada oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badhhabe ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadne
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhagganyahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-dhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xundubadhe
-ha: (magac, lab, keli) xabbadda laxooxda ah ee laga dubo qooshka inta ugu dambaysa oo inta hore laga yareeyo lagan qaraweyneeyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuub-caaro
(n) cobweb (kaab-web); gossamer (gaa-se-mar); web (weeb); spun by a spider ~ shabaq-caaro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuub-dhacso
-xuub-dhacsaday / xuubdhacsatay: (v) slough (islaaf); slough off ~ xuubsiibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-malaas
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhismihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuur-badeed
-ka: (n) cormorant (koor-ma-ranf)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul badhaale
Thermal or heat equator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-badhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuddhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-balaasmeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-balaasmeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.