xuub-badh-habe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-badh-habe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-badhhabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-siimow
m.l (baayoloji) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollooydh-soocid
m.dh (baayoloji) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-siimow
m.l (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollooydh-soocid
m.dh (baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-balaasmeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-balaasmeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.