xutush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutush
m.l la-mid: cutush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cutush
(Cutush-ka)
(qof) duqoobey oo tabar darreeyey; aan xoog lahayn; dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutush
m.l (-shyo, m.dh) Qof tabar dhigay da' awgeed. la-mid: cuti¹, xutush.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cutush
m.l (-shyo, m.dh) Qof tabar dhigay da' awgeed. la-mid: cuti, xutush.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cutush
m. n. old, weak person, feeble with age
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cutush
-ah: (adj) very old person; weak (wiik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutush
-ka: (magac, lab, keli) qof duqoobay ama aan tabar lahayn oo da'du ka muuqato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cutush
de: old, weak person, feeble with age
lx: cutush
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cutush
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guush
name: Gush, Gus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guush
-ka: (magac, lab, keli) caleen aan qoyaan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guush
de: Gush, Gus
lx: Guush
ps: name-m
key: Guush
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ruush
pr. n., loc. Russia; Russian
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ruush
-ka: (n) Russia (raasha); Moscow is the capital and largest city ~ Raashiya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ruush
de: Russia; Russian
lx: Ruush
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
key: Ruush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulus
m.l la-mid: xalus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulus
-ka: (magac, lab, keli) cad buuran oo xaydh ah oo ay dadka shilisi gaar ahaan haweenku. xundhurta hoosteeda ku yeeshaan. Dh: xalus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulush
m.l Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulush
m.l Miiqyo badan oo dun, mayrax iyo wixi lamida ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulush
m. n. tassel, decorative object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulush
-ka: (n) [Pl. bulushyo-da] tassel (taasel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulush
-ka: (magac, lab, keli) badhidhorwka dacalladiisa laadlaada. Senge buuran badhidhowr casoo, bulushku laalaado. Dh: faraq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulush
de: tassel, decorative object
lx: bulush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bulush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burush
m.l (-shyo, m.dh) 1. Dheeraad. 2. la-mid: buraash 1 (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burush
m.l (-shyo, m.dh) 1. Dheeraad. 2. la-mid: buraash.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burush
Brush
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burush
m. n. brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burush
-ka: (n) [plural buraashyo-da] brush (buraash) used in scrubbing, polishing, or painting ~ buraash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burush
-ka: (magac, lab, keli) qalab jaadad badan leh oo wax lagu rinjiyeeyo, lagu maydho, lagu balaasheeyo, ama ilkaha lagu cadaydo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Burush
Wixii bul ama xaasaw-bireed leh oo wax lagu sifeeyo ama rinjiyeeyo ha ahaado kan birta, rinjiga saliidda, kan biyaha, kan caddayska, kan garka iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burush
de: brush
lx: burush
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: buraash {Eng}
key: burush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqush
m.l (-shyo, m.dh) 1. la-mid: doqosh. 2. Luuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxush
-ka: (magac, lab, keli) magac loo yaqaanno libaaxu marka uu gaboobo. Dh: aarjaamaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax qadarin. 2. Wax fiiro gaar ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buntukh
(Buntukh-a)
Hubka dabka mid ka mid ah oo gacanta lagu qaato. Wuxuu lee yahay dhuun dheer oo afkeeda xabbaddu ka baxdo oo gudaha ku leh xarriiqo qodan oo maroorsan oo xabbadda la ridayo siiya xoog sida kiriiriga u wareegaya iyo dheerayn iyo weliba sugnaan iyo meel fog gaarid; qori; (ama bunduq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buntukh
m. n. rifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buntukh
-a: (n) [buntukhyo-da] gun (gaan)-, rifle (raayfal) ~ qori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntukh
-a: (magac, lab, keli) hub gacanta lagu qaato, leh dhuun dheer, gudaha ku leh dalool xabbadda la ridaa marto. Buntukh baaruudda ridiyo billaawe dhexda lagu qaato. Dh: qori, bunduq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buntukh
bw: Arabic
de: rifle
lx: buntukh
pd: (-a Pl: banatiikh (da))
ps: n2a-m, n8-m
see: bunduq
key: buntukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulxush
-ka: (magac, lab, keli) qof itaal daran oo aan waxba qaadi karin ama gaban karin. Li: xoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nugushi
m.l Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugushi
-ga: (magac, lab, keli) roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruush
m.dh eeg qarshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruush
f. n., pl. coins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quruush
-ta: (n) coin (koyn); metal money; change ~ qaddaadiic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruush
bw: Arabic
de: coins
lx: quruush
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: qarshi
key: quruush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquush
(fal) eeg ruquus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ununush
m.l.u Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ununush
-ka: (magac, lab, keli) waxaro geedadaaqid bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuxuush
m.dh.w eeg waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuxuush
-ta: (magacwadareed) dugaag aan wax hanbayn. Dh: waxash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xulasho
(Xulasha-da)
Wax badan, kuwa ugu wanaagsan kala bixbixid; soocasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulasho
m.f.dh eeg xulo. la-mid: xulad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xulasho
Selezione
Selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan inta ugu wanaagsan kala bixid oo ka dhex naqaysasho. Alaabta xulashada ka daa oo badh uun ku nasiibi. Dh: soocasho, naqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbuse
m.l Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin. m.f.dh, xusuusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusi
v. remind, make someone remember
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusi
-yey / say: (v) remind (ri-maayndh); cause to remember; refresh one's memory ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusi
(fal) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Ballantii aabbo xasuusi. Dh: garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusi
de: remind, make s.o. remember
initial: x
lx: xusuusi
pd: (xusuusiyey)
ps: v2a=tr
key: xusuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuuso
f.g3 (-stay,-satay) Cid waxay illowsanayd garwaaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuuso
f.g3 (-stay,-satay) Cid waxay illowsanayd garwaaqsasho. m.f.dh, xusuusasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuuso
v. remember, call to mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuuso
-xasuustay / xasuusatay: (v) remember (ri-mem-ber); recollect (reka-lekt); recall (ri-kool); keep in mind; bear in mind ~ xasuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuuso
(fal) wax hore kuu soo maray sidii uu ahaa maankaaga ku soo xaadiri; laabtaada ku soo rid. Xasuuso waagaad yarayd. Li: illaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuuso
bw: xasuuso
de: remember, call to mind
initial: x
lx: xusuuso
nt: xusuusad (ka) [vn-m], xusuusasho (/da) [vn-f]
pd: (xusuustay / xusuusatay)
ps: v3b=tr
key: xusuuso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xutubin
m.f.dh eeg xutubi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xutubin
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimayn loo yeesho qof ama hadalkiisa. Xayow faaraxoow hadal rag waa xutubiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuunsho
(Xuunsha-da)
Shinbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuunsho
m.dh Shimbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuunsho
m.dh Shimbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuunsho
f. n. bustard bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuunsho
-xuunshada: (n) large, long-legged bird; bustard (bas-tadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) haad cadcad oo guryaha iyo meelaha la deggen yahay ka fogaanin. Xuunshada xoolaa la moodaa waa runtaa oo waa la moodaa. Wa: xuunshooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuunsho
de: bustard bird sp.
initial: x
lx: xuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: xuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yutucso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax ama arrin qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yutucso
(fal) (ku ~) codsi ku adkayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushan
(tilmaame) dhex gashan oo gudaha ugu jira. Libaax baa geedka xuluushan.