xusuusnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusnaan
m.f.dh eeg xusuusan. la-mid: xusuusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maanka ku hayn oo xafidsanaan. Xusuusnaan ha ku tala galin waad illoobi kartaaye qoro. Dh: xasuusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusan
f.g4 (-snaa, -snayd) Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusan
f.g4 (-snaa, -snayd) Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho. m.f.dh, xusuusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusan
der. [adjective] remembering, mindful of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusan
(tilmame) maanka ku haya oon illoobin. Ma xusuusan tahay wixii waagii ku soo maray?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusan
de: remembering, mindful of s.t.
initial: x
lx: xusuusan
pd: (xusuusnaa)
ps: adj-der
key: xusuusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansoonaan
(Garansoonaan-ta)
Xusuusnaan; ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin, dhibaato, iyo wixi lamida in ay dhaceen xusuusnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garwaaqso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin, dhibaato, iyo wixi lamida in ay dhaceen xusuusnaan. m.f.dh, garwaaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolkuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, wax ka qabadkeeda si buuxda u xusuusnaan. Dh: caloolkuhays, uurkuhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore xusuusnaan.
garwaaqsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) gef aad lahayd, aqoonsanaan oo oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax hore xusuusnaan.
garwaaqsanaansho -ha: (magac, lab, keli) gef aad lahayd, aqoonsanaan oo oggolaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) illaw la'aan iyo xusuusnaanta wax ku soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusnaansho
m.l/dh la-mid: xusuusnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg xusuusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushanaan
m.f.dh eeg xuluushan. la-mid: xuluushanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xuluushan oo gudaha ugu jira ahaan. Birta xuluushanaanta dabka u daa ha casaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusnaan
m.f.dh eeg xusan. la-mid: xusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sheegnaan oo wax la xuso ahaan. Geesigu intuu nool yahay xusnaanta kama helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusnaan
(Buusnaan-ta)
Isku ceshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusnaan
m.f.dh eeg buusan². la-mid: buusnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buusnaan
f. n., [abstract] state of being dented, squashed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buusnaan
de: state of being dented, squashed
lx: buusnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: buusnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusnaan
m.f.dh eeg kuusan². la-mid: kuusnaansho, kuusni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuusay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqnaan
m.f.dh eeg suuqan². la-mid: suuqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ka lajiidnaan oo dhuubnaan, aad u dheeraan oo dhuubnaan. Xanuunka ayaa ugu wacan suuqnaanta. Dh: miiqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusad
(Xusuusad-ka)
Xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusad
m.l la-mid: xusuusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusad
-ka: (magac, lab, keli) xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusin
(Xusuusin-ta)
Qof kale xusuusti ama laabti wax ku soo ridid, wax garansiin; garwaaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusin
m.f.dh eeg xusuusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Eedaanka waxa looga jeedaa cibaado iyo xasuusinta salaadda. Dh: garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukumnaan
m.f.dh eeg xukuman. la-mid: xukumnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukunnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la xukumay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushan
(tilmaame) dhex gashan oo gudaha ugu jira. Libaax baa geedka xuluushan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xusuus-ta
mémoire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudnaan
m.f.dh eeg guduudan. la-mid: guduudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab guduudan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxnaan
m.dh la-mid: gamuuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumnaan
m.dh la-mid: gamuuxanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan af fiiqan lahayn; gamuuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqnaan
m.f.dh eeg huluuqan. la-mid: huluuqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudnaan
m.dh la-mid: kaduudnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kuduudan ahaan. Dh: guduudnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo godan ahaan. Qaansada xaduurnaanta waa loogu tala galay. Dh: xoodnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqnaan
m.f.dh eeg xaquuqan. la-mid: xaquuqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xaquuqay oo wax dusha kaga dhejisnaa laga xoqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysnaan
m.f.dh eeg xasaysan. la-mid: xasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoonaan oo wax aan la arkayn ahaan. Dh: khabbaysnaan, qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushuucsanaan
m.dh la-mid: khushuucsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fushuqsanaan
m.f.dh eeg fushuqsan. fushuqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuugsanaan
m.f.dh eeg masuugsan. la-mid: masuugsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuugsanaan
-ta: (magac, dhedig, kell) saluugsanaan. Masuugsanaanta maxaa ku baday biirso haddaad dhergi weydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquursanaan
m.dh la-mid: maquursanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muquur ku jira oo biyo ku limman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucsanaan
m.f.dh eeg rukuucsan. la-mid: rakuucsanaan, rakuucsanaansho, ru- kuucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucsanaan
m.f.dh eeg suusucsan. la-mid: suusacsanaan, suusacsanaansho, suusucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsanaan
m.f.dh eeg xanuunsan. la-mid: xanuunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) laxawsanaan oo wax jirran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursanaan
m.f.dh eeg burursan. la-mid: burursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax burursan oo kala bashaaqsan ahaan. Muuska burursanaan laguma cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butucsanaan
m.f.dh eeg butucsan. la-mid: batacsanaan, batacsanaansho, butucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurnaan
m.dh la-mid: canshuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbaysnaan
m.f.dh eeg cusbaysan. la-mid: cusbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusbo lagu daray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsanaan
m.f.dh eeg dulucsan. la-mid: dulucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsanaan
m.f.dh eeg durugsan. la-mid: durjisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuxsanaan
m.f.dh eeg furuxsan. la-mid: furuxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare ee walax wax yeelid; xoodhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsanaan
m.f.dh eeg huyucsan. la-mid: hunyucsanaan, hunyucsanaansho, hu- yucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid huyucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juqufsanaan
m.f.dh eeg juqufsan. la-mid: joqofsanaan, joqofsanaansho, juqufsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudursanaan
m.f.dh eeg mudursan. la-mid: mudursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsanaan
(Murugsanaan-ta)
Wax murugsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsanaan
m.f.dh eeg murugsan. la-mid: murugsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsanaan
f. n., [abstract] anxiety, state of being worried, preoccupation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) war murugsan oo xalkeeda loo maaro la'yahay ahaan Dh: murgid.
murugsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: murugeysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugsanaan
de: anxiety, state of being worried, preoccupation
lx: murugsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: murugsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruxsanaan
m.f.dh eeg muruxsan. la-mid: muruxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caleen ama dhogor la'aan. Neefka cadho ayaa muruxsanaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsanaan
m.f.dh eeg qulubsan. la-mid: qulubsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsanaan
m.f.dh eeg qurunsan. la-mid: qurunsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsanaan
m.f.dh eeg quruxsan. la-mid: quruxsami (2), quruxsanaansho; qurxanaan, qurxanaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsanaan
-ta: (magac, dhedig. keli) qurux badan lahaan, bilicsamaan. Dh: qurxoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushaysnaan
m.f.dh eeg qushaysan. la-mid: qushaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruducsanaan
m.f.dh eeg ruducsan. la-mid: ruducsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruducsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaantal wax ruducsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushaysnaan
m.f.dh eeg rushaysan. la-mid: ru- shaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rusheeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubnaan
m.f.dh eeg shushuban. la-mid: shushubnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax markii hore isku jiray sida badar iyo wixii la mid ah kala qaybqaybsanaan. Dh: qayb-qaybsanaan.
shushubnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax shushuban ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) yoolyoolnaan, ur'urursanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucsanaan
m.f.dh eeg suyucsan. la-mid: suyucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) suyucsan ahaan, qoyanaan oo ur xumaan. Suyucsanaanta dabayl la'aanta ayaa ugu wacan aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsanaan
m.f.dh eeg tuhunsan. la-mid: tuhunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tuhunsanaan.