xusuusin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusin
(Xusuusin-ta)
Qof kale xusuusti ama laabti wax ku soo ridid, wax garansiin; garwaaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusin
m.f.dh eeg xusuusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Eedaanka waxa looga jeedaa cibaado iyo xasuusinta salaadda. Dh: garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin. m.f.dh, xusuusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusi
v. remind, make someone remember
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusi
-yey / say: (v) remind (ri-maayndh); cause to remember; refresh one's memory ~ xasuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusi
(fal) qof kale wax uu illawsan yahay laabtiisa ku soo rid. Ballantii aabbo xasuusi. Dh: garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusi
de: remind, make s.o. remember
initial: x
lx: xusuusi
pd: (xusuusiyey)
ps: v2a=tr
key: xusuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusan
f.g4 (-snaa, -snayd) Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusan
f.g4 (-snaa, -snayd) Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho. m.f.dh, xusuusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusan
der. [adjective] remembering, mindful of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusan
(tilmame) maanka ku haya oon illoobin. Ma xusuusan tahay wixii waagii ku soo maray?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusan
de: remembering, mindful of s.t.
initial: x
lx: xusuusan
pd: (xusuusnaa)
ps: adj-der
key: xusuusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarujin
(Baraarujin-ta)
Hurdo ka kicin; wax xusuusin; qof digtoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax xusuusin. 2. Cid wax ka dhaadhicin. m.f.dh, garansiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
conjure up
/ (v) 1. qiyaasid (maskaxda ka sawirasho) (v) 2. soo xusuusin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
evoke
/ivowk/ (v) xusuusin, xusuus-kicin. e.g. That old song evoked memories of my boyhood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rake up
/reyk ap/ (infl)(v) 1. soo xusuusin (kusoo kicin wax xun oo layska ilaaway) 2. dhib ku soo aruurin (siiba lacagta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remind
/rimayndh/ (v) xusuusin (garwaaqsiin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reminiscent
/remanisant/ (adj) lugu soo xusuusto (wax lugu soo xusuusto, wax hore oo u eg); ku xusuusinaya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ordre
ordre, n.m. - amar.
avec ordre - amar ah; nidaamsan.
sans ordre - nidaam lahayn.
avoir de l'ordre - habaysnaan; qof habaysan.
mettre de l'ordre dans ses affaires. - hagaajin; nidaamin hawlihiisa.
maintenir l'ordre - nidaam ilaalin.
rappeler à l'ordre - nidaam usheegid; nidaam xusuusin.
de premier ordre - ugu muhiimsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rappel
rappel, n.m. - xusuusin; dib ugu noqosho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
remémorer
remémorer, v. - xusuusin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusiye
-xusuusiyaha: (n) reminder (ri-maay-dhar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuus
(Xusuus-ta)
Kartida wax lagu soo garwaaqsado, aan wax lala illaawin; garwaaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuus
m.dh 1. Awoodda maskaxda ee kaydinta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuus
m.dh 1. Awoodda maskaxda ee kaydinta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xusuus
Memory
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuus
f. n. memory, recollection; commemorative (stamp); souvenir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuus
-ta: (n) memory (me-mari)-, remembrance (ri-mem-baransi)-, recollection (reka-lek-shin)
xusuus -tay / atay: (v) remember (ri-mem-ber); recognize (rekeg-naays); recollect (reka-lekt) ~ xasuus
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xusuus
Ricordo
Remembrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuus
-ta: (magac, dhedig, keli) karti ay maskaxdu ku kaydiso wixii dhacdo soo maray oo aanay illaabin. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xasuus baa geela lagu xergeeyaa. Dh: xus, illoobidla'aan. Li: illow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuus
de: memory, recollection; commemorative (stamp); souvenir
initial: x
lx: xusuus
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: xusuus
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xusuus
ذكر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qusuusi
(Qusuusi-ga)
Madax gaar ah oo boqorka ama waayeelka u dhow ama xigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusuusi
m.l.u Lataliyayaal. la-mid: khuususi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qusuusi
m. n., [collective] chief advisor to a leader; counsellors, aides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qusuusi
-da: (n) advisers (adh-vaayseris), also advisors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusuusi
-ga: (magac, lab, keli) wax cid u gaar ah. Dh: khusuusi.
qusuusi -ga: (magac, lab, keli) qof nin madax ah aad u dhow oo la taliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qusuusi
de: chief advisor to a leader; counsellors, aides
lx: qusuusi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: qusuusi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasuusi
v. remind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuusi
-yey / say: (v) remind (ri-maayndh)', cause to remember; refresh one's memory ~ xusuusi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasuusi
de: remind
initial: x
lx: xasuusi
pd: (xasuusiyey)
ps: v2a=tr
see: xusuus (and related entries)
key: xasuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuuso
f.g3 (-stay,-satay) Cid waxay illowsanayd garwaaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuuso
f.g3 (-stay,-satay) Cid waxay illowsanayd garwaaqsasho. m.f.dh, xusuusasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuuso
v. remember, call to mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuuso
-xasuustay / xasuusatay: (v) remember (ri-mem-ber); recollect (reka-lekt); recall (ri-kool); keep in mind; bear in mind ~ xasuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuuso
(fal) wax hore kuu soo maray sidii uu ahaa maankaaga ku soo xaadiri; laabtaada ku soo rid. Xasuuso waagaad yarayd. Li: illaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuuso
bw: xasuuso
de: remember, call to mind
initial: x
lx: xusuuso
nt: xusuusad (ka) [vn-m], xusuusasho (/da) [vn-f]
pd: (xusuustay / xusuusatay)
ps: v3b=tr
key: xusuuso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusin
m.f.dh eeg nuxuusi. la-mid: naxuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo nasiibxumo ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluulin
(Xuluulin-ta)
Meel ciriiri ah dhex xulin, dhex gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulin
m.f.dh eeg xuluuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah horay u dhexgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusad
(Xusuusad-ka)
Xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusad
m.l la-mid: xusuusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusad
-ka: (magac, lab, keli) xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusdhig
m.l 1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusdhig
m.l 1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusdhig
m. n. diary, memoire; archive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusdhig
-ga: (magac, lab, keli) buug lagu qorto hawl maalmeedka iyo wax qabadkaaga maalin walba si aanad u illoobin. Xusuusdhig ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusdhig
de: diary, memoire; archive
initial: x
lx: xusuusdhig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: xusuusdhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusnaan
m.f.dh eeg xusuusan. la-mid: xusuusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maanka ku hayn oo xafidsanaan. Xusuusnaan ha ku tala galin waad illoobi kartaaye qoro. Dh: xasuusnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busbuusan
(tilmaame) diisdiisan oo isku dundunsan. Dh: dhuucdhuucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushan
(tilmaame) dhex gashan oo gudaha ugu jira. Libaax baa geedka xuluushan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xusuus-ta
mémoire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusqor
* (Xusuusqor-ka)
Buug yar oo maalin walba lagu qoro wixii dhaca oo la doonayo in la xusuusto oo aan la illaawin. ~ Ajenda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusqor
m.l (-rro, m.dh) Buug lagu qoro waxyaabaha la doonayo inaan la illaawin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusuusqor
m.l (-rro, m.dh) Buug lagu qoro waxyaabaha la doonayo inaan la illaawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusuusqor
m. n., [compound] diary
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xusuusqor
Diario
Diary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusqor
-ka: (magac, lab, keli) buug lagu qorto hawl maalmeedka iyo wax qabadkaaga maalin walba. Xusuus qor ii keen.
xusuusqor-ka: (magac, lab, keli) buug la akhristo oo uu qof ku ururiyo dhacdooyin muhim ah oo uu usoo joogay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusuusqor
de: diary
initial: x
lx: xusuusqor
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xusuusqor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka samirsiin oo rajo tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suujin
m.f.dh eeg suuji. la-mid: suujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulin
m.f.dh eeg suuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'awood Rabbi' qof hurda ruuxiisa, meel u dheelmin; aroorin.
suulin -ta: (magac, dhedig, keli) wax baabi'in oo meesha ka saariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurin
(Suurin-ta)
Seexin; gam'in; saq gelin; aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurin
m.f.dh eeg suuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurin
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo suurid ah cid gelin. Dawadaa leh suurinta. Dh: aroorin, seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuxin
(Suuxin-ta)
Wax suuxsan ka dhigid; suuxdin ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuxin
m.f.dh eeg suuxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuxin
f. n. anesthetic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxin
-ta: (n) anesthesia; anesthetization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxin
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuxsan ka dhigid; seexin; suuxis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuxin
de: anesthetic
initial: s
lx: suuxin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: suuxin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuus
-ta: (n) memory (me-mori); remembrance (ri-mem-barans); recollection (reka-lek-shin) ~ see [eeg] xusuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuus
-ta: (magac, dhedig, keli) dhacda hore oo maanka ku hadha oo mar walba maskaxdu soo celiso. Dh: xusuus. Li: illawsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruun
(Xuruun-ka)
Guux xabeeb leh oo nafleyda qaarkeed soo saarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruun
xuruun¹: m.l la-mid: xaruun¹.
xuruun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) la-mid: xaruun².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuruun
m. n. growl, snarl, grunt
xuruun v. growl, snarl, grunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruun
(fal) cod xuruun ah laabta ka soo saar. Sidii nin xabeebsan u xuruun. Dh: xuuxee.
xuruun: (tilmaame) aad u cad.
xuruun -ka: (magac, lab, keli) cod guux iyo xabeeb leh oo qaar ka mid ah nafleydu ay samayso oo laabta ka soo baxa. Xuruun baa kasoo baxa wiilka maalmahan. Dh: guux.
xuruun -ka: (magac, lab, keli) geed xeebta ka baxa oo geelu cuno. Dh: xadhuun, xudhuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuslin
(Xuslin-ta)
1. Xusul wax ku dhererin; inta xusul ku jirta ogaansho; dhudhumin.
2. Orod xusulduub ah, ordid; rucleyn